Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Caafimaadka

Xoolo-dhaqato abaarta ku cayrtoobay oo xanuunka dhimirka looga dawaynayo Burco

Radio Ergo by Radio Ergo
February 22, 2018
in Caafimaadka, Wararkii u Danbeeyay
0
XARRUNTA DADKA DHIMIRKA KA XANUUSAN LAGU XANAANEEYO EE BAYDHABO OO DAAWO LA’ANI HAYSO

Keydka | Qaar ka mid ah dadka dhimirka ka xanuunsan ee Baydhabo ku sugan/ Sawir/Muxiyadiin/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

Boqol iyo konton qof oo qaba xanuunka dhimirka ayaa lagu dawaynayaa laba isbitaal oo ku yaalla magaalada Burco.  Dadkan oo ay abaartu ka dhammaysay inta badan xoolihii ay noloshoodu ku tiirsanayd ayaa laga kala keenay miyiga gobolka Togdheer. Inkasta oo roobabkii Dayrtu ay ka da’een qaybo ka mid ah gobolka, hadana waxba uma tarin qoysaska ay ku dhaafeen xoolohoodii abaaro labadii sano ee u dambeeyey deeggaanka ka jiray.

Dr. Feysal Cabdi waxaa uu ka howl-galaa isbitaalka lagu daweeyo dadka qaba xanuunada dhimirka ee Manhal. Wuxuu Ergo u sheegay in sababta u keentay dadka xoolo-dhaqatada ah xanuunka ay tahay, daryeel la’aan caafimaad iyo waalidka oo waayay wax ay carruurtooda siiyaan.

Masuuliyiinta isbitaallada Manhal iyo Maandhaye oo la hirgeliyay labo sano ka hor ayaa Ergo u sheegay in ay hakad geliyeen qaabilaada dadka cusub ee xanuunka dhimirka qaba, maadaama ay buux dhaafeen dhammaan qollaalka ay ka kooban yihiin isbitaalladu.

Iyadoo ay abaaruhu wali ka jiraan deegaanka, ayuu Cabdiraxmaan Axmed Xasan oo ah maamulaha isbitaalaka Manhal sheegay in awoodooda ay ka badan tahay tirada dadka ay hadda daawaynta u sameeyaan.

“Annaga maalin kasta afar ilaa shan qof ayaa naloo keenaa, mana qaban karno, qofkii ladnaadaba booskiisa qof ayaan ku bedelnaa, tirada aan hayno waa inta awoodeenna dhaqaale iyo xanaano le’egtahay” ayuu yiri Cabdiraxmaan.

Dhaqaalaha ay bukaanka ugu shaqeeyaan oo bishii gaaraya 2,000 oo doolar ayay masuuliyiinta isbitaalka Manhal sheegeen in ay ka soo uruuriyaan ganacsatada magaalada.

Jaamac Yuusuf waxaa lagu hayaa guri uu leeyahay walaalkiis oo ku yaalla Burco. Geed ku yaalla bannaanka guriga ayaa loo ooday, iyada oo silsilad looga xiray lugta midig. Cabdullaahi Yuusuf oo walaalkiis ah ayaa Ergo u sheegay in sababta ay guriga ugu hayaan ay tahay cabsi ay ka qabaan in uu dhibaato gaysto. Afar bilood ka hor ayuu sheegay in go’ uu haystay uu ku xiray geedka ka dib uu isku dal dalay, waxaana u gurmaday dadkii guriga joogay. Isbitaalka guud ee magaalada ayaa lagu hayay muddo bil ku dhow oo laga dawaynayay dhaawacyo ka soo gaaray cunaha. Dawooyinka maskaxda dejiya oo ay uga soo iibiyaan Isbitaallada magaalada, ayay ku siiyaan halka uu ku xiran yahay.

Bishii tobnaad ee sanadkii lasoo dhaafay ayaa laga keenay isaga iyo qoyskiisa oo ka kooban afar carruur ah iyo hooyadood laga keenay deegaanka War-cibraan oo Burco dhanka Koonfurta uga beegan qiyaastii 155km. 157 neef oo ari ah oo uu abaarta ka hor dhaqanayay ayaa hadda waxaa uga soo haray 7 neef oo lagu hayo magaalada Burco.

Isbitaallada Manhal iyo Maandhaye mudadii ay shaqaynayeen waxay daweeyeen 168 qof, kuwaas oo markii dambe dib ugu noqday ehelladoodii. Qaar kale wali waxay sugayaan fasixii ay ku bixi lahaayeen kaddib markay dhammaysteen dawayntii.

Cabdikariim Maxamed Axmed waa 47 jir. Muddo afar bilood ah oo uu qaadanayay dawada dhimirka hadda waxaa uu isu diyaarinayaa inuu ka baxo isbitaalka Manhal. Lix carruur ah oo uu dhalay oo hadda la kala nool hooyadood iyo ayeeyadood ayaanu muddadaas arag.

18 neef oo ari ah ayaa uga soo haray saddex boqol oo ari iyo saddex awr oo uu abaarta ka hor ku dhaqan jiray deegaanka Oowdayne oo 75 km galbeed uga beegan magaalada Burco.

“Markaan arkay xoolihii oo gacantayda ka baxay. Carruurtii oo isoo eegeysa oo aanan wax ay cunaan u hayn, markaas ayaa miyir iigu dambaysay”, ayuu yiri Cabdikariim.

Cabdrixamaan oo ah maamulaha Manhal ayaa sheegay in sababta ay u fureen isbitaalka ay ahayd, kaddib markii ay arkeen dad badan oo jiifa gidaarada magaalada, gaar ahaan dadkii reer miyiga ahaa ee xoolihii ka baxeen, isla markaana aan helin daryeelkii ay u baahnaayeen.

Previous Post

Qiimaha xoolaha

Next Post

Biyaha oo qaaliyoobay deegaanno hoostaga Hargeysa

Related Posts

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 14, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Danyar xamili waayay kirada guryaha oo xero ku taalla Hargaysa ku wajahaya nolo xumo

April 10, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dad ka barakacay colaadda Baydhabo oo dhibaato cunno xumo iyo hoy la’aan wajahaya

April 8, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nolol xumo ka dhalatay biyo yari ku haysa Muqdisho in ka badan 12,000 oo qoys

April 6, 2026
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Ceelal qalalay oo biyo la’aan dhigay qoysas ku nool gobolka Sool

April 3, 2026
Next Post
Biyo-yarida Baydhabo oo gaartay in hal ceel la isugu tago

Biyaha oo qaaliyoobay deegaanno hoostaga Hargeysa

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 16-APR-2026

IDAACADDA 16-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 16-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-APR-2026
April 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-APR-2026
April 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 12-APR-2026
April 12, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo