Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Caafimaadka

Carruur laga keenay tuulooyinka oo nafaqo-darro loo seexiyay isbitaalka Kismaayo

Radio Ergo by Radio Ergo
February 28, 2018
in Caafimaadka, Wararkii u Danbeeyay
0
Carruur laga keenay tuulooyinka oo nafaqo-darro loo seexiyay isbitaalka Kismaayo

Mothers take their Malnourished children to Kismayo hospital/Ahmed Abdi/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

Carruur ay tiradooda gaarayso 188 oo nafaqo-darro la ildaran ayaa labadii toddobaad ee u dambeeyay jiifa isbitaalka magaalada Kismaayo. Carruurtan oo ay da’dooda ka yar tahay shan sano ayaa laga keenay tuulooyin ka tirsan Jubbooyinka oo ay ka jirto cunto-yari ka dhalatay abaarta. Waa deegaanno aan lahayn xarumo caafimaad, sidoo kalena aanu gaarin gargaarka hay’adaha iyo maamulka Jubbaland sababo ammaanka la xiriira awgood.

Madaxa qeybta nafaqeynta ee isbitaalka Kismaayo, Maxamed Cismaan Geeddi oo aan ka soo xigannay tirada carruurta ayaa noo sheegay in bukaannada jiifa ay ku jiraan 35 carruur ah oo ay hayso nafaqo-darro uu heerkeedu liito iyo 53 kale oo nafaqo-darrada ay u weheliyaan xanuunno kale sida shuban. Kuwaas lagama maarmaan ayay u tahay in isbitaalka la seexiyo. Laakiin waxaa tirada badinaya carruurta laga keenayo tuulooyinka ee aan ehelladoodu deggeneyn magaalada.

Maxamed oo sidoo kale ah dhaqtar ku takhasusay nafaqeynta ayaa sheegay in inta badan bukaannada uu isbtaalku u yahay meesha keliya ee ay hoy iyo cunto ka heli karaan, inta looga celinayo tuulooyinkooda.

Faadumo Cabdiraxiim Nuur waxay muddo toddobaad ah isbitaalka kula jirta wiilkeeda oo 15 bilood jira. Waxay sheegtay muddadaas in la siiyay caano nafaqaysan, irbado iyo sharoobooyin, maadaama shuban iyo matag ay u weheliyeen nafaqo-darrada.

Horraantii bishan ayay wiilkeeda ku aragtay xanuun iyo barar ka muuqday jirkiisa oo dhan. Muddadaas waxay ku haysay deegaanka Mugaanbow oo 90 km u jira Kismaayo, waxayna la’ayd cid ka caawisa helista daryeel caafimaad. Marka ay qandho qabato maro intey u qoyso ayay madaxa ka saari jirtay, si ay qandhadu uga yaraato.

Laakiin toddobaad ka hor qof ay qaraabo yihiin oo jooga Kismaayo ayaa taleefoonka ugu diray $6.5 oo u dhiganta Shso150,000 oo ay ku gaysay isbitaalka. “Maanta wuu fiican yahay. Wuu faraxsan yahay oo wuu ciyaarayaa,” ayay tiri. Waxay ka mid tahay dadka aanay magaalada ehelka u joogin, sidaas darteed inta uu si buuxda uga soo kabanayo wiilkeeda waxay ku hayn doontaa isbitaalka.

Qoyska Faadumo waa beeralley. Dhul toddobo hiktar ah ayay abaarta ka hor ku tacban jireen sisiin, galley, qare iyo digir. Laakiin muddo sanad iyo bar ah ma aysan helin roobka oo ah waraabka keliya ee ay ku tiirsanaayeen, sidaas daraadeed waxba uma soo go’in.

Hooyooyinka qaar waxay ka walaacsan yihiin waxa ay carruurtooda siin doonaan marka ay isbitaalka ka saaraan oo ay dib ugu celiyaan guryahooda tuulooyinka. Xabiibo Cabdirashiid oo hooyooyinkaas ka mid ah oo loo baxnaaninayo wiilkeeda oo 11 bilood jira. Waa hooyada qoys xoolo-dhaqato ah oo ka timid deegaanka Cabdi-Dhoorre oo 55 km u jira Kismaayo.

“Waxba igama horreeyaan, laakiin dantu waxay igu khasbeysaa inaan ku noqdo maaddaama ay carruurteyda jiraan,” ayay tiri. Toddobo carruur ah oo kale oo ay deegaanka uga timid waxaa haya aabbahood.

Abaarta waxaa uga dhintay 97 ari ah. Waxaa u soo haray oo ay hadda haystaan 18 neef oo keliya.

Deegaannada ay nafaqo-darrada ka jirto waxaa ka mid ah; Mugaanbow, Cabdi-dhoorre, Cabdalla-Biroole, Buulo-Xaaji, Jilib, Jammaame, Kamsuumo, Yoontoy iyo deegaanno kale oo ka tirsan labada Jubbo. Dadka ku nool waxay isugu jiraan beeraley iyo xoolo-dhaqato, qaarkoodna labo sano ka badan roob fiican kama di’in.

Previous Post

XUBINTA QIIMAHA XOOLAHA

Next Post

Jowhar: 450 carruur ah oo fursado waxbarasho la siiyey

Related Posts

Somalia news, Latest news, Drought, Somali news, Mogadishu live news
Beeraha Iyo Xoolaha

Xoolo-dhaqato ku wajahaya Somaliland cunno xumo, go’doon iyo roob la’aan

August 7, 2026
Mandheera: Qoysas ka soo kaban waayay fatahaad baabi’isay beerahooda
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Kalluunka laga jillaabto webiga oo badbaado kumeel-gaar ah u ah beeralayda Baarsanguuni

August 6, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas ku hanti beelay colaad oo Muqdisho ku wajahaya nolol xumo

August 5, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Cunno xumo, hoy la’aan iyo dayac ku haysta Baladwayne qoys la barakiciyay

August 3, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Shaqo la’aan ku dhacday dad xeryaha Gaalkacyo ka samayn jiray wacy-galin bulsho

August 2, 2026
Boqollaal qof oo la ildaran shuban-biyood iyo daawo yari ka jirta Jubbada hoose
Caafimaadka

Boqollaal qof oo la ildaran shuban-biyood iyo daawo yari ka jirta Jubbada hoose

July 21, 2026
Next Post
Jowhar: 450 carruur ah oo fursado waxbarasho la siiyey

Jowhar: 450 carruur ah oo fursado waxbarasho la siiyey

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 08-AUG-2026

IDAACADDA 08-AUG-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 08-AUG-2026
Episode play icon
IDAACADDA 08-AUG-2026
August 8, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 07-AUG-2026
August 7, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 06-AUG-2026
August 6, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 05-AUG-2026
August 5, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 04-AUG-2026
August 4, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo