Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Arrimaha Bulshada

Hargaysa: sabool-nimada iyo furniinka oo sabab u ah carruurta suuqyada ka shaqaysta

Radio Ergo by Radio Ergo
March 22, 2018
in Arrimaha Bulshada, Wararkii u Danbeeyay
0
Carruurta dadka ku barakacay Beledweyne oo qoysaskooda u shaqeeya gelinna waxbarta

Kaydka Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Suhayb Cabdiraxmaan Cali waa 12 jir, muddo labo sano ah xammaalinimo uga shaqaysanaya suuqa Gobanimo ee magaalada Hargaysa. 13 saacadood maalin kasta ayuu ka xamaalaa suuqa. Qiyaastii 10 jeer ayuu qaadaa maalintii adeegyo ay u dhiibtaan macaamiisha. Halkii mar ayuu gaari gacan ku qaadaa 30-50 kiilo oo alaabo kala duwan ah. Ma jirto qiimo go’an oo uu helo maalin kasta, laakiinse inta badan shan doolar ayuu habeenkii kula noqdaa gurigooda oo 4 km u jira suuqa.

Suhayb hooyadiis ayaa guriga ku haysa aabihii oo cudurka jeex-qalalka ku dhacay bishii siddeedaad ee sanadkii 2016-dii, Hadda waa isha keliya ee dhaqaale ka soo galo qoyskiisa, wuxuuna sidaas ku waayay fursadii uu waxbarasho ku aadi lahaa. Saddex carruur ah oo la dhalatay ayaa waxaa waxbarasho ka aadaa gabadha isaga ku xigta oo da’da jirta 10 sano. Labada kale ayaa guriga la jooga waalidkood.

Saddex kun oo carruur ah ayaa sida Suheyb uga shaqeysta gudaha Hargaysa, waxayna qabtaan shaqooyin ay ka midka yihiin, xamaaliga, kuuliga, biyo dhaaminta, baabuur dhaqida iyo huteelada oo ay weelka dhaqaan. Shaqooyinkan oo ku adag caruurta marka loo eego da’dooda, sababaha loo aanaynayo, waxaa Raadiyo Ergo u faah faahisay Faysa Maxamed oo madax u ah ururka SOYDA oo u dooda xaquuqda carruurta kana howl gala Hargaysa.

“Xog ururin aanu ka sameynay magaalada shanteeda degmo, waxaanu ku ogaanay in caruur badan ay shaqada ku kaliftay saboolnimada iyo faqriga,” ayay tiri Faysa.

Inta badan carruurta qoysaskooda u shaqeeya ma helaan fursado ay wax ku bartaan, Laakiin Suheyb, marna ma xaadirin iskuuul oo weligii wax ma baran, sababtoo ah qoyskooda ma awoodi karin inay markii hore waxbarasho geeyaan. Wakhtigan la joogo inuu fursad waxbarasho helona waxay ku xiran tahay in qoyskiisu helaan il kale oo dhaqaale oo aan isaga ahayn.

“Carruurta aan la dhashey mararka qaar isma aragno todobaad, sagaalka ayaan hoydaa, shanta subaxnimo ayaan kasoo baxaa guriga,” ayuu yiri Suhayb.

Caqabadaha ugu wayn ee  haysata Suhayb iyo dhalinyarada kale ee ku shaqaysta xamaaliga waxaa ka mid ah waddooyinka aan wanaagsanayn iyo sidoo kale mararka qar oo loo diido lacagtii ay shaqaysteen.

Inkasta oo Suhayb ku shaqaysto gaari-gacan ay qoyskiisu leeyihiin, hadana Cabdifataax Barkhad Cismaan oo 13 jir ah, hal sano ayuu xammaali ka yahay isla suuqa Gobanimo, waxaa gaari gacan maalintii lagaga kireeyaa saddex kun oo shilinka Somaliland ah ($0.25). Sagaal saacadood oo uu maalinta kasta shaqeeyo ayuu ka helaa $6. Cabdifataax waxaa uu shaqadan bilaabay dhammaadkii sanadkii 2016-kii, xilligaas oo uu aabihiis geeriyooday.

Si uu ugu shaqeeyo hooyadiis iyo afar carruur ah oo ay walaalo yihiin ayaa laga saaray fasalka afaraad oo uu bilaash uga dhiganayay iskuulka dowladda.

Dastuurka Somaliland oo oggolaaday xeerarka 30 ee ha’yadda Qaramada Midoobay ku caawiso carruurta ayaan oggoleyn inay shaqeeyaan carruurta ka yar 15 sano jir. Hase yeeshee Guuleed Axmed Jaamac oo ah madaxa xarunta xuquuqal insaanka madaxa banaan ee Somaliland waxaa uu aaminsanyahay inaanu ilmuhu joogi karin guriga marka uu ka waayo cunno, taasina ay ku khasabtay inay suuqa yimaadaan.

Previous Post

Mudug: Waxbararasho bilaash ah oo laga hirgeliyay Gal-barwaaqo

Next Post

Wareysi: Carruur nafaqo darro loo seexiyey isbitaalka Banaadir

Related Posts

Sanaag: Nolol xumo ka dhalatay dab baabi’iyay tuulada Milxo
Cunto-Yaraanta

Dab qasaare gaystay oo saamayn ku yeeshay boqollaal qoys oo ku nool Hargaysa

October 2, 2026
Qasaare ka dhashay roob dabeyl watay oo saamayn ku yeeshay danyar oo ku nool Bari
Wararkii u Danbeeyay

Qasaare ka dhashay roob dabeyl watay oo saamayn ku yeeshay danyar oo ku nool Bari

October 1, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Roob la’aan qalajisay beeraha oo barakicisay 300 qoys oo maciin biday Afgooye

September 30, 2026
blank
Cunto-Yaraanta

Afar boqol oo macalin oo shaqo la’aan noqday, markii ay xirmeen iskuullo ku yaalla Garowe

September 25, 2026
Adado mechanic gears up displaced youth for jobs in vehicle repair and solar tech
Wararkii u Danbeeyay

Dhalinyaro la baray xirfaddo ay ku maareeyaan nolosha qoysaskooda oo barakac ku ah Cadaado

September 24, 2026
Danyar ku nool Hargaysa oo ka soo kaban waayay burbur ku yimid ganacsiyadooda
Cunto-Yaraanta

Danyar ku nool Hargaysa oo ka soo kaban waayay burbur ku yimid ganacsiyadooda

September 22, 2026
Next Post
Gaalkacyo: tirada carruurta nafaqo darradu hayso oo sii kordhaysa

Wareysi: Carruur nafaqo darro loo seexiyey isbitaalka Banaadir

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 02-OCT-2026

IDAACADDA 02-OCT-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 02-OCT-2026
Episode play icon
IDAACADDA 02-OCT-2026
October 2, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 01-OCT-2026
October 1, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 30-SEP-2026
September 30, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 29-SEP-2026
September 29, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 28-SEP-2026
September 28, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo