Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Beeraha Iyo Xoolaha

Boqolaal hiktar oo beero ah oo u qallalay biyo la’aan

admin by admin
January 16, 2018
in Beeraha Iyo Xoolaha, Wararkii u Danbeeyay
0
Boqolaal hiktar oo beero ah oo u qallalay biyo la’aan

Beeraha Shabeellaha hoose/Sawiro/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

Dhul beereed ka badan 2500 oo hiktar oo ku yaalla degmooyinka Afgooye, Jannaale, Qoryeelay iyo Kurtunwaaray ee gobolka Shabeellaha hoose ayaa baaba’ay biyo la’aan awgeed.  Sida uu sheegay agaasimaha wasaaradda beeraha ee Koonfur-galbeed Cabdiwahaab  Siraaji. Bartamihii bishii hore ee Diseember  ayaa waxaa qallalay  webiga Shabeelle oo ay beerahan ku tiirsanaayeen waraab ahaan. Waa sanadkii saddexaad oo xiriir ah oo sidaan ay ku dhacayso dadka gobolkan oo noloshoodu ay ku tiirsan tahay wax-soo-saarka beeraha.

Inkasta 6dii bishan Janaayo la soo daayay biyo ku jiray biyo xireen ku yaalla waqooyiga degmada Balcad, hadana waxba uma tarin beerallayda “keliya geed miroodka oo hadda sii qallalayey ayaa laga yaabaa inay ku samata bixi karaan, beerihii kalese waa ku daayeen”, Ayuu yiri Maxamed Xasan Xeerow oo ah guddoomiyaha iskaashatada beeralayda Shabeellaha hoose.

Wuxuu Raadiyo Ergo u sheegay in deegaannada Aw-gooye iyo Sagaalaad tiro koob ay ku sameeyeen ku ogaadeen in 49 hiktar oo gallay iyo khudaar isugu jira loona iib gayn lahaa bishan magaalada Muqdisho ay hadda qallaleen. Bishii tobnaad ee lasoo dhaafay ayaa beerahan la geliyay abuurka, waxayna ku jireen waraab koodii ugu danbeeyey ee loogu diyaar garoobayay in ay soo go’aan.

Beeralayda ay dhibaatadu kasoo gaartay webiga qallalay waxaa kamid ah Cabdulqaadir Maxamed oo 32 jir ah, kuna nool deegaanka Sagaalaad oo 1km dhanka galbeed kaga beegan degmada Afgooye. Muddo bil ku dhow ayuu bilaa camal yahay. Lix hiktar oo ay ugu beernayd khudaar iyo gallay ayaanu hadda rajo ka qabin inay wax uga soo go’aan kadib markii ay qalaleen.

Cabdulqaadir  ayaa sheegay inuu beertiisa ku kharash gareeyey $2700 oo sideed boqol oo kamid ah ay dayn ahayd. Raadiyo Ergo ayuu u sheegay in biyo la’aantu ay ku timi kadib markii  $600 uu ka helay qaybtii ugu horraysay oo yaanyo ah oo beertiisa uga soo go’day. Lacagtii uu dayn ahaanta u qaatayna uu iska bixiyay $300. Inta soo hartayna uu rajaynayo inuu bixiyo marka uu dib wax u beerto.

Waxaa uu sheegay in webigu uu saddexdii sano ee lasoo dhaafay uu qallalayay marka la gaaro bisha Diseember. Gallay iyo digir usoo go’ay bishii sagaalaaad ee sanadkii hore ayuu  ku maareeyaa nolosha qoyskiisa oo ka kooban afar caruur ah iyo hooyadood. Wuxuu sidoo kale kaalmo ka helaa qaar kamid ah qoyskiisa oo dibadda ku maqan. Raadiyo Ergo ayuu u sheegay inuu rajo ka qabo inuu dib u tabcado beertiisa haddii biyaha webigu dib usoo laabtaan.

Guddoomiyaha iskaashatooyinka Shabeellaha hoose ayaa sheegay in abaaro daba dheeraaday iyo biyo la’aan ay meesha ka saartay abuurkii ay tacabka geliyeen beerallaydu.  Wuxuu intaas ku daray in dadkan ay u baahan yihiin cid gacan ka siisa sidii ay dhibaatadan uga gudbi lahaayeen.

Markii dowladdii dhexe ee Soomaaliya jirtay, ayaa la furay jiray kaydad-biyood lagu dabooli jiray haddii webigu biyo yareeyo. Beerllayda gobolka aan awood u lahayn dayactirka biyo xireennadii dowladdii dhexe ay hir gelisay, kuwaas oo beeraha lagu waraabsan kari lahaa xilliyada uu webigu biyo yareeyo ama qalalo.

Guud ahaan webiga Shabeelle ayaa leh lix biyo xireen, labada ugu waawayna waxay ku yaallaan Balcad iyo Jowhar ee Shabeellaha Dhexe. Biyo xireennada webiga Shabeelle ayaan helin dayac tir lagu sameeyey muddo burburka, waxaana adag wakhtigan in si fudud biyaha looga sii daayo maadaama ay u baahan tahay dhaqaale iyo farsamo.

 

 

 

 

 

Previous Post

Dhegeyso barnaamijka dhaqtarka raadiyaha

Next Post

Qiimaha xoolaha

Related Posts

Burbur ganacsi iyo nolol xumo ka dhashay hakad ku yimid isticmaalka lacagta dalka
Wararkii u Danbeeyay

Burbur ganacsi iyo nolol xumo ka dhashay hakad ku yimid isticmaalka lacagta dalka

May 13, 2026
blank
Wararkii u Danbeeyay

Adeegsiga AI oo beeraley Baydhabo ka caawiyay inay soo saaraan dakhli beddelay noloshooda

May 11, 2026
Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay

May 9, 2026
blank
Cunto-Yaraanta

Daad burburiyay gododka cusbada laga qodo oo saameeyay xoogsatada gobolka Afdheer

May 8, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Haween shaqooyin adag ka qabta Muqdisho oo maareeyay nolosha qoysaskooda

May 6, 2026
Beeraleyda Jubbaland oo ka baxay nolol xumo markii laga caawiyay waraabinta beerahooda
Wararkii u Danbeeyay

Beeraleyda Jubbaland oo ka baxay nolol xumo markii laga caawiyay waraabinta beerahooda

May 5, 2026
Next Post
Qiimaha xoolaha

Qiimaha xoolaha

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 11-MAY-2026

IDAACADDA 11-MAY-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 11-MAY-2026
Episode play icon
IDAACADDA 11-MAY-2026
May 11, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 10-MAY-2026
May 10, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 09-May-2026
May 9, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 08-MAY-2026
May 8, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 07-MAY-2026
May 7, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo