Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Arrimaha Bulshada

Awood sheegashada kalluumeysatada sharci-darrada ah oo shaqo-la’aan dhigtay kalluumeysatada Hobyo

Radio Ergo by Radio Ergo
January 12, 2018
in Arrimaha Bulshada, Wararkii u Danbeeyay
0
Maraakiib jarriif ah oo shaqo la’aan dhigay In kabadan 900 oo qof oo kalluumeysatda xeebaha Mudug ah

Sawirhore/Kaydka/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

Cismaan Cabdi Mire oo kalluunka ka soo jillaaban jiray masaafo dhan 100 meyl ayaa cabsi soo wajahday darteed labadii bil ee u dambeysay shabaagta dhigta agagaarka xeebta oo kalluunka uu ku yar yahay. Tan ayaa ka dhalatay weerar doontoodii yareyd lagu burburiyay, qalabkii ay wateen looga qaatay, isagana uu dhaawac ka soo gaaray oo bishii Nofeembar ee sanadkii hore ay kala kulmeen doon weyn oo taagneyd meel hal meyl u jirta degmada Hobyo ee gobolka Mudug. Kalluumeysato badan oo halkaas ku nool ayay ciriiri quus ku dhow ku keentay qaarna shaqo-la’aan dhigtay dhibaatadan.

Dad gaaraya 950 qof oo kalluumeysato ah ayaa shaqada joojiyay bilihii u dambeeyay sanadkii hore sida uu Raadiyo Ergo u sheegay Xirsi Cismaan Shire oo xubin ka ah Iskaashatada Kalluumeysatada Hobyo. Tacaddiyo marar kala duwan ay meelo kala duwan oo badda ah kula kulmeen ayuu xusay inay sabab u tahay shaqo-joojintooda, waxaana hadda ku adag cunto u helista qoysaskooda. Degmadan xeebta ku taalla ayuu kalluumeysigu yahay shaqada ugu badan ee ay dadku noloshooda ku maareynayeen.

Hase yeeshee, kalluumeysato ka badan 1,500 ayaa weli ku adkeysanaya shaqadan, tiiyoo qaarkood aanay haysan agab ay wax ku dabtaan iyo doonyo.

Cismaan oo 62 jir ah ayaa Raadiyo Ergo u sheegay in doonta weerartay oo uu ku eedeeyay inay sameyneysay kalluumeysi sharci-darro ah ay ku furtay biyo kulul oo xooggooda awgiis la geddiyay doonta. Isaga oo qeybta hore ee doonta laga wado taagnaa ayaa ugu darnaa oo markii ay la gaddoontay ay gacanta jug ka gaarsiisay. Si la mid ah shantii nin ee kale qaarkoodna waxaa ay biyaha kulul ka murxiyeen jirka. Kalluumeysato kale oo Soomaali ah oo la kulantay cabbaar markii ay badda ku jireen ayaa soo badbaadiyay.

Maaddaama uu weli ka soo kabanayo dhaawacyadaas waxay howshiisa ku koobantay inuu habeenkii shabaag aan xoogganeyn oo kabkab ah uu dhigto xeebta, subixiina uu kala soo baxo wixii kalluun ah ee ay u qabato, isaga oo caawimaad ka helaya wiilashiisa qaarkood. Kalluunkaas hilibkiisa iyo wixii raashin ah ee uu ka helo qaraabadiisa ayaa cunto u ah qoyska oo ka kooban 10 qof.

Ninkan oo muddo 17 sano kalluumeysato ahaa ayaa xusay in dhibaatada kalluumeysatada shisheeye ka hor uu maalintii heli jiray $10 oo reerkiisa quudin ugu filneyd.

Cabduqaadir Maxamuud Jaamac ayaa ka mid ah kalluumeysato shaqada joojisay bishii Juun ee sanadkii hore, markaas oo isaga iyo rag kale kalluunkii ay soo jillaabteen, saxiimaddii iyo agabkii kaleba ay si xoog ah uga qaateen maraakiib uu aaminsan yahay in laga leeyahay Yemen oo si sharci-darro ah uga howlgala xeebaha Soomaaliya.

Qoyskiisa oo lix qof ah oo noloshooda ay ku tiitsanayd waxa uu shaqeeyo ayuusan hadda u awoodin raashinka. Mana haysto lacag uu ku kireysto saxiimad uu ku kalluumeysto, sababtoo ah dhaqaalaha meesha uu ka soo gali lahaa waa kalluunka, laakiin dhibaatada ay la kulmaan ayaan u saamaxeynin taas.

Mursal Maxamuud Aadan oo ah xoghayaha maamulka degmada Hobyo ayaa Raadiyo Ergo u sheegay in doonyo laga leeyahay dalal shisheeye, gaar ahaan dalalka qaaradda Aasiya iyo Bariga-dhexe ay falal ka baxsan bani’aadannimada kula kacaan kalluumeysatada. Wuxuu noo xaqiijiyay in sanadkii hore la burburiyay 50 doonyood oo middiiba marka ay ugu yar tahay ay kalluumeysan jireen shan qof.

Maamulka degmada ayaa dhowaan sameeyay ciidamo badda ilaaliya oo gaaraya 54 askari. Qalabkii ay ku howlgeli lahaayeen oo aanay u diyaarsaneyn awgiis weli suuragal uma aha inay ka hor tagaan kalluumeysiga sharci-darrada ah.

Dhibaatadaas waxaa kalluumeysatada u dheer cabsida ay ka qabaan in maraakiibta dagaalka ee ilaaliyaha xeebaha Soomaaliya ay ku qaldaan burcad-badeedda. Hobyo ayaa horay uga mid ahayd saldhigyada ugu waaweyn ee burcad-badeedda, waxayna kalluumeysatadana rajo ka qabeen mar haddii ay kooxahaasi meeshi ka baxeen inay heli doonaan fursad caadi oo ay ku kalluumeystaan.

Previous Post

Finding Practical Secrets In HookupGuru

Next Post

Qaxooti xeryaha Dhadhaab ka noqday oo dib ugu soo noqday mar kale

Related Posts

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 14, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Danyar xamili waayay kirada guryaha oo xero ku taalla Hargaysa ku wajahaya nolo xumo

April 10, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dad ka barakacay colaadda Baydhabo oo dhibaato cunno xumo iyo hoy la’aan wajahaya

April 8, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nolol xumo ka dhalatay biyo yari ku haysa Muqdisho in ka badan 12,000 oo qoys

April 6, 2026
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Ceelal qalalay oo biyo la’aan dhigay qoysas ku nool gobolka Sool

April 3, 2026
Next Post
Qaxooti xeryaha Dhadhaab ka noqday oo dib ugu soo noqday mar kale

Qaxooti xeryaha Dhadhaab ka noqday oo dib ugu soo noqday mar kale

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 15-APR-2026

IDAACADDA 15-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 15-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-APR-2026
April 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 12-APR-2026
April 12, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 11-APR-2026
April 11, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo