Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Beeraha Iyo Xoolaha

Haweenka abaaraha ka soo barakacay oo iyagoo dallaalliin ah ku soo badanaya seyladda Caabudwaaq

Radio Ergo by Radio Ergo
February 26, 2018
in Beeraha Iyo Xoolaha, Wararkii u Danbeeyay
0
QIIMAHA XOOLAHA NOOL EE SUUQYADA SOOMAALIYA
0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Haweenka xoolo-dhaqatada ahaa ee abaaraha ku ceyrtoobay ayaa ku shaqaysanaya dallaalnimo si ay nolol maalmeedka qoysaskooda ugu filnaadaan. Waa shaqo lagu yaqaannay ragga, haddana haweenkan waxa kaliya ee ay yaqannaan waa howlaha la xiriira xoolaha. Lix iyo toban haween ah oo ka yimaada xeryaha lagu barakacay ee magaalada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud ayaa bilihii u dambeeyay u shaqo taga sayladda magaaladaas.

Farxiya Maxamed Cali oo ah hooyo keligeed korsata afar carruur ah ayaa ka mid ah haweenkaas. Waxay Raadiyo Ergo u sheegtay in $3 ilaa $4 oo maalin kasta ay shaqadaan ka hesho ay ugu filan tahay cunnada iyo waxbarashada carruurta. Labada ugu waaweyn carruurteeda ayaa dhigta dugsiga hoose oo kiiba ay ka bixiso $8 bishii.

Maaddaama aysan jirin hay’ado gargaar iyo maamul dowladeed oo si joogto ah dadkaas u caawiya noloshana ka taageera, Farxiya iyo dumarka kale ee xeryaha ku nool waxay ku qasbanaadeen in ay qabtaan shaqo walba oo ay ka heli karaan waxay carruurtooda quutaan.

Farxiya oo maalintii kala iibisa ilaa afar neef oo ari ah, doorkeedu waa inay wadahadalka ka horeeya heshiiska ka qeyb qaadato. Waxay u dhaxaysaa reer miyiga oo ah kuwa inta badan xoolaha keensada iyo kuwa ka iibsada. Waxay lacag ka qaadataa labada dhinacba.

Bishii Diseembar 2016 ayay ka soo barakacday miyiga degmada Gallaaddi ee xudduudka gobolka Galgaduud uu la wadaago gobolka Ismaamulka Soomaalida-Itoobiya, kaddib markii ay abaarta uga dhinteen dhammaan 200 oo ari ahaa oo ay dhaqaneysay.

Shuuriye Axmed Xasan oo ka mid ah ragga dallaaliinta ka ah seyladdan ayaa Raadiyo Ergo u sheegay inay haweenka ku soo badanayaan seyladda, isla markaana ay u muuqato inay ka saa’id caleeyeen ragga. Dallaaliinta waxaa ka dheeraad ah kuwo kale oo qabta shaqooyinka ay ku jiraan kawaanley iyo faashley oo ah kuwa xoolaha oo ay seyladda ku iibsadaan ka sii ganacsada. Mararka qaar kuwa xoolaha miyiga ka keensada ayaa haween ah.

Wuxuu intaa ku daray in xoolaha ay hadda suuq fiican yeesheen maaddaama suuqa la keenayo kuwii ugu horreeyay oo daaqa iyo biyaha ka faa’ideystay meelaha ay deyrta ka da’day dhammaadkii sanadkii hore. Waxay seyladdan ku tiirsan tahay deegaanno ka tirsan gobolka Galgaduud iyo dhulka ismaamulka Soomaalida-Itoobiya.

Marka laga reebo Hooyooyinka qoysaskoodu abaaraha ku ceyrtoobeen ee ku shaqaysta dallaalnimada waxaa jira kumannaan kale oo xeryaha barakaca ku sugan oo aan heyn shaqooyin ay qabtaan, kuwaas oo aan awoodin in ay helaan quutulyoomka maalinta.

Previous Post

Waa sidee gurmadka ay bixiyaan Aamin Ambulance xilliyada ay qaraxyadu dhacaan?

Next Post

Qiimaha xoolaha

Related Posts

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 14, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Danyar xamili waayay kirada guryaha oo xero ku taalla Hargaysa ku wajahaya nolo xumo

April 10, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dad ka barakacay colaadda Baydhabo oo dhibaato cunno xumo iyo hoy la’aan wajahaya

April 8, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nolol xumo ka dhalatay biyo yari ku haysa Muqdisho in ka badan 12,000 oo qoys

April 6, 2026
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Ceelal qalalay oo biyo la’aan dhigay qoysas ku nool gobolka Sool

April 3, 2026
Next Post
QIIMAHA XOOLAHA EE SUUQYADA SOOMAALIYA

Qiimaha xoolaha

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 16-APR-2026

IDAACADDA 16-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 16-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-APR-2026
April 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-APR-2026
April 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 12-APR-2026
April 12, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo