Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Caafimaadka

Dhadhaab: Tobaneeyo haween ah oo qaba isku-furan aan gudaha waxba looga qaban karin

Radio Ergo by Radio Ergo
March 12, 2018
in Caafimaadka, Wararkii u Danbeeyay
0
Dhadhaab: Tobaneeyo haween ah oo qaba isku-furan aan gudaha waxba looga qaban karin

Photo|Keydka/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Xeryaha qaxootiga Dhadhaab ee gobolka Waqooyi-bari Kenya waxaa ku nool 42 haween ah oo sanado badan qaba isku-furan, kaas oo xarumaha caafimaad ee xeryaha iyo gudaha Kenyaba wax looga qaban waayay. Waxay isugu jiraan qaar ay raggoodii u fureen xanuunka dartiis iyo kuwo ka tageen oo keligood carruurta korsada, sida ay noo sheegtay Xaliima Xaaji (ma aha magaceeda saxda ah) oo guddoomiye u ah urur ay haweenkaas ku mideysan yihiin.

Xaliima oo 51 jir ah, muddo 22 sano ah ayay la nooshahay isku-furanka. Waxay Raadiyo Ergo u sheegtay in muddadaas ay bulshada kala kulantay waayo-aragnimo xanuun badan iyo dhacdooyin uur-ku-taallo ah oo nolosheeda saameyn ku yeeshay. Sidoo kalena uu ku socdo dhaqaale badan si ay u iibsato xafaayado, tamooni iyo maryo ay nadaafadda u kaashato. Bil kasta lacag ay ku qiyaastay Ksh5,000 ($50) ayaa uga baxda waxyaabahaas.

“Bal ka warran qof maalin walba u baahan kharash uu ku maareeyo kaadidiisa iyo saxaradiisa oo misana aan la ogeyn xilliga uu dhibkaas ka dhamaan doono,” ayay tiri.

Saddex jeer ayay qalliinno lagu guul-darreystay ku gashay isbitaallo ku yaalla magaalooyinka Nayroobi iyo Gaarisa ee Kenya. Waxay ka mid tahay 19 haween ah oo sanadkii 2016 uu Guddiga Caalamiga ah ee Badbaadada (IRC) geeyay xarumo caafimaad oo gudaha Kenya ah, saddex ka tirsan oo keliya oo dhaawacyadooda ay cusbaayeen ayaa qalliinkooda lagu guuleystay. Inta kale waa laga quustay in caafimaadkooda gudaha wax looga qaban karo sida ay sheegtay Xaliima.

Waxay ka diiwaangashan yihiin isbitaalka Xagardheer ee Dhadhaab oo dawooyin siiya xilliyada ay xanuunsadaan ama ay la soo gudboonaadaan xaalado u baahan daryeel caafimaad. Ma jiraan xarumo gaar ah oo lagu xannaaneeyo iyo kaalmooyin caafimaad oo si gaar ah ay uga helaan hay’adaha samafalka.

Xaliima ayaa xustay in ay dadku faquuqaan xilliyada ay ku kulmaan meelaha biyaha laga dhaansado iyo xarumaha laga bixiyo raashinka. “Haddii aan tubbada taabto waa la iska dhaqaa,” ayay tiri. “Haddii aad qof isku dhacdaan waxay ku leedahay maradaada ayaa ureysa iyo gacmahaaga ayaa nijaaso ah.” Xitaa wiilasheeda xilliyada ay kubbada ciyaarayaan waxay sheegtay in lagu caayo isku-furankeeda oo iyaga iyo dhallinyarada kale ay sababtaas marar badan ku dirireen.

Takoorka wuxuu haweenkan gaarsiiyay heer ay ka sasaan salaanta iyo la-hadalka dadka kale. Aamino Cabduqaadir Cali oo guddoomiye u ah Kooxda Isbaheysiga Haweenka (Together Women Group), oo u doodad xuquuqda haweenka qaxootiga ah, ayaa Raadiyo Ergo u sheegtay in haweenka isku-furanka qaba ay u baahan yihiin xannaano gaar ah iyo in aan lagu takoorin dhibka gaaray.

“Marka ay gabadhu halkaas ka soo socoto iyada ayaa dhinac kale sii aadeysa. Waxay is leedahay haddii aad qofka ag-istaagto amay kaadidaada u urtaa,” ayay tiri. “Waxaad arkeysaa haddii ay gabadhu meel shir ah timaado inay meel gaar ah fariisaneyso, haddii aad salaantana ay dhaqso kaaga dhaqaaqdo.”

Haweenkan waxay isugu jiraan qaar isku-furmay iyagoo ku foolanaya dhul miyi ah, gudaha Soomaaliya, oo ka fog xarumaha caafimaad iyo qaar guryahooda oo xeryaha ku dhex yaalla ku fooshay oo aan la xiriirin xarumaha caafimaad ee bilaashka ay ku heli karaan, wacyigelinta oo ay iska dhego-tiraan ayaa loo sababeeyaa. Laakiin Xaliima wuxuu dhibku gaaray mar iyada oo keligeed meel cidlo ah lugeynaysa ay ku foolatay miyiga degmada Afmadow ee gobolka Jubbada hoose sanadkii 1996.

Previous Post

Baydhabo: Beeraleey iyo xoolo-dhaqato abaaraha ku ceyrootoobay oo ganacsato noqday

Next Post

Tallaalka cudurka Jadeecada oo ka socda qaybo badan oo Soomaaliya ah

Related Posts

blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 17, 2026
Sanaag: Shaqada dahab qodidda oo badbaado u noqotay qoysas nolosha ay ku adkayd
Wararkii u Danbeeyay

Sanaag: Shaqada dahab qodidda oo badbaado u noqotay qoysas nolosha ay ku adkayd

April 16, 2026
Takoor iyo dayac nolol xumo bidday qoysas danyar ah oo ku nool Puntland
Wararkii u Danbeeyay

Xoolo-dhaqato hore oo ka soo kabanaya nolol xumo markii ay abuurteen fursad shaqo

April 15, 2026
Iskuullo u xirmay dhaqaale la’aata ka jirta Galmudug roob yarida darteed
Beeraha Iyo Xoolaha

Iskuullo u xirmay dhaqaale la’aata ka jirta Galmudug roob yarida darteed

April 14, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Danyar xamili waayay kirada guryaha oo xero ku taalla Hargaysa ku wajahaya nolo xumo

April 10, 2026
Next Post
Tallaalka cudurka Jadeecada oo ka socda qaybo badan oo Soomaaliya ah

Tallaalka cudurka Jadeecada oo ka socda qaybo badan oo Soomaaliya ah

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 17-APR-2026

IDAACADDA 17-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 17-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-APR-2026
April 17, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-APR-2026
April 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-APR-2026
April 13, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo