Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Beeraha Iyo Xoolaha

Xoolo dhaqato u naq-raacay Koonfurta gobolka Sool

admin by admin
December 4, 2017
in Beeraha Iyo Xoolaha, Wararkii u Danbeeyay
0
XOOLAHA OO U LE’ANAYA CUDURRO.

Sawir hore/Kaydka/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

 

Xoolo dhaqato abaar uga hayaamay qaybo kamid ah gobolada Sool, Sanaag, Bari iyo Nugaal ayaa usoo naq-raacay deegaanno kuyaal Koofrurta Sool oo roob xoog leh uu ka da’ay.  Xoolo dhaqatadan ayaa bilaabay inay ka hayaamaan deegaannadoodii  kadib markii xilli roobaadkii Dayrtu aanay ka di’in muddo laba sano ah. Qoysaskan ayaa u guuray deegaannada kala ah Dabataag iyo Kalabaydh oo Laascaanood Koonfur kaga beegan 45km iyo 32km.

Orshe Cisman Faarax oo kamid ah 150 qoys oo kasoo hayaamay deegaanno hoostaga degmada Qardho ee gobolka Bari. Wuxuu Muddo laga joogo toban maalin soo degay miyiga Kalabaydh isaga oo wata 100 neef oo ari ah.

“Daaq la’aan  ka dhalatay abaaraha soo noq-noqday ayaa adkaysay nolosha dadkii reer guuraaga ahaa. Dhulkii waa xaalufay biyo moojee wax kale oo xooluhu ku haysteen ma jirin. Abaartaas ayaanu u adkaysan kari waynay oo kasoo hayaanay”. Ayuu yiri Orshe.

Isaga iyo afar qoys oo kale ayaa baabuur wayn kusoo raacay dayn ahaan lacag gaaraysa $300 oo iska bixin doonaa marka ay abaarta kabaxaan. Waxayna wadada kusoo jireen muddo 24 saacadood ah.

Wuxuu kaloo sheegay in gawaaridu ay soo qaadayso dad iyo xoolo keliya oo aanay qoysaskan wadan guryihii ay geli lahaayeen. Ma haystaan hoy ay ka galaan qorraxda maalintii iyo qabowga habaynkii.

Mahad Cali Samatar waa gudoomiyaha tuulada kalabaydh oo u dhow Laascaanood. Wuxuuna Radio Ergo u sheegay in muddo bil ku dhawaad ah, hayaanka dadka hayaanka ah uu socday kana imaanayo gobolo badan. Ka maamul ahaan ayuu sheegay in ay dadka ku booriyeen in nabadda ay ilaaliyaan isla markaana ay daaqa iyo biyaha si siman u qaybsadaan.

“Maalintii waxaa yimaada 12 ilaa 15 gaadhi oo waawayn oo reera sida. Gaadhigii wuxuu sidaa 5 ilaa 7 reer isku cel celis ahaan waxaa ku qayaasayaa ilaa 50 reer maalintii waa soo degtaa aaga Kalabaydh oo keliya. Weli dadkii meelihii baabuurtu dhigeen ayay degen yihiin”.

Deegaannada kala ah Karin-dabayl wayn, Karin Garfoog,Saaxdheer.Dabataag ilaa   gudaha Itoobiya balaadhan ayuu Roobku  helay oo gaadhaya ilaa 100 km oo isku wareeg ah.

Qoysaska laga yimi qaarkood waxay ku biireen dadkii barakacaaysha ahaa ee xooluhu ka dhamaadeen. si ay halkaasi uga helaan biyo iyo raashin maadaama xoolihii nolol ahaan ay ku tiirsanaayeen lagaga hayaamay

Cumar Xasan Axmed waa aabe leh 15 caruur ah iyo laba xaas  wuxuuna kasoo guuray deegaanka Kulaal oo ku yaalla gobolka Sanaag. Kalabaydhna u jira masaafo dhan ilaa 240km muddo toban cisho ah ayuu soo lugaysiinayay afartan Ari ah oo usoo doogtay iyo shan kamid ah caruurtiisa. Cumar Xasan Axmed ayaa abaarta ku waayay xoolo gaadhaya ilaa 750 adhi ah iyo 15 geel ah.

Laba dameer oo ay u saarnaayeen weel iyo raashin ay karsanayeen ayuu watay. Kirada baabuurka ayuu sheegay inuu tahli waayay dantuna ku riixday inuu soo lugaysiiyo xoolihiisa. Wuxuuna kaga yimi Kulaal toban caruur ah oo uu aabe u yahay iyo laba xaas kuwaas oo uu sheegay inuu wel-wel ka qabo noloshooda waxaana hadda la socda shan kamid ah caruurtiisa.

“Ilaa 20 qoys ayaanu kuwada soconay intii aaga Kulaal xoolaha kasoo lugaysiisay xaaluf daran ayaa ka jiray halkaasi. Kalabaydh ayaanu soo degnay waa barwaaqo dadkii wixii hadhay waa soo guurayaa Gugii hore waa ku yaraa muddo laba sano ah oo kasii horaysayna abaar ayuu dhulku ahaa”. Ayuu yiri Cumar Xasan.

 

Faarax Dubad

Laascaanood

Previous Post

Dhegeyso warbixin ku saabsan kala duwanaanta guurkii hore iyo kan hadda ee miyiga iyo magaalada

Next Post

Dhegeyso barnaamijka dhaqatarka raadiyaha

Related Posts

Dalag biyo la’aan awgeed u qalalay oo hubanti la’aan cunno biday beeraleyda Afgooye
Beeraha Iyo Xoolaha

Dalag biyo la’aan awgeed u qalalay oo hubanti la’aan cunno biday beeraleyda Afgooye

September 7, 2026
Qoysas laga raray xeryo ku yaalla Kismaayo oo ka cabanaya shaqo la’aan iyo nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga raray xeryo ku yaalla Kismaayo oo ka cabanaya shaqo la’aan iyo nolol xumo

September 3, 2026
Qiimo kororka shidaalka iyo canshuur dheeri ah oo nolol xumo galiyay danyarta Hargeysa
Cunto-Yaraanta

Qiimo kororka shidaalka iyo canshuur dheeri ah oo nolol xumo galiyay danyarta Hargeysa

September 1, 2026
Qoysas nugul oo ku xoolo beelay roob la’aanta oo ku biiray xero ku taalla Gaalkacyo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas nugul oo ku xoolo beelay roob la’aanta oo ku biiray xero ku taalla Gaalkacyo

August 28, 2026
Xoogsato laga hor istaagay shaqadooda oo Baydhabo ku wajahaya nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Xoogsato laga hor istaagay shaqadooda oo Baydhabo ku wajahaya nolol xumo

August 27, 2026
Hargaysa: Nolol xumo ka dhalatay shaqo joojin lagu sameeyay dad ku tiirsanaa sarifka lacagaha
Cunto-Yaraanta

Hargaysa: Nolol xumo ka dhalatay shaqo joojin lagu sameeyay dad ku tiirsanaa sarifka lacagaha

August 25, 2026
Next Post
blank

Dhegeyso barnaamijka dhaqatarka raadiyaha

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 08-SEP-202

IDAACADDA 08-SEP-202 by Radio Ergo

IDAACADDA 08-SEP-202
Episode play icon
IDAACADDA 08-SEP-202
September 8, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 07-SEP-2026
September 7, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 06-SEP-2026
September 6, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 05-SEP-2026
September 5, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 04-SEP-2026
September 4, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo