Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Beeraley soo barakaday oo abuur lagu caawiyay si ay gu’ga uga faa’ideystaan

Radio Ergo by Radio Ergo
March 28, 2018
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga, Beeraha Iyo Xoolaha, Wararkii u Danbeeyay
0
Beeraley soo barakaday oo abuur lagu caawiyay si ay gu’ga uga faa’ideystaan

Cabdullaahi Maxamed oo ka mid ah beeraleyda abuurka la siiyay oo ka safraya xerada Iidaale ee Baydhabo/Muxyadiin Xusni/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Toddobo kun oo qoys oo ah beeraleyda ay abaarta saameysay ee ku nool xeryaha lagu barakacay ee magaalooyinka maamulka Koonfur-galbeed ayaa tan iyo bishii Feberaayo loo qeybiyay abuur. Qorshuhu waa in ay deegaannadooda dib ugu noqdaan, kana faa’ideystaan xilli-roobaadka gu’ga oo la rajeynayo toddobaadyada soo aaddan. Ilaa hadda 100 qoys oo dadkaas ka tirsan ayaa deegaannadooda dib ugu noqday si ay diyaarinta beerahooda uga sii shaqeeyaan.

Kaarar lacag ku jirto ayaa sidoo kale loo qeybiyay qoysaska abuurka la siiyay. Waxaa loogu talagalay in saddexda bil ee soo socota ay hal mar middiiba $69 raashin ahaan ama lacag ahaan uga qaataan dukaano cayiman oo ku yaalla magaalooyinka waaweyn.

Beeraleyda qaar qoysaskooda waxay uga tagi doonaan xeryaha maaddaama aysan hubin in roob fiican uu deegaannadooda ka da’ayo. Waalidka iyo carruurta ugu waaweyn qaar ayaa beeraha aadi doona si haddii ay wax-soo-saar yeelato ay u guuraan, haddii kalena ay xeryaha ugu sii negaadaan.

Qoyska Muumino Cabdullaahi Cabdi oo toddobo cisho ka hor ku noqday tuulada Misgaale oo 18 km koonfur ka xigta Baydhabo ayaa ka mid ah beeraleyda isu diyaarinaya ka faa’ideysiga roobka iyo abuurka la siiyay. Waxay Raadiyo Ergo u sheegtay in ay sii billaabeen ka shaqeynta beertooda oo lix hektar ah.

Waxay gaari-dameer iyo bajaaj uga guureen kaamka Towfiiq ee duleedka Baydhabo oo ay deggenaayeen sanad iyo siddeed bil. Waxaa safarkooda uga baxday Sosh150,000 ($6.5) oo ay kaarka kala baxeen horraantii bishan. Waa markii ugu horreysay oo ay beer tacbadaan muddo saddex sano ah oo ay deegaankooda abaar ka jirtay.

Kaarka dukaamo gaar ah oo ay hay’adda iyo wasaaradda ay la macaamilaan oo magaalooyinka waaweyn. Marka ay bisha ay dhamaato ayay qaataan. Maarso billowgeedii ayay dadka qaar lacag ahaan u qaateen, qaarna raashin.

Boqollaal qoys oo xeryaha ku sugan ayaa isu diyaarinaya dib-u-noqoshada. Weriyaha Ergo ee Baydhabo ayaa 27-kii Maarso la kulmay Cabdullaahi Maxamed Aadan xilli uu u xirxirnaa ku noqoshada deegaankiisa Mukuudo oo 23 km u jira. Isaga iyo wiilkiisa ayaa maalintaas baxayay, waxayna xerada Iidaale uga tagayeen lix carruur ah iyo hooyadood.

Wuxuu sheegay in uu jeclaan lahaa qoyska oo dhan inuu raro maaddaama nolosha barakaca ay dhib badan tahay, laakiin aanay hadda taasi suuragal ahayn inta uu ka hubsanayo inay beerta soo go’do. Wuxuu rajo ka muujinayaa haddii ay beeraha u baxaan inay noloshooda isbeddeli doonto qoyska oo dhanna uu celin doono.

Cabdullaahi oo barakac ku ahaa Baydhabo muddo sanad iyo bar ah ayaa ku faraxsan in abuurka la siiyay uu u rumeeyay riyadii uu ka lahaa inuu mar un dib ugu noqdo shaqadiisii beero falashada. Waxba ma uusan tacban muddo saddex sano ah.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Beeraha Koonfur-galbeed, Cabdi Siraaji ayaa Raadiyo Ergo u sheegay in abuurka ay beeraleyda siiyeen uu isugu jiro masaggo, galley, digir, sisin iyo nooco kala duwan oo khudaar ah. Mashruucan oo muhiimaddiisu ay tahay in uu gacan ka gaysto sidii ay dadkan dib ugu noqon lahaayeen noloshoodii hore ayuu xusay inay ka caawinayso hay’adda Cunnada iyo Beeraha ee FAO.

Waxaa la hiigsanayaa sida uu agaasimaha sheegay in abuurka la gaarsiiyo 15,000 oo qoysas soo barakacay ah si ay gu’gan uga faa’ideystaan. Xilli-roobaadkan oo la rajeynayo inta u dhaxeysa Maarso ilaa Juun waa mid wax-soo-saar badan leh oo dalagyo badan ay ka soo go’aan meelo badan oo Soomaaliya ah.

Sida uu bartamihii bishii hore sheegay Mashruuca Maamulka Dhulka iyo Biyaha Soomaaliya ee SWALIM, gu’ga sanadkan 2018 waxaa la rajeynayaa inta badan gobollada dalka inuu ka hoos-maro qiyaasta caadiga ah. Inta badan deegaannada gobolka Bay lagama filayo roob badan.

Previous Post

Dhegeyso Qiimaha xoolaha ee qaar ka mid ah seylaha Soomaaliya

Next Post

Qiimaha Xolaha

Related Posts

Qoysas cayroobay oo cunno xumo ku wajahaya Cadaado oo ay maciin-bideen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas cayroobay oo cunno xumo ku wajahaya Cadaado oo ay maciin-bideen

January 20, 2026
Kismaayo: Haween barakac ah oo dhaqaale ka hela miro lagu quudiyo xoolaha
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Kismaayo: Haween barakac ah oo dhaqaale ka hela miro lagu quudiyo xoolaha

January 19, 2026
Rag shaqooyin ka helay beeraha Muqdisho oo ku filnaaday nolosha qoysaskooda
Beeraha Iyo Xoolaha

Rag shaqooyin ka helay beeraha Muqdisho oo ku filnaaday nolosha qoysaskooda

January 16, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Heshiish laga gaaray colaaddii Xanan-buure oo soo kabasho u noqotay qoysas danyar ah

January 14, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Umulisooyin daryeel iyo talooyin caafimaad u sameeya haweenka ku nool Dhadhaab

January 13, 2026
Baydhabo: Arday waxbarasho la’aan noqday markii uu dab baabi’iyay iskuulkooda
Wararkii u Danbeeyay

Baydhabo: Arday waxbarasho la’aan noqday markii uu dab baabi’iyay iskuulkooda

January 12, 2026
Next Post
Baydhabo: Dadka ganacsigoodu uu ku tiirsanaa miyiga oo abaartu ay saameysay

Qiimaha Xolaha

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 20-JAN-2026

IDAACADDA 20-JAN-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 20-JAN-2026
Episode play icon
IDAACADDA 20-JAN-2026
January 20, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 19-JAN-2026
January 19, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-JAN-2026
January 17, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-JAN-2026
January 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-JAN-2026
January 15, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo