Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Wararkii u Danbeeyay

Barakacayaasha Gedo oo helay iskuullo bilaash ah

Radio Ergo by Radio Ergo
January 9, 2018
in Wararkii u Danbeeyay, Waxbarashada
0
Barakacayaasha Gedo oo helay iskuullo bilaash ah

Sawir hore/Kaydka/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

Ku dhowaad 4800 oo arday oo ka soo jeeda qoysas ku barakacay gobolka Gedo ayaa markii ugu horraysay ka faa’iidaysanaya waxbarasho bilaash ah. Dadkan ayaa loo dhisay iskuulo gaaraya 16 kana samaysan jiingado iyo alwaaxyo oo ku kala yaalla ilaa 18 xero oo ku kala baahsan degmooyinka Baardheere, Luuq, Doolow iyo Beled-xaawo. Dugsiyadan oo ay maal gelisay UNICEF ayaa waxaa maamulkeeda gacanta ku haya hay’ad deegaanka ah oo ka shaqaysa arrimaha waxbarashada oo la yiraahdo Hirda.

Wejiga koowaad ee mashruucan oo lagu bilaabay dugsiyada hoose/dhexe  ayaa waxaa caruurta loogu tala galay da’doodu u dhexaysaa 6 ilaa 15 sano jir. Iskuuladan ayaa la furay bishii Octoobar ee sanadkii lasoo dhaafay. Macallimiinta wax kabara oo gaaraya 105 waxaa mushahar kooda oo boqol doolar ah bishii, bixisa hay’adda UNICEF. Macallimiinta ayaa laga soo kala xulay degmooyinka ay dadkan u barakeceen, iyadoo loo eegayo aqoontooda iyo khibradooda.

Xiish Mahad oo ah madaxa waxbarashada ee hay’adda Hirda ee gobolka Gedo, ayaa sheegay in waalidka carruurtan ay ku howlan yihiin soo saarista nolol maalmeedka oo aanay awood u hayn inay carruurtooda ka bixiyaan lacagta lagu dhigto goobaha waxbarasho oo bishii ah 5 ilaa 10 doolar.

“Waxaa hadda la qorsheeyey in dadka xoolihii ka dhammaadeen ee magaalooyinka soo galay inay ka faa’iidaystaan”, ayuu yiri. Wuxuu intaas ku daray in qoysaskan ay isugu jiraan kuwo ay saameeyeen abaarihii labadii sano ee lasoo dhaafay ka dhacay gobolka iyo kuwo 2011 kii ku xoolo beelay abaarta.

Magaalada Baardheere oo keliya waxaa ku yaalla  ilaa afar xero, mid walba waxaa laga hir geliyay 4 iskuul oo ay dhigtaan arday gaaraysa 897 oo isugu jira wiilal iyo gabdho.

Fardowso Cabdullaahi oo 14 sano jir ah waxay kamid tahay in kabadan boqol carruur ah oo dhigata iskuulka Kaam jirin oo ku yaalla Baardheere. Waxay hadda dhigataa fasalka labaad ee dugsiga hoose. Waa markii ugu horraysay nolosheeda ee ay fasal fariisato isla markaana qaadato buug iyo qalin. Halka walaalkeed ka yar oo 9 sano jir ah uu dhigto fasalka koowaad ee dugsiga hoose.

“Aad ayaan ugu faraxsanahay inaan wax barano, mustaqbalka waxaan rabaa inaan noqdo macallimad wax barta carruurta barakacayaasha iyo kuwa kasoo jeeda qoysaska danyarta ah”, ayay tiri.

Kahor intaanay ku biirin iskuulka waxay ahayd guri joog, hooydadeed ka caawisa shaqada guriga. Markii la furay iskuuladan ayay waalidkeed u arkeen fursad ay carruurtoodu uga faa’iidaysan karaan waxbarashada bilaashka ah. Maadaama aanay awoodin inay ka bixiyaan iskuulada lacagta lagu dhigto ee magaalada ku yaalla.

Waalidiinta Fardowso ayaa nolol maalmoodka ka hela beero ay falaan oo ay shaqaale ka yihiin, maalintiina ay ka soo gasho inta u dhexaysa $5 ilaa $10. Mararka qaar waxay noqdaan shaqo la’aan maadaama shaqooyinka aan si joogta ah loo helin. Beeraha ayaa ku yaalla jiinka webiga Jubba. Saddex sano ka hor ayay kasoo guureen miyiga tuulada War-guduudo oo galbeed 98 km ka xigta magaalada Baardheere. 87 neef oo isugu jira ari iyo lo’ ay dhaqan jireen ayay ku waayeen abaartii 2015 kii.

Maryan Xareed Axmed oo qoyskeedu ka kooban yahay 8 qof, ayaa saddex kamid ah caruurteeda ay dhigtaan iskuul ku yaalla kaamka Jiric, inta kale carruurteeda ayaa isugu jira labo gabdhood oo la qabo iyo labo kale oo yar yar oo aan gaarin heerkii waxbarasho. Waxay Raadiyo Ergo u sheegtay in inkasta oo noloshu adagtahay, hadana ay ku faraxsanyihiin in carruurteedu ay waxbarasho bilaash ah u heleen. Labo kamid ah ayaa dhigta fasalka koowaad halka ka saddexaadna uu dhigto fasalka labaad.

Abaartii ka hor waxay dhaqan jireen 3 boqol oo ari ah, 50 neef oo geel ah iyo 30 neef oo lo’ ah. Waxay sheegtay in hadda ay uga soo hareen 8 neef oo geel ah, intii kalena ay abaartii dhammaysay. Nolosha qoyskan ayaa ku tiirsan dhar-dhiqis, iibinta xaabada iyo falista beeraha.

 

Previous Post

Dhegeyso xubinta qiimaha xoolaha

Next Post

Maraakiib jarriif ah oo shaqo la’aan dhigay In kabadan 900 oo qof oo kalluumeysatda xeebaha Mudug ah

Related Posts

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 14, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Danyar xamili waayay kirada guryaha oo xero ku taalla Hargaysa ku wajahaya nolo xumo

April 10, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dad ka barakacay colaadda Baydhabo oo dhibaato cunno xumo iyo hoy la’aan wajahaya

April 8, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nolol xumo ka dhalatay biyo yari ku haysa Muqdisho in ka badan 12,000 oo qoys

April 6, 2026
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Ceelal qalalay oo biyo la’aan dhigay qoysas ku nool gobolka Sool

April 3, 2026
Next Post
Maraakiib jarriif ah oo shaqo la’aan dhigay In kabadan 900 oo qof oo kalluumeysatda xeebaha Mudug ah

Maraakiib jarriif ah oo shaqo la’aan dhigay In kabadan 900 oo qof oo kalluumeysatda xeebaha Mudug ah

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 16-APR-2026

IDAACADDA 16-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 16-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-APR-2026
April 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-APR-2026
April 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 12-APR-2026
April 12, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo