Xoolo dhaqato abaar uga hayaamay qaybo kamid ah gobolada Sool, Sanaag, Bari iyo Nugaal ayaa usoo naq-raacay deegaanno kuyaal Koofrurta Sool oo roob xoog leh uu ka da’ay. Xoolo dhaqatadan ayaa bilaabay inay ka hayaamaan deegaannadoodii kadib markii xilli roobaadkii Dayrtu aanay ka di’in muddo laba sano ah. Qoysaskan ayaa u guuray deegaannada kala ah Dabataag iyo Kalabaydh oo Laascaanood Koonfur kaga beegan 45km iyo 32km.
Orshe Cisman Faarax oo kamid ah 150 qoys oo kasoo hayaamay deegaanno hoostaga degmada Qardho ee gobolka Bari. Wuxuu Muddo laga joogo toban maalin soo degay miyiga Kalabaydh isaga oo wata 100 neef oo ari ah.
“Daaq la’aan ka dhalatay abaaraha soo noq-noqday ayaa adkaysay nolosha dadkii reer guuraaga ahaa. Dhulkii waa xaalufay biyo moojee wax kale oo xooluhu ku haysteen ma jirin. Abaartaas ayaanu u adkaysan kari waynay oo kasoo hayaanay”. Ayuu yiri Orshe.
Isaga iyo afar qoys oo kale ayaa baabuur wayn kusoo raacay dayn ahaan lacag gaaraysa $300 oo iska bixin doonaa marka ay abaarta kabaxaan. Waxayna wadada kusoo jireen muddo 24 saacadood ah.
Wuxuu kaloo sheegay in gawaaridu ay soo qaadayso dad iyo xoolo keliya oo aanay qoysaskan wadan guryihii ay geli lahaayeen. Ma haystaan hoy ay ka galaan qorraxda maalintii iyo qabowga habaynkii.
Mahad Cali Samatar waa gudoomiyaha tuulada kalabaydh oo u dhow Laascaanood. Wuxuuna Radio Ergo u sheegay in muddo bil ku dhawaad ah, hayaanka dadka hayaanka ah uu socday kana imaanayo gobolo badan. Ka maamul ahaan ayuu sheegay in ay dadka ku booriyeen in nabadda ay ilaaliyaan isla markaana ay daaqa iyo biyaha si siman u qaybsadaan.
“Maalintii waxaa yimaada 12 ilaa 15 gaadhi oo waawayn oo reera sida. Gaadhigii wuxuu sidaa 5 ilaa 7 reer isku cel celis ahaan waxaa ku qayaasayaa ilaa 50 reer maalintii waa soo degtaa aaga Kalabaydh oo keliya. Weli dadkii meelihii baabuurtu dhigeen ayay degen yihiin”.
Deegaannada kala ah Karin-dabayl wayn, Karin Garfoog,Saaxdheer.Dabataag ilaa gudaha Itoobiya balaadhan ayuu Roobku helay oo gaadhaya ilaa 100 km oo isku wareeg ah.
Qoysaska laga yimi qaarkood waxay ku biireen dadkii barakacaaysha ahaa ee xooluhu ka dhamaadeen. si ay halkaasi uga helaan biyo iyo raashin maadaama xoolihii nolol ahaan ay ku tiirsanaayeen lagaga hayaamay
Cumar Xasan Axmed waa aabe leh 15 caruur ah iyo laba xaas wuxuuna kasoo guuray deegaanka Kulaal oo ku yaalla gobolka Sanaag. Kalabaydhna u jira masaafo dhan ilaa 240km muddo toban cisho ah ayuu soo lugaysiinayay afartan Ari ah oo usoo doogtay iyo shan kamid ah caruurtiisa. Cumar Xasan Axmed ayaa abaarta ku waayay xoolo gaadhaya ilaa 750 adhi ah iyo 15 geel ah.
Laba dameer oo ay u saarnaayeen weel iyo raashin ay karsanayeen ayuu watay. Kirada baabuurka ayuu sheegay inuu tahli waayay dantuna ku riixday inuu soo lugaysiiyo xoolihiisa. Wuxuuna kaga yimi Kulaal toban caruur ah oo uu aabe u yahay iyo laba xaas kuwaas oo uu sheegay inuu wel-wel ka qabo noloshooda waxaana hadda la socda shan kamid ah caruurtiisa.
“Ilaa 20 qoys ayaanu kuwada soconay intii aaga Kulaal xoolaha kasoo lugaysiisay xaaluf daran ayaa ka jiray halkaasi. Kalabaydh ayaanu soo degnay waa barwaaqo dadkii wixii hadhay waa soo guurayaa Gugii hore waa ku yaraa muddo laba sano ah oo kasii horaysayna abaar ayuu dhulku ahaa”. Ayuu yiri Cumar Xasan.
Faarax Dubad
Laascaanood