Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Beeraha Iyo Xoolaha

Beeraleyda khudaarta oo u beddeshay tacabka raashinka

Radio Ergo by Radio Ergo
January 24, 2018
in Beeraha Iyo Xoolaha, Wararkii u Danbeeyay
0
Beeraleyda khudaarta oo u beddeshay tacabka raashinka

Xasan Yuusuf Kaarshe oo beertiisa jooga

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Beeraleyda deegaanka Jibagalle oo hoostaga magaalada Garoowe ayaa markii ugu horreysay bishan u wareegay tacabka dalagyada cuntada ah, kaddib markii biyo-yari ka dhalatay abaaraha soo noqnoqday iyo cayayaan ay hoos u dhigeen khudaarta oo ay weligood beeran jireen. Biyaha ay heli karaan oo ceelal ka imaanaya ma aha kuwo ku filan khudaarta oo u baahan biyo badan oo joogto ah, halka dalagyadan kale ay sidaas ka duwan yihiin.

Deegaankan oo 18 km u jira Garoowe ayaan roob helin tan iyo gu’gii oo ku beegnaa horraantii sanadkii hore. Markaasna roobka ka da’ay aad buu u yaraa.

Dhul dhan 30 hektar oo ay ku yaallaan 60 beerood ayay dadku go’aansadeen inay beddelkii khudaarta ku abuurtaan galley, digir iyo masaggo. Waxay isugu jiraan qaar uu abuurku saaran yahay iyo kuwo ay weli howshooda socoto, sida uu Raadiyo Ergo u sheegay Xasan Yuusuf Kaarshe oo ah guddoomiye ku-xigeenka beeraleyda Puntland. Isaga ayaa xitaa ka mid ah dadka khudaarta ka beddeshay ee ay galleyda u abuuran tahay.

Wuxuu xusay in dalagyadan oo ku soo go’a 70 ilaa 110 maalmood ay u baahan yihiin labo ilaa saddex goor oo keliya in la waraabiyo, halka ay khudaartu biyo u baahaneyso in ka badan siddeed jeer. Waxaa sidoo kale dhiirrigeliyay qiimaha ay cuntadan ka joogto deegaankooda oo sarreeya. Tusaale ahaan 50kg oo galley ah waxaa lagu iibiyaa in ka badan $40. “Waxaan soo saari doonnaa raashin cusub oo wanaagsan, kan hadda suuqyada yaalla waa mid duugoobay,” ayuu yiri.

Kaarshe oo abuurka galleyda ah ka soo iibsaday Garoowe ayaa $360 ku maalgashaday qeyb ka mid ah beertiisa oo guud ahaan dhan afar hektar. Wuxuu rajeynayaa inuu kordhiyo wax-soo-saarkiisa haddii dhaqaale fiican uu ka helo intan, gu’gana uu si wanaagsan uga da’o deegaankiisa dhamaadka Abriil. Abuurkan cusub ayuu aaminsan yahay inuu wax ka tari karo noloshooda iyo jiritaanka beerahooda.

Kaarshe ayaa intaas ku daray in ceelasha oo ay dhanka waraabka ku tiirsan yihiin aanay lahayn biyo badan. Dadku qaab iskaashi ah ayay u wadaagaan ceelasha iyo matoorrada, wuxuuna ceelka riigga ah ee ugu biyo badan uu halkii mar waraabin karaa ilaa lix beerood.

Nadiifo Cali Liibaan oo ah 46 jir ka mid ah beeraleyda deegaanka ayaa Raadiyo Ergo u sheegtay in muddo labo sano ah aysan waxba uga soo bixin yaanyo ay abuuratay. Yaanyada oo dhaqaalaha ugu badan ay iyada iyo beeraleyda kale ka heli jireen mar kasta oo ay beeraan waxaa khasaariya cayayaan ku dhasha. Saddex sano ka hor hal hektar iyo bar oo yaanyada oo keliya ay ku beeran jirtay waxay sanadkiiba ka heli jirtay $15,000 oo faa’iido ah.

Nadiifo oo ah hooyo keligeed korsata carruurteeda, qoyskeedana uu ka kooban yahay 13 qof oo toddobo ka tirsan ay waxbarasho ku jiraan ayaa sheegtay in ay rajeyneyso dalagyada u beeran oo isugu jira galley iyo digir inay ka heli doonto dhaqaale fiican. Waxay fursad u noqon kartaa inay ka soo kabato khasaaraha gaaray, ayna uga maarato lacagta deynta ah ee ay mararka qaar qaadato si ay nolosha qoyskeeda u maareyso.

Cabdicasiis Ismaaciil Garaad oo ah aqoonyahan beeraha ku takhasusay, muddo 20 sano ahna u ololeynayay horumarinta beeraha Puntland ayaa sheegay in wax-soo-saarka dalagyada ee ay beeraleydu hadda billaabeen uu amhiyad gaar ah u yeelan doono helista cuntada ee dadka. Xoolahana ay sidoo kale ka faa’iidi doonaan balka soo haraya oo noqon kara fursad ah ay u baxsadaan xilliyada qalleylka iyo abaaraha.

Dalagyadan ayaa haddii ay soo go’aan looga maarmi karaa raashinka beeraha ka soo go’a ee laga keeni jiray meelaha fogfog sida gobollada koonfurta Soomaaliya iyo deegaannada dowlad-goboleedka Soomaalida ee Itoobiya. Sidoo kalena waxaa la odorosayaa inuu hoos u dhigo qiimaha dalagyada oo mararka la waayo ama ay suuqyada ku yaraadaan ay adag tahay in la iibsado.

Previous Post

Barnaamijka beeraha

Next Post

Qiimaha xoolaha

Related Posts

blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 17, 2026
Sanaag: Shaqada dahab qodidda oo badbaado u noqotay qoysas nolosha ay ku adkayd
Wararkii u Danbeeyay

Sanaag: Shaqada dahab qodidda oo badbaado u noqotay qoysas nolosha ay ku adkayd

April 16, 2026
Takoor iyo dayac nolol xumo bidday qoysas danyar ah oo ku nool Puntland
Wararkii u Danbeeyay

Xoolo-dhaqato hore oo ka soo kabanaya nolol xumo markii ay abuurteen fursad shaqo

April 15, 2026
Iskuullo u xirmay dhaqaale la’aata ka jirta Galmudug roob yarida darteed
Beeraha Iyo Xoolaha

Iskuullo u xirmay dhaqaale la’aata ka jirta Galmudug roob yarida darteed

April 14, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Danyar xamili waayay kirada guryaha oo xero ku taalla Hargaysa ku wajahaya nolo xumo

April 10, 2026
Next Post
Qiimaha Xoolaha

Qiimaha xoolaha

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 17-APR-2026

IDAACADDA 17-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 17-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-APR-2026
April 17, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-APR-2026
April 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-APR-2026
April 13, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo