Sida aan ognahay, waayadii hore waxaa aad u kala duwanaan jiray habka guurka ee miyiga iyo magaalada. Dadka qaar waxay aaminsanaan jireen in guurka miyiga uu ka qarash yar yahay kan magaalada, inkastoo ay jirtay xoolo-bixin uu sameyn jiray barbaarka guur doonka ah.
Xoolahaas oo hadba inta dhaqanka reeraha kala guursanayo yahay ayaa lagu wareejin jiray gabadha reerkooda, markaas oo howraarsan gabadha lagu guddoonsiin jiray ninka guursanaya. Halka kan magaaladuna sidaas si u dhow uu ahaa laakiin aysan jirin xoolo la kala qaato’e ay arrintu ahayd mid lacagta sooryada, iyo ku eg qaabka loo goglaya guriga loo galbinayo gabadha la caruusayo.
Hadda sidi hore wax badan baa iska badelay, oo dhaqankii miyiga waxaad mooddaa in kan magaalada uu milay. Muxyadiin Xusni, ayaa warbixin xiiso badan oo guurkii hore iyo kan hadda ee miyiga iyo magaalada ah inoo haya.







