Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Kufsiga oo ku badanaya xeryaha lagu barakacay ee Muqdisho

Hemed Abdiaziz by Hemed Abdiaziz
December 7, 2017
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga, Wararkii u Danbeeyay
0
RAG LOO SOO QABTAY KUFSI IYO GAWRAC

Keydka sawirrada/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

Waxaa kordheysa tirada haweenka lagu kufsado xeryaha lagu barakacay ee Muqdisho iyo duleedkeeda. Shantii cisho ee ugu horreysay bishan Diseembar waxaa la kufsaday 12 haween ah sida aan ka soo xigannay isbitaal Madiina. Hay’adda Horumarinta Haweenka ee SWDC ayaa iyaduna diiwaangelisay in 500 ay gaarayaan haweenka soo barakacay ee xeryaha lagu kufsaday saddexdii bil ee u dambeysay. Tiradaas ayaa ka dhigan in habeenkiiba la kufsaday in ka badan shan haween ah.

Nuuro Muxyadiin oo qeybta baarista u qaabbilsan isbitaal Madiina ayaa Raadiyo Ergo u sheegtay in kiiskii ugu darnaa ee ay qaabbileen uu ahaa saddex haween ah oo isku goob lagu kufsaday saddex toddobaad ka hor.

Lix nin oo afar ay hubeysnaayeen ayaa xilli fiid ah 16-kii Nofeembar weeraray xerada Daryeel ee degmada Kaxda oo ah halkan uu kiiskan ka dhacay. Waxay aqalladooda kala soo baxeen labo haween ah, mid saddexaad oo ka mid ahayd dadkii qeyladooda ku soo baxayna way ku sii darsadeen.

Ardo oo ka mid ah haweenka halkaas lagu kufsaday ayaa Raadiyo Ergo u sheegtay in ay ku soo naxday xabbado ay kor u ridayeen ragga weerarka soo qaaday, ka hor intii aanay afar ka tirsan ugu soo gelin buushkeeda oo geeska u xiga, kana kaxeysan. Waxay xaqiijisay in saddexdoodaba lagu garaacay baadka qoriga intii loo sii waday meel cidlo ah oo bannaanka xerada ah oo ah halka lagu kursaday. Haweenkaas middood waxay ahayd hooyo haysata lix carruur ah oo agoon ah.

Ardo oo saddex bilood ka hor abaarta uga soo barakacday degmada Qoryooley ee gobolka Shabeellaha hoose ayaa xerada ku haysata gabar 12 jir ah oo ay aabbaheed kala tageen.

Madaxa hay’adda SWDC, Maryan Taqal Xuseen ayaa Raadiyo Ergo u sheegtay in sababta uu kufsigu ugu soo badanayo xeryaha ay tahay dhallinyarada iyo ciidanka meelahaas ka dhow ay aad u isticmaalaan maandooriyaha, in aysan jirin cid si gaar ah isaga xil saarta amniga xeryaha ama saldhigyo boolis oo u dhow, mugdiga ka dhashay koronto la’aanta iyo dadka soo barakacay oo ku hoyda aqallo aan albaabbo lahayn.

Haweenka xeryaha lagu barakacay waxay nolosha qoysaskooda ku tiirsan tahay dhaqaalaha ay ka helaan shaqooyin yaryar oo ay qabtaan. Laakiin Ardo waxay dhibaatada kufsiga ee ku dhacday ku khasabtay in aysan u shaqo-tegin suuqa Bakaaraha oo ay ku wareejin jirtay bacaha.

Hase yeeshee, hay’adda SWDC ayaa $100 siisa haweenayda la kufsado si ay ugu noolaato bisha ugu horreysa ee aysan shaqaysan karin niyadjabka iyo dhaawacyada gaara awgood. Waxay sidoo kale ka caawiyaan tiiraanyo-bixinta iyo inay tagaan isbitaallada.

Qoysaska soo barakacay ee xeryaha ku jira ayaa sidoo kale la kulma dhac ay u gaystaan kooxo hubeysan, kuwaas oo ka qaata raashinka, telefoonnada gacanta iyo wixii kale ee gargaar ah ee ay helaan. Laakiin guddoomiyaha degmada Kaxda oo ay ku yaallaan xeryo dhowr ah ayaa Raadiyo Ergo u sheegay inay wadaan baaritaanno si wax looga qabto kuwa dhibaatooyinka ka geysanaya xeryaha.

Previous Post

Beeralayda Dalyare ee gobolka Sool oo xoolo dhaqato soo cayrtoobay ku caawiyey dhul beereed

Next Post

Dhegeyso Barnamaijka Gobaad

Related Posts

Dhadhaab: Haween carmal ah oo ku keliyaystay korinta carruur lagu dayacay
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dhadhaab: Haween carmal ah oo ku keliyaystay korinta carruur lagu dayacay

December 29, 2025
Waddo xumo nolol adag galisay beeralayda Calmadow iyo Galgala ee gobolka Bari
Beeraha Iyo Xoolaha

Waddo xumo nolol adag galisay beeralayda Calmadow iyo Galgala ee gobolka Bari

December 18, 2025
Qoysas la dajiyay deegaan Hargaysa u jira 20 km oo ka cabanaya cunno xumo iyo dhaxan daran
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas la dajiyay deegaan Hargaysa u jira 20 km oo ka cabanaya cunno xumo iyo dhaxan daran

December 16, 2025
Qoysas colaad iyo roob la’aan ku wajahaya qaybo ka mid ah Galgaduud
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas colaad iyo roob la’aan ku wajahaya qaybo ka mid ah Galgaduud

December 12, 2025
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dhallinyaro fursad shaqo ka helay Baydhabo oo qoysaskooda ka saaray xaaladda barakaca

December 10, 2025
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Qoysas go’doon iyo cunno xumo ay ku hayso qaybo ka mid ah Togdheer oo roob la’aan ah

December 9, 2025
Next Post
Dhegeyso barnaamijka Gobaad

Dhegeyso Barnamaijka Gobaad

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 28-DEC-2025

IDAACADDA 28-DEC-2025 by Radio Ergo

IDAACADDA 28-DEC-2025
Episode play icon
IDAACADDA 28-DEC-2025
December 28, 2025
Episode play icon
IDAACADDA-27-DEC-2025
December 27, 2025
Episode play icon
IDAACADDA 26-DEC-2025
December 26, 2025
Episode play icon
IDAACADDA-25-DEC-2025
December 25, 2025
Episode play icon
IDAACADDA 24-DEC-2025
December 24, 2025
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo