
Waa Ibraahim Maxamuud oo 50 neef oo adhiya u soo naq raaciyey degaanka Candha lule oo ku taal koonfurta gobolka Sool qiyaastii meel u jirta 55km magalaada Laascaanood.
Wuxuu ka mid yahay kumanaan qoys oo u soo hayaamay bishii Noofeembar ee sanadkii dhamaaday koonfurta gobolka Sool oo ay roobab ka da’een, dadkaasi waxay ka soo kala hayaameen gobollada Nugaal, Bari, Sanaag, Sool iyo Mudug, iyagoo deeganadoodii ay abaaro ka jireen wakhtigaas, haddase waxaa deegaankay yimaadeen ka dhamaaday biyihii.









