Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Beeraha Iyo Xoolaha

Reer miyiga iibka ku raba xoolohooda oo ku jaah-wareersan doolarka

Radio Ergo by Radio Ergo
February 27, 2018
in Beeraha Iyo Xoolaha, Wararkii u Danbeeyay
0
Xoolo-dhaqato cabasho ka muujiyay lacagta taleefannada lagu isticmaalo

Keydka Sawirrada Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

Seyladda xoolaha ee magaalada Guriceel ma arkaysid qof qiimaha xoolaha ku sheegaya shilin Soomaali. Doolar oo keliya ayaa wax lagu kala iibsadaa, mana aha kaash oo waa lacag la isaga diro taleefannada gacanta. Waa natiijada muddo toddobo bilood ah oo isticmaalka shilin Soomaaliga laga joojiyay gobollada dhexe.

Maxamed Faarax oo xoolo-dhaqato ah, 18 doolar oo uu ka helay iibka neef arigiisa ka mid ah ayuu ku gatay taleefanka gacanta. Isticmaalka taleefanka ayuu bilaabay muddo hadda laga joogo shan bilood, wuxuuna sheegay inay wali ku adagtahay fahamka sida lacagta loogu shubto ama loo gala baxo, maadaama aanu waxna akhri karin isla markaana qori karin.

Maxamed oo 70 jir ah, wuxuu toddobaadkii hore shan neef oo ari ah keenay suuqa. Wuxuu ka soo safriyay tuulada biyo-gaduud oo 36 km koonfur uga beegan degmada Guriceel ee gobolka Galguduud. Wuxuu Ergo u sheegay in qiimihii uu ku doonayay xoolihiisa aanu ku helin, maadaama sicirka doolarka aanu aqoon. Bedelkeedna uu door biday in uu ku bedesho raashin isugu jira bur, bariis iyo saliid. Wuxuu sheegay in uu jeclaan lahaa lacag uu yaqaano in xoolihiisa looga iibsado si uu u garto in qiimihii saxda ahaa laga siistay iyo in kale.

Xoolo-dhaqatada la midka ah Maxamed ayay sidoo kale caqabad ku tahay adeegsiga lacagta taleefannada ku jirta. Muraadka ay magaalada ka leeyihiin ayay uga xiran lacagta taleefannadooda uga jirta oo mararka qaar ay dhacdo inaanay aqoon inta ay le’eg tahay.

Gaambe Caabi dhammaadkii todobaadkii hore ayuu suuqa xoolaha ee degmada Guriceel keenay laba neef oo ari ah. Markii uu ku waayay shilin Soomaali ayuu dib ugu celiyay deegaanka Lafweyn oo Guriceel Koonfur-bari uga beegan qiyaastii 22 km. Labadii neef ee uu suuqa keenay ayuu sheegay in loo istaagay wax ka yar 21 doolar. Inta ay shilin Soomaali ku noqonayso markii uu waydiiyay dadka suuqa joogay, waxay u sheegeen inay u dhiganto in ku dhow 700,000 oo shilin.

Taleefanka gacanta oo uu uga soo dhiibay Guriceel wiil uu abti yahay ayuu sheegay in uu wali ku jiro  barashada isticmaalkiisa, ayna wali ku adag tahay inuu ku shubto lacag ama uu kala baxo. Arrintaas oo ku kalliftay inuu labadiisii neef dib ugu celiyo deegaankii uu markii hore ka keenay.

“Xoolihii aan usoo safray markii shilin Soomaali loo eego wax aan ku geli karoba maaha. Ilmahaygii iyaga oo qaday oo raashin haysan baan ka imi”, ayuu yiri Gaambe.

Xoolo dhaqatada ayaa dhibaato ku qaba dabeynta taleefannada ay ku khasbeen duruufaha ka dhashay diidmada shilinka Soomaaliga. Gaambe Caabi ayaa sharaxaya sida uu taleefankiisa dab ugu helo isagoo ku nool miyiga. Wuxuu sheegay in maadaama aan koronto laga helin miyiga uu taleefankiisa u dhiibto baabuur ama qof u socda Guriceel si loogu soo dabeeyo, uuna ka maqnaado habeen iyo maalin. Mararka qaarna dhowr maalmood ayuu sheegay in uu dab la’aan uga dansanaado.

Gaambe Caabi oo aabe u ah 10 carruur ah, ayaa in ka badan 100 neef oo ari ah oo uu horay ugu dhaqan jiray deegaanka Lafwayn, waxaa hadda uga soo haray 30 neef oo keliya kadib markii intii kale ay abaartu ka dhammaysay.

Cali Maxamed Xaashi oo ka mid ah ganacsatada xoolaha u iib geeya qaar ka mid ah deegaannada Puntland ayaa sheegay in uu jiro is-faham-waa ka taagan suuqyada xoolaha kaas oo u dhexeeya ganacsatada iyo xoolo-dhaqatada oo neefafka ay keenaan ku qiimeyana shilin Soomaali aan gobolka ka shaqayn. Arrintaas oo mararka qaar keenta in lacagtii ay ku doonayeen in xoolo ku iibsadaan ay waayaan qofka ka qaata.

Macalin Daahir Xersi oo ah madaxa dhaqaalaha ee jaamacadda Savanah xarrunteeda Guriceel ayaa tilmaamay in dadka reer miyiga ah ay soo wajahday dhaqaale burbur iyadoo ay usii dheertay abaaraha dalka ka jira. Wuxuu sheegay in taasi ay jaah wareer ka abuurtay suuqa lagu kala iibsado xoolaha oo ah halka ugu horraysa ee xoola-dhaqatadu timaado.

Previous Post

Barnaamijka dakhtarka Raadiyaha

Next Post

In kabadan 10 kun oo qoys oo barakac ah oo ay saameysay biyo yaraan ka jirta Waajid

Related Posts

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 14, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Danyar xamili waayay kirada guryaha oo xero ku taalla Hargaysa ku wajahaya nolo xumo

April 10, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dad ka barakacay colaadda Baydhabo oo dhibaato cunno xumo iyo hoy la’aan wajahaya

April 8, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nolol xumo ka dhalatay biyo yari ku haysa Muqdisho in ka badan 12,000 oo qoys

April 6, 2026
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Ceelal qalalay oo biyo la’aan dhigay qoysas ku nool gobolka Sool

April 3, 2026
Next Post
Saddex carruur ah oo harraad ugu geeriyootay miyiga Buq-Koosaar

In kabadan 10 kun oo qoys oo barakac ah oo ay saameysay biyo yaraan ka jirta Waajid

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 16-APR-2026

IDAACADDA 16-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 16-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-APR-2026
April 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-APR-2026
April 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 12-APR-2026
April 12, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo