Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Beeraha Iyo Xoolaha

Xaaladda oo ku xun dadka Qansaxdheere oo beerahooda laga dhigay xeryo ciidan

Radio Ergo by Radio Ergo
January 19, 2018
in Beeraha Iyo Xoolaha, Wararkii u Danbeeyay
0
BEERALAY KA FAA’IIDAYSATAY FARSAMO BEERASHO CASRI AH

File photo/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Xaawo Ibraahim Isxaaq oo ah hooyo keligeed carruur ku korsata degmada Qansaxdheere ee gobolka Bay ayay ku adag tahay helista cuntada. Beer ay noloshooda ku tiirsaneyd ayaa mid ah beero sanadkii siddeedaad fariisin u ah ciidanka Itoobiya oo qeyb ka ah howlgalka AMISOM. Dhaqaale ka soo gala shaqo dhar-dhaqis ah iyo caawimaad ay ka hesho eheladeeda weli beeraha falan kara, xilliyada ay wax goostaan ayaa ah ilaha keliya ee ay wax ka heli karaan, iyaguna joogto ma aha.

Xaawo ayaa Raadiyo Ergo u sheegtay in iyadoo rajo ka qabta in beerteeda loo banneeyo ay bartamihii sanadkii hore dib ugu noqotay deegaanka. Waxaa jiray wadahadallo ay dhowr jeer ciidamada la galeen xildhibaanno ka soo jeeda deegaanka iyo odayaasha dhaqanka, laakiin aanay wax natiijo ah ka soo bixin. Wadahadalladaas ayaa ku dhiirrigeliyay dad badan oo ka barakacay abaarta iyo beero la’aanta ay dib u soo noqdaan.

Degmadan waxay heshay roob fiican deyrtii dhamaadkii sanadkii hore. Laakiin qoysaska iska leh 180 beerood oo ay ciidamada deggan yihiin ayaan ka faa’ideysan karin sida uu Raadiyo Ergo u sheegay xildhibaan Xasan Cabdinuur Cabdiyow oo xubin ka ah baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya.

Wuxuu xaqiijiyay in saraakiisha AMISOM ay kala hadleen inay beerahooda u celiyaan qoysaska oo ay u guuraan dhul kale oo bannaan oo deegaanka ah, balse ay ka diideen. Dhulka bannaan oo aan beero ahayn wuxuu ku yaallaa agagaarka garoonkii diyaaradaha ee degmada. Ciidamada ayuu xusay inay ku doodeen dhulka ay deggan yihiin inuu istaraatiijiyad ahaan uga fiican yahay meelaha kale.

Tan iyo markii ay ciidamada Itoobiya degeen dhulkan horraantii 2012 ayay socotay dedaalka ay beeraleyda, odeyaasha iyo xildhibaanadu ku doonayaan in la baneeyo. Dowladda hadda jirta iyo labaddii ka horreysay ayaa xildhibaanku noo sheegay inay u gudbiyeen dacwadooda, ayna wadi doonaan inta xal laga helayo.

Xaawo ayaa tilmaantay haddii dhulkeeda loo banneyn lahaa inay tacban lahayd si ay qoyskeeda ugu hesho cunto joogto ah oo ku filan. Carruurteeda waxay isugu jiraan labo agoon ah iyo lix ay aabbahood kala tageen. Xero lagu barakacay oo ku taalla degmada Doolow ee gobolka Gedo ayay ku biirtay markii ay nolosha ku adkaatay, dhowaan ayayna ka soo noqotay markii ay maqashay wadahadallada.

Cabdi Kuus Xaaji Ibraahim oo ka mid ah dadka beerahooda la haysto iyo odayaasha deegaanka ayaa Raadiyo Ergo u sheegay in dadku aanay noolaan karin beerahooda la’aantood, maaddaama degmada ay go’doomiyeen colaado, fursadaha iyo dhaqdhaqaqyada ganacsi ee jirana ay kooban yihiin. Wuxuu xusay in siddeed warood oo ku yaallay dhulka ay ciidamada degeen oo beeraha lagu waraabsan jiray ay hadda noqdeen meelo qashinka lagu shubo.

Ninkan ayaa ciidamada ka dalbaday inay qoysaska beeraha leh siiyaan magdhow, maaddaama ay ku khasbeen barakac iyo wax-soo-saar la’aan muddo dheer ah, dhulkana marka ay ka baxaan uu u baahan doono shaqo badan.

Agaasimaha Wasaaradda Beeraha ee maamulka Koonfur-galbeed, Cabdi Siraaji wuxuu Raadiyo Ergo u xaqiijiyay inay beeraleyda soo gaarsiiyeen cabashadooda, iyagana ay u sii gudbiyeen Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee dowladda federaalka ah oo uu aaminsan yahay inay mudan tahay wax ka qabashadeeda. Agaasimaha wasaaraddaas oo aan la xiriirnayna wuxuu sheegay in wax ka qabashadeeda uu si gaar ah waajib uga saaran yahay maamulka Koonfur-galbeed.

Previous Post

Halkan ka dhegeyso xubinta qiimaha xoolaha

Next Post

An Update On Swift Programs In Your Bride

Related Posts

Burbur ganacsi iyo nolol xumo ka dhashay hakad ku yimid isticmaalka lacagta dalka
Wararkii u Danbeeyay

Burbur ganacsi iyo nolol xumo ka dhashay hakad ku yimid isticmaalka lacagta dalka

May 13, 2026
blank
Wararkii u Danbeeyay

Adeegsiga AI oo beeraley Baydhabo ka caawiyay inay soo saaraan dakhli beddelay noloshooda

May 11, 2026
Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay

May 9, 2026
blank
Cunto-Yaraanta

Daad burburiyay gododka cusbada laga qodo oo saameeyay xoogsatada gobolka Afdheer

May 8, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Haween shaqooyin adag ka qabta Muqdisho oo maareeyay nolosha qoysaskooda

May 6, 2026
Beeraleyda Jubbaland oo ka baxay nolol xumo markii laga caawiyay waraabinta beerahooda
Wararkii u Danbeeyay

Beeraleyda Jubbaland oo ka baxay nolol xumo markii laga caawiyay waraabinta beerahooda

May 5, 2026
Next Post

An Update On Swift Programs In Your Bride

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 12-MAY-2026

IDAACADDA 12-MAY-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 12-MAY-2026
Episode play icon
IDAACADDA 12-MAY-2026
May 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-MAY-2026
May 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 11-MAY-2026
May 11, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 10-MAY-2026
May 10, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 09-May-2026
May 9, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo