Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Masiibooyinka

Biyo-yarida Baydhabo oo gaartay in hal ceel la isugu tago

Radio Ergo by Radio Ergo
February 12, 2018
in Masiibooyinka, Wararkii u Danbeeyay
0
Biyo-yarida Baydhabo oo gaartay in hal ceel la isugu tago

Kaydka Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

Biyo-yari ayaa magaalada Baydhabo ka jirta labadii toddobaad ee u dambeysay. Saddex ka tirsan afartii ceel ee ugu waaweyneyd magaalada ayaa shaqada joojiyay biyo-yarida awgeed. Waxaa ciriiri siyaado ah laga dareemayaa ceelka keliya haray oo ay dadku isugu tageen. Qiimahooda oo sare-u-kacay ayaa ku adkeysay dadka ku jira xeryaha lagu barakacay inay biyo ku filan iibsadaan.

Ceelasha xirmay ayaa midba wuxuu gaar biyaha u siinayay xaafadaha magaalada iyadoo la adeegsanayo tubbooyin la xiriiriyay ama qaab dhaansasho ah.

Ceelka shaqaynaya oo ah mid ay maamuli jirtay Wakaaladdii Biyaha ee dowladdii dhexe ee burburtay waxaa hadda ku shaqeysta ganacsato. Waxaa isugu tagay gaari-dameerro iyo dad jiirigaanno wata oo biyo u raadinaya qoysaskooda oo oonka uu saameeyay. Hal tubbo oo ceelka uu ugu talagalay in ay ka dhaansadaan dadka ayaa la kala sugaa. Maalmaha qaarkood dadka ayaa safafka ku jira wax ka badan saddex saacadood. Isaga xitaa biyo-yarida darteed wuxuu xilliyada qaar saacado hakiyaa biyaha ay tubbooyinka guryaha geeyaan.

Cabdi Maxamed Xuseen oo ka mid ah dadka ku jira xerada Salaamay ee duleedka Baydhabo ayaa sheegay in maalin kasta ay saacado badan ku qaadato inuu ceelkan biyo uga dhaamiyo qoyskiisa safka dheer ee uu galo awgiis. Ninkan oo dhismaha ka shaqeyn jiray si uu u maareeyo nolosha qoyskiisa oo 10 qof ka kooban sida ay biyo-yarida u dhacday ma uusan shaqo-tegin, taas oo sii kordhisay ciriiri dhinaca nolosha ah oo qoyskiisa uu horay u wajahayay.

“Waan ku silicnay halkan. Saddex maalmood ka hor sidii aan subixii u imid waxaan ka tagay afartii galabnimo,” ayuu u sheegay weriyaha Ergo oo ceelka kulmay xilli uu sugayay inuu dhaansado saddex jiirigaan.

Qoyskiisa oo sanad iyo bar ka hor abaarta uga soo barakacay deegaanka Ufurow oo qiyaastii 150 km u jira Baydhabo waxaa hadda u shaqeysa xaaska Cabdi oo xaabada gurta marmarna fursad ka hesha beeraha magaalada oo ku jira xilliga gurashada.

Halka jiirigaan oo horay u ahaa Sosh2,000 waxaa ceelka looga iibsadaa Sosh5,000. Markii hore booyad uu leeyahay maamulka Koonfur-galbeed ayaa xeryaha lagu barakacay si bilaash ah ugu shubi jiray biyaha, sida uu sheegayo weriyaha Ergo (muddo intee la eg ayaa dowladda biyo siin jirtay). Dadka awooda xitaa waxay fuustada oo dhan ku shuban jireen Sosh20,000 oo ka yar $1 ama gaari-dameerro wareega ayuu qofkii doona labo ama saddex jiirigaan ka shuban jiray. Laakiin fuusatada biyaha ah waxay hadda gaartay Sosh70,000 ($3).

Fowsi Cabdinuur oo bartay cilmiga beeraha iyo deegaanka ayaa Raadiyo Ergo in saameynta roob-yarida iyo abaaraha oo jira ay haddana magaalada fidday, isla markaana ay dadku ku soo bateen. Xeryo lagu barakacay oo gaaraya 327 ayaa ku yaalla Baydhabo iyo hareeraheeda. Wuxuu tilmaamay in biyo-yarida looga bixi karo in la tayeeyo xirfadda dadka ka shaqeeya goobaha laga maamulo biyaha, lana beddelo tubbooyinka oo ah kuwo muddo shaqeynayay.

Sidoo kale wuxuu maamulka kula taliyay in uu ka shaqeeyo mashaariic ceelal cusub lagu hirgelinayo si looga hortago caafimaad-darro uu xusay inay ka dhalan karto biyo-yarida ama haddii la waayo biyo nadiif ah.

Wasiirka tamarta iyo kheyraadka biyaha ee maamulka Koonfur-galbeed, Aadan Xasan Maxamed ayaa Raadiyo Ergo u sheegay in bishan gudaheeda ay dayactiri doonaan ceelasha qallalay si biyahooda ay joogto u noqdaan. Sidoo kale isla muddadaas waxay qorsheynayaan in ay magaalada ka dhisaan ceelal cusub iyo inay meelo badan dhigaan haamo waaweyn oo biyaha lagu kediyo, taas oo ay u arkaan inay wax ka qaban karto biyo-yarida.

Previous Post

Tallaalka ka hortagga daacuunka oo laga billaabay Afmadow

Next Post

Dhegeyso Qiimaha Xoolaha

Related Posts

Nin fursad ganacsi u beddelay fikrad uu ka helay dhageysiga Radio Ergo
Wararkii u Danbeeyay

Nin fursad ganacsi u beddelay fikrad uu ka helay dhageysiga Radio Ergo

July 9, 2026
Qoysas colaad ay saamaysay noloshooda oo cunno xumo ku wajahaya Ari-cadeeye
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas colaad ay saamaysay noloshooda oo cunno xumo ku wajahaya Ari-cadeeye

July 7, 2026
Qoysas go’doon iyo nolol xumo ku wajahaya Mudug markii ay guuri kari waayeen
Beeraha Iyo Xoolaha

Qoysas go’doon iyo nolol xumo ku wajahaya Mudug markii ay guuri kari waayeen

July 3, 2026
Colaad nolol xumo galisay kumanaan qoys oo ku barakacay Shabeellaha hoose
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Colaad nolol xumo galisay kumanaan qoys oo ku barakacay Shabeellaha hoose

July 2, 2026
Sicir-barar ku qasbay ganacsatada khudaarta Hargaysa in ay xiraan ganacsiyadooda
Cunto-Yaraanta

Sicir-barar ku qasbay ganacsatada khudaarta Hargaysa in ay xiraan ganacsiyadooda

June 29, 2026
Ganacsiyo u xirmay xoolo yari iyo dhaqaale xumo haysa reer guuraga gobolka Doollo
Cunto-Yaraanta

Ganacsiyo u xirmay xoolo yari iyo dhaqaale xumo haysa reer guuraga gobolka Doollo

June 25, 2026
Next Post
Qiimaha xoolaha

Dhegeyso Qiimaha Xoolaha

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 09-JUL-2026

IDAACADDA 09-JUL-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 09-JUL-2026
Episode play icon
IDAACADDA 09-JUL-2026
July 9, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 08-JUL-2026
July 8, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 07-JUL-2026
July 7, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 06-JUL-2026
July 6, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 05-JUL-2026
July 5, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo