Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Arrimaha Bulshada

Hargaysa: sabool-nimada iyo furniinka oo sabab u ah carruurta suuqyada ka shaqaysta

Radio Ergo by Radio Ergo
March 22, 2018
in Arrimaha Bulshada, Wararkii u Danbeeyay
0
Carruurta dadka ku barakacay Beledweyne oo qoysaskooda u shaqeeya gelinna waxbarta

Kaydka Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Suhayb Cabdiraxmaan Cali waa 12 jir, muddo labo sano ah xammaalinimo uga shaqaysanaya suuqa Gobanimo ee magaalada Hargaysa. 13 saacadood maalin kasta ayuu ka xamaalaa suuqa. Qiyaastii 10 jeer ayuu qaadaa maalintii adeegyo ay u dhiibtaan macaamiisha. Halkii mar ayuu gaari gacan ku qaadaa 30-50 kiilo oo alaabo kala duwan ah. Ma jirto qiimo go’an oo uu helo maalin kasta, laakiinse inta badan shan doolar ayuu habeenkii kula noqdaa gurigooda oo 4 km u jira suuqa.

Suhayb hooyadiis ayaa guriga ku haysa aabihii oo cudurka jeex-qalalka ku dhacay bishii siddeedaad ee sanadkii 2016-dii, Hadda waa isha keliya ee dhaqaale ka soo galo qoyskiisa, wuxuuna sidaas ku waayay fursadii uu waxbarasho ku aadi lahaa. Saddex carruur ah oo la dhalatay ayaa waxaa waxbarasho ka aadaa gabadha isaga ku xigta oo da’da jirta 10 sano. Labada kale ayaa guriga la jooga waalidkood.

Saddex kun oo carruur ah ayaa sida Suheyb uga shaqeysta gudaha Hargaysa, waxayna qabtaan shaqooyin ay ka midka yihiin, xamaaliga, kuuliga, biyo dhaaminta, baabuur dhaqida iyo huteelada oo ay weelka dhaqaan. Shaqooyinkan oo ku adag caruurta marka loo eego da’dooda, sababaha loo aanaynayo, waxaa Raadiyo Ergo u faah faahisay Faysa Maxamed oo madax u ah ururka SOYDA oo u dooda xaquuqda carruurta kana howl gala Hargaysa.

“Xog ururin aanu ka sameynay magaalada shanteeda degmo, waxaanu ku ogaanay in caruur badan ay shaqada ku kaliftay saboolnimada iyo faqriga,” ayay tiri Faysa.

Inta badan carruurta qoysaskooda u shaqeeya ma helaan fursado ay wax ku bartaan, Laakiin Suheyb, marna ma xaadirin iskuuul oo weligii wax ma baran, sababtoo ah qoyskooda ma awoodi karin inay markii hore waxbarasho geeyaan. Wakhtigan la joogo inuu fursad waxbarasho helona waxay ku xiran tahay in qoyskiisu helaan il kale oo dhaqaale oo aan isaga ahayn.

“Carruurta aan la dhashey mararka qaar isma aragno todobaad, sagaalka ayaan hoydaa, shanta subaxnimo ayaan kasoo baxaa guriga,” ayuu yiri Suhayb.

Caqabadaha ugu wayn ee  haysata Suhayb iyo dhalinyarada kale ee ku shaqaysta xamaaliga waxaa ka mid ah waddooyinka aan wanaagsanayn iyo sidoo kale mararka qar oo loo diido lacagtii ay shaqaysteen.

Inkasta oo Suhayb ku shaqaysto gaari-gacan ay qoyskiisu leeyihiin, hadana Cabdifataax Barkhad Cismaan oo 13 jir ah, hal sano ayuu xammaali ka yahay isla suuqa Gobanimo, waxaa gaari gacan maalintii lagaga kireeyaa saddex kun oo shilinka Somaliland ah ($0.25). Sagaal saacadood oo uu maalinta kasta shaqeeyo ayuu ka helaa $6. Cabdifataax waxaa uu shaqadan bilaabay dhammaadkii sanadkii 2016-kii, xilligaas oo uu aabihiis geeriyooday.

Si uu ugu shaqeeyo hooyadiis iyo afar carruur ah oo ay walaalo yihiin ayaa laga saaray fasalka afaraad oo uu bilaash uga dhiganayay iskuulka dowladda.

Dastuurka Somaliland oo oggolaaday xeerarka 30 ee ha’yadda Qaramada Midoobay ku caawiso carruurta ayaan oggoleyn inay shaqeeyaan carruurta ka yar 15 sano jir. Hase yeeshee Guuleed Axmed Jaamac oo ah madaxa xarunta xuquuqal insaanka madaxa banaan ee Somaliland waxaa uu aaminsanyahay inaanu ilmuhu joogi karin guriga marka uu ka waayo cunno, taasina ay ku khasabtay inay suuqa yimaadaan.

Previous Post

Mudug: Waxbararasho bilaash ah oo laga hirgeliyay Gal-barwaaqo

Next Post

Wareysi: Carruur nafaqo darro loo seexiyey isbitaalka Banaadir

Related Posts

Beeraleyda deegaan hoostaga Afgooye oo ku najaxay adeegsiga koronto laga dhaliyo ilayska
Beeraha Iyo Xoolaha

Beeraleyda deegaan hoostaga Afgooye oo ku najaxay adeegsiga koronto laga dhaliyo ilayska

September 16, 2026
Duurjoog gaajaysan oo qasaare gaarsiiyay dalagyada beeraleyda Togdheer
Beeraha Iyo Xoolaha

Duurjoog gaajaysan oo qasaare gaarsiiyay dalagyada beeraleyda Togdheer

September 15, 2026
Haraad iyo gaajo ka dhashay guridda ilo ay biyaha ka heli jireen qoysas ku nool Bari
Wararkii u Danbeeyay

Haraad iyo gaajo ka dhashay guridda ilo ay biyaha ka heli jireen qoysas ku nool Bari

September 14, 2026
Biyo yari iyo nadaafad xumo ka dhalatay oo haysa qoysas barakac ku ah Gaalkacyo
Wararkii u Danbeeyay

Biyo yari iyo nadaafad xumo ka dhalatay oo haysa qoysas barakac ku ah Gaalkacyo

September 11, 2026
blank
Wararkii u Danbeeyay

Barakicin qasab ah oo nolol xumo galisay qoysas laga saaray xeryaha Baydhabo

September 10, 2026
Danyar ku nool Hargaysa oo ka soo kaban waayay burbur ku yimid ganacsiyadooda
Cunto-Yaraanta

Danyar ku nool Hargaysa oo ka soo kaban waayay burbur ku yimid ganacsiyadooda

September 9, 2026
Next Post
Gaalkacyo: tirada carruurta nafaqo darradu hayso oo sii kordhaysa

Wareysi: Carruur nafaqo darro loo seexiyey isbitaalka Banaadir

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 18-SEP-2026

IDAACADDA 18-SEP-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 18-SEP-2026
Episode play icon
IDAACADDA 18-SEP-2026
September 18, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-SEP-2026
September 17, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-SEP-2026
September 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-SEP-2026
September 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-SEP-2026
September 14, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo