Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Arrimaha Bulshada

Abaarta oo saameysay dadkii ay noloshooda ku tiirsaneyd meydiga

Radio Ergo by Radio Ergo
February 2, 2018
in Arrimaha Bulshada, Wararkii u Danbeeyay
0
Wax soo saarka xabagta maydiga gobolka Bari oo abaaruhu saameeyeen

Haween hagaajinayo xijiga/Sawir/Keydka Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Faadumo Maxamed oo ah hooyo 37 jir ah oo keligeed carruur korsata ayaa ka fikireysa in ay dib ugu noqoto xero lagu barakacay oo ku taalla magaalada Boosaaso, taas oo sagaal ka hor ay ka soo guurtay. Bakhaarrada dhoofiya dhirta udugga laga sameeyo ee meydiga loo yaqaanno ayay ka shaqeynaysay, waxaana sanadkii tegay wax-soo-saarkii ay howshaas ku tiirsaneyd hoos u dhigtay abaarta. Waxaa lagu leeyahay kirada gurigii ay deggeneyd oo afar bil iyo raashinkii ay muddadaas deynsatay oo dhan $300.

Haweenka ayaa kala gura, haadiya, kala finjila, kaddibna jawaanno ku cabbeeya meydiga xilliga ay bakhaarrada u diyaarinayaan dhoofka. Laakiin Faadumo oo haysata toddobo carruur ah oo ay aabbahood kala tageen ayaa Raadiyo Ergo u sheegtay in marmar dhif ah ay toban haween ah ku diyaariyaan hal jawaan oo xabag ah. Waa shaqo ay abaarta ka hor ku qaban jireen labo qof oo keliya. Halkii jawaan waxaa lagu bixiyaa SoSh180,000 ($6.4). Sanadkii hore waxay inta badan gurigeeda dib ugu noqoneysay iyadoo aan shaqo helin, taas oo ku khasabtay inay deyn ku noolaato.

Maxamed Samatar Yuusuf oo madax ka ah dallad ay ku mideysan yihiin ganacsatada meydiga ee gobolka Bari ayaa Raadiyo Ergo u sheegay in shaqo-yarida ay saameysay boqollaal haween ah oo ka shaqeyn jiray bakhaarradii xabagta lagu keydin jiray oo gaaraya 23. Saddex ka tirsan bakhaarradaas oo keliya ayay hadda waxyar oo xabag ah yaallaan, inta kalena way maran yihiin.

Wuxuu intaa ku daray saddexdii sano ee u dambeysay oo abaarta ay si daran u saameysay gobolka Bari ay sii yaraaneysay xabagta meydiga ee la dhoofiyo. Dhirtan oo dib loo warshadeeyo si looga sameeyo waxyaabaha udugga ah ayaa loo iibgeeya dalalka Jabuuti, Masar, Sacuudiga, Cumaan iyo Isu-tagga Imaaraadka Carabta. Keliya xoolaha ayaa ka horreeya marka la fiiriyo waxyaabaha dibadda loo dhoofiyo ee laga helo gobolkan.

Maxamed ayaa sheegay in 110 ganacsade oo dalladdooda ku mideysan ay sanadkii hore ka heleen xabagta ay dhoofiyeen $100,000 oo keliya, halka abaarta ka hor ay sanadkii ka heli jireen doollar gaaraya nus milyan, markaas oo dibadda u suuqgeyn jireen sanadkiiba afar kun ilaa lix kun oo tan.

Meydigu wuxuu u kala baxaa noocyo kala duwan sida shooto iyo sifaayad la dhoofiyo, iyo foox iyo qolof suuqyada gudaha lagu gado oo ay dadku guryaha ku shitaan.

Dadkii lahaa beeraha ay ku yaallaan geedaha meydiga ayuu sidoo kale hoos-u-dhacay dhaqaalihii soo geli jiray. Ducaale Xaaji Yuusuf oo dadkaas ka mid ah wuxuu sanadkii 400 oo geed oo u abuuran ka goyn jiray 1,000 kiilo oo xabag kala duwan ah, laakiin sanadkii la soo dhaafay wuxuu ka helay 2,500 oo kiilo.

Wuxuu noo sheegay in saddex bilood oo sanadka ka mid ah uu xabag ka diiran jiray geedaha. Geedka marka la diiro wuxuu dhalaa dheecaan muddo kaddib isu beddela xabag, laakiin qalleyl ka dhashay roob-la’aan ayaa taas meesha ka saartay. Ducaale oo abaarta ka hor sanad kasta ku tashan jiray $7,000 wuxuu sanadkii la soo dhaafay xabagta ka helay $2,000 oo keliya.

Ninkan oo qoyskiisa uu ka kooban yahay 16 qof ayaa hadda waxbarashada iyo adeegyada kale ee nolosha qoyskiisa u kaashada dhaqaale uu horay u keydsaday.

Previous Post

Dhegeyso Xubinta Qiimaha Xoolaha

Next Post

Barnaamijka codka dhegeystaha

Related Posts

Burbur ganacsi iyo nolol xumo ka dhashay hakad ku yimid isticmaalka lacagta dalka
Wararkii u Danbeeyay

Burbur ganacsi iyo nolol xumo ka dhashay hakad ku yimid isticmaalka lacagta dalka

May 5, 2026
Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay

May 1, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nolol xumo ka dhalatay qaxootiga Dhadhaab oo laga jartay gunno gargaar oo la siin jiray

April 28, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas nolol xumo ku wajahaya Baydhabo markii laga gubay beero iyo kayd raashin

April 24, 2026
Cadaado: Haween nolosha qoysaskooda ka maarayn jiray iibinta Khudaarta oo shaqo la’an noqday markii ay saameysay fatahaadda webiga shabeelle
Cunto-Yaraanta

Haweenka khudaarta ku iibiya Kismaayo oo wajahaya suuq xumo cuno yari biday

April 23, 2026
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Roob la’aan sababtay dhaqaale xumo iyo dayn la’aan nolol xumo biday reer miyiga Galgaduud

April 22, 2026
Next Post
Barnaamijka codka dhegeystaha

Barnaamijka codka dhegeystaha

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 04-MAY-2026

IDAACADDA 04-MAY-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 04-MAY-2026
Episode play icon
IDAACADDA 04-MAY-2026
May 4, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 03-MAY-2026
May 3, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 02-MAY-2026
May 2, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 01-MAY-2026
May 1, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 30-APR-2026
April 30, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo