Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Caafimaadka

Deegaanno ku yaalla Mudug oo isbitaal yeeshay markii ugu horreysay

Radio Ergo by Radio Ergo
March 5, 2018
in Caafimaadka, Wararkii u Danbeeyay
0
Isbitaalka guud ee Gaalkacayo oo adeeg la`aani hayso

File Photo/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Isbitaalkii ugu horreeyay oo ay yeeshaan deegaanka Bandiiradley ee koonfurta gobolka Mudug iyo tuulooyinka ku xeeran ayaa shaqeynaya muddo bil ah. Waa mid ay dhismahiisa iyo howl-socodsiintiisa iska kaashadeen dadka deegaanka iyo qurbajoogta, wuxuuna meesha ka saaray baahidii ay adeegyada caafimaad u qabeen dadkan oo u badan xoolo-dhaqato ay abaarta saamaysay. Waxaa dhowr jeer oo hore daryeel la’aan caafimaad sababsaday bukaanno, qaarkood dhexda ku dhintay intii loo sii waday Gaalkacyo oo deegaankan u jirta 75 km.

Leyla Maxamed Cabdi oo leh uur siddeed bil ah, waxay markan si ka duwan toddobadii jeer ee hore rajo wanaagsan ka qabtaa inay ku dhasho isbitaalka oo ay isu muuqdaan guriga ay deggan tahay. Waxay Raadiyo Ergo telefoonka ugu sheegtay inay si dhow ula socoto xaaladdeeda caafimaad. Labadii maalinba mar ayay booqataa isbitaalka si ay ula kulanto howl-wadeen caafimaad, tan oo daba socota dhiig-yari iyo nafaqo-darro muddo lix maalin ah loo seexiyay bartamihii bishii hore.

“Hadda dhibaatadii awood-yarida waan ka roonahay. Dawooyin ayay ii qoreen oo i siiyeen, waana qaataa weli,” ayay tiri. “Dhiiggeyga maalinba maalinta ka dambeysa wuu soo roonaanayaa,” ayay raacisay.

Waxay intaa ku dartay in uu isbitaalka waxtar gaar ah u leeyahay hooyooyinka uurka leh. Wuxuu meesha ka saarayaa sida ay aaminsan tahay haliso ay la kulmaan haweenka xilliga foosha haddii aysan helin daryeelka caafimaad ee lagama-maarmaanka u ah. Iyada dhiig-bax ah ayay la kulantay labo jeer oo hore oo ay ka dhalisay umuliso-dhaqameed. Waxay sidoo kale fursaddan u baajineysaa dhaqaale awooddeeda ka baxsan marka ay safar u baahato. $100 oo marar ay ehelkeeda ku caawiyeen, mararna ay deynsatay, ayaa uga baxday kirada gaariga shan jeer oo ay ku soo dhashay isbitaalka Gaalkacyo. Adeegyada isbitaalka Bandiiradley waa lacag la’aan si la mid ah Gaalkacyo.

Agaasimaha isbitaalka cusub ee Bandiiradley, Saciid Cabdi Axmed ayaa Raadiyo Ergo u sheegtay in tan iyo 03 Febaraayo oo ay shaqada billaabeen ay qaabbileen 1,244 bukaan. Waxay isugu jireen carruur iyo dad waaweyn oo qaba jadeeco, nafaqo-darro, shuban-biyood, dad ay bahallo qaniineen, qaar dhaawacyo rasaas ah qaba iyo hooyooyin uur leh. Intooda badan waa laga saaray isbitaalka markii la daweeyay, waxaana hadda jiifa 19 qof oo keliya oo qaba xanuunno kala duwan.

Isbitaalka oo ay ka howlgalaan afar dhaqtar iyo 12 qof oo howl-wadeenno caafimaad iyo shaqaale caadi ah isugu jira wuxuu ka kooban yahay qeybaha bukaan-eegtada, gargaarka degdegga ah, dhalmada, keydka dhiigga iyo qeybta bukaannada la seexiyo. Agaasimaha wuxuu sheegay ilaa hadda inay dhiig ku shubeen afar qof oo halis ugu jiray dhiig –la’aan.

Xabiibo Aadan Huurshe waa hooyada labo ka tirsan carruur labo toddobaad ka hor jadeeco loo seexiyay isbitaalka. Waxay Raadiyo Ergo u sheegtay inay fursad weyn u ahayd in carruurteeda ay daryeel caafimaad helaan iyagoo deegaankooda jooga. Labo maalin ka hor ayaa isbitaalka laga saaray labadeeda wiil oo 3 sano jir iyo 5 jir kala ah markii ay bogsoodeen.

Bishii Nofeembar ee sanadkii hore waxay ku qasbanaatay inay labo jeer gaari u kireysato Gaalkacyo si ay u geyso shan carruurteeda ka tirsan oo ay ku dhaceen jadeeco iyo shuban-biyood, lacagtaas oo ay deynsatay waxay dhameyd $120, welina waxaa lagu leeyahay $90. “Welwel joogto ah ayuu nagu ahaa safarkaas dheer ee aanan dhaqaalihiisa awoodin,” ayay tiri.

Dadka uu adeegyada caafimaad u soo dhoweynayo isbitaalkan oo tiradooda lagu qiyaasay 4,000 oo qoys waxay ku nool yihiin deegaanka Bandiiradley iyo 23 barood oo hoostaga. Dhammaadkii sanadkii 2017 waxaa deegaannadaas jadeeco ugu dhintay toddobo carruur ah oo waayay daryeel caafimaad, sidoo kalena haween umul-raac u dhintay ayaa jiray.

Previous Post

Dadka ku cayrtoobay abaaraha oo nolol ka raadsanaya xaalufinta dhirta

Next Post

Qiimaha xoolaha ee maanta

Related Posts

Beeraleyda Bay oo ku qasaaray dalagyo ay filayeen in ay kaga baxaan nolol xumada
Beeraha Iyo Xoolaha

Beeraleyda Bay oo ku qasaaray dalagyo ay filayeen in ay kaga baxaan nolol xumada

June 5, 2026
blank
Caafimaadka

Cudurka Sonkorowga oo saamayn nolol xumo ku haya qoysas danyar ah oo ku nool Gabiley

June 4, 2026
Beeraley ku nool Galgaduud oo wajahaya nolol xumo markii gubay beero ay ku tiirsanaayeen
Beeraha Iyo Xoolaha

Beeraley ku nool Galgaduud oo wajahaya nolol xumo markii gubay beero ay ku tiirsanaayeen

June 2, 2026
Mudug: Rag wadaaga fursadaha shaqo ee laga heli karo oo nolosha qoysaskooda ku filnaaday
Wararkii u Danbeeyay

Mudug: Rag wadaaga fursadaha shaqo ee laga heli karo oo nolosha qoysaskooda ku filnaaday

May 30, 2026
blank
Cunto-Yaraanta

Qoysaska macalimiin shaqo la’aan noqday oo Baydhabo ku wajahaya nolol xumo

May 22, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dhadhaab: Dhallinyaro qaxooti ah oo hirgaliyay ganacsiyo beddelay noloshooda

May 20, 2026
Next Post
Sool: 35,000 oo ari ah oo laga daweeyay cudurro

Qiimaha xoolaha ee maanta

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 07-JUN-2026

IDAACADDA 07-JUN-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 07-JUN-2026
Episode play icon
IDAACADDA 07-JUN-2026
June 7, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 06-JUN-2026
June 6, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 05-JUN-2026
June 5, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 04-JUN-2026
June 4, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 03-JUN-2026
June 4, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo