Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Xog-ururin: 320 dhallinyaro ah oo sanadkan ka tahriibtay Buuhoodle iyo agagaarkeeda

Radio Ergo by Radio Ergo
November 23, 2017
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga, Wararkii u Danbeeyay
0
WAALIDDIINTA CARRUUR LAGU HAYO PUNTLAND OO BEENIYAY IN LAGA GANACSANAYAY

Keydka Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

Dhallinyaro 320 ah oo rag iyo dumarba leh ayaa la diiwaangeliyay inay sanadkan 2017 ilaa dhamaadkii sanadkii hore ka tahriibeen Buuhoodle iyo tuulooyinka ku xeeran. Sidaas waxaa lagu ogaaday xog-ururin ay sameeyeen ardayda jaamacadda Jaamacadda Bariga Afrika qeybteeda Buuhoodle. Xog ururinta waxaa lagu ogaaday dhallinyarada tahriibtay inay u badan yihiin kuwo markaas dhameeyay dugsiga sare.

Cabdullaahi Axmed Maxamed, xoghayaha ururka ardayda jaamacadda, kana mid ah 15 arday oo xog-ururinta sameysay ayaa Raadiyo Ergo u sheegay inay wareysteen 620 qof oo isugu jira waaliddiin, ehelada rahriibeyaasha iyo dad xog-ogaal u ah arrimaha tahriibka. Sida uu xusay dhallinyaradan oo tahriibtay tan iyo Oktoobar 2016 in 25 ka tirsan ay ka baxeen jaamacado.

Xog-ururintooda waxay ku ogaadeen sababaha ugu waaweyn ee ay dhallinyaradu u tahriibto inay yihiin shaqo-la’aan, hiyi-kicin ay ku sameeyaan dhallinyaradii horay u tahriibtay ee Yurub joogta iyo fikirka tahriibka oo ay ku dhaliyaan dadka wax tahriibiya.

“Inta badan burburka jira iyo shaqa la’aanta baahsan ayay ka rajo dhigaan waxayna ku fikiraan in waqti kale aysan waxbarasho ku sii lumin oo meel uun ay u dhaqaaqaan,” ayuu yiri.

Isla jaamacadda ay dhigtaan ardayda xog-ururinta sameysay waxaa ka tahriibtay 10 arday oo saddex ay gabdho yihiin, sida uu Raadiyo Ergo u sheegay Dr. Asad Cali Cawil oo ah madaxa diiwaangelinta ee jaamacadda Bariga Afrika qeybteeda Buuhoodle. Wuxuu isaguna aaminsan yahay rajo-xumada ay ardaydaas ka qabeen helista shaqada xitaa haddii ay waxbarashada dhameeyaan inay ugu wacneyd bixistooda. “Sababtu waxay rajo-xumo ka qabaan helista shaqada in aysan muhiim u ahayn aqoonta oo siyaabo kale lagu helo,” ayuu yiri.

Marka laga tago gudaha magaalada waxaa kale oo laga tahriibaa tuulooyinka hoos yimaada Buuhoodle sida Widhwidh, Horufadhi, Ceegaag, Xamar-lagu-xidh iyo kuwa xiga dhanka xadka Itoobiya oo deegaan ahaan iyo ganacsi ahaanba ku xiran Buuhoodle. Sababta tuulooyinka looga tahriibo ayay cilmi baaristu sheegtay inay tahay damac dhallinyarada uga jira inay tagaan meelaha laga soo diro lacagta ay biilka u qaataan qaar ka tirsan qoysas ay dad dhoof ugu maqan yihiin oo tuulooynkaasi jooga.

Sahra Maxamed Kaarshe oo wiilkeeda uu dhamaadkii sanadkii hore ka tahriibay Buuhoodle ayaa Raadiyo Ergo u sheegtay in uusan wax nolol ah ku haysan xero qaxooti oo uu ku jiro oo ku taalla dalka Switzerland. “Hadda markuu ila soo hadlo mar uusan ooyayn ma jirto, wuu qoomamaynaa. ‘Alla maxaa i watay’ ayuu leeyahay,” ayay tiri.

Toddobo bilood ayay qaaraan u ururineysay si ay madax-furashada uga bixiso wiilkeeda curad oo tahriibay isaga oo markaas dhameeyay dugsiga sare. Lacag gaaraysa $11,000 ayaa laga qaatay, oo $4,000 ay deynsatay, inta kalena ay u ururiyeen eheladeeda oo magaalada iyo miyiga fog ku kala sugan. Hooyadan ayaa kula talisay dhallinyarada in aysan waalidkood ku dhibin bixinta lacagta doonta iyo madax-furashada oo ay deegaannadooda iska joogaan.

Taliye ku-xigeenka booliska Buuhoodle, Col. Ibraahim Cabdi Balayax, ayaa Raadiyo Ergo u sheegay in sanadkan ay qabteen 120 dhallinyaro ah oo tahriib u socday, kuwaas oo isugu jira deegaanka iyo qaar ka yimid gobollada la deriska ah. Qaar waxay ku wareejiyeen waalidkood, qaarna saldhigyada ayay ku xireen sida uu xusay. Wuxuu tilmaamay si dhibaatooyinka tahriibka loo xakameeyo inay boolisku sameeyaan howlgallo lagu soo qabto tahriibeyaasha isku dayaya safarrada.

Taliyaha ayaa xusay in sanadkan ay xabsi u dhexeeya saddex ilaa lix bil ku hayeen dhallinyaro 20 ah, kuwaas oo waalidkood ay booliska ka dalbadeen in ay xabsiga ugu hayaan dhaqan-toosin ahaan. Maxbuuskii u dambeeyay ee waalidkiis dalbaday in loo xiro ayaa xabsiga laga siidaayay oo waalidkiis lagu wareejiyay bishii Julay ee la soo dhaafay, lix bilood oo uu xirnaa kaddib.

Laakiin ardayda xog-ururinta sameysay ayaa ku talineysa in la qabto shirar badan oo dhallinyarada lagu tusayo halista tahriibka ee ka sokeysa tegiska Yurub, in aanay ka horreyn nolosha ay sawiranayaan iyo in ay waaliddiintu ka fikiraan sidii ay carruurtooda shaqo abuur ugu sameyn lahaayeen. Waxay sidoo kale soo jeediyeen dhaqaalaha ay waalidku huraan marka ay ubadkooda madax-furashada ka bixinayaan in inta uusan bixin ay ugu abuuraan wax uu tahriibka ku illoobo.

 

Previous Post

Xarunta lagu daaweeyo cudurada dhimirka ee Baydhabo oo la keenay dad miyiga la keenayo

Next Post

Swift Methods In Dating Studio Clarified

Related Posts

Buundo la’aan nolosha ku adkaysay qoysaska muruq-maalka Baardheere
Cunto-Yaraanta

Buundo la’aan nolosha ku adkaysay qoysaska muruq-maalka Baardheere

February 13, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas uu ka istaagay kab dhaqaale oo nolol xumo ku wajahaya Dhuusamareeb

February 12, 2026
Pastoralists with nothing left descend on Lasanod town and surroundings in Sool
Beeraha Iyo Xoolaha

Qoysas ka fursan waayay xaaladda barakaca oo Laascaanood ku wajahaya nolol xumo

February 10, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas barakac ah oo iskaashi dhaqaale uga baxay nolol xumo ku haysay Baydhabo

February 9, 2026
Women leaving their children behind in drought-hit rural villages to seek jobs in Mogadishu
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Haween ku xoolo-beelay abaarta oo Muqdisho u tagay shaqo xoogsi ah balse ku hungoobay

February 7, 2026
Gedo: Dab ganacsi la’aan iyo nolol xumo biday qoysas barakac ku ah Doollow
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Gedo: Dab ganacsi la’aan iyo nolol xumo biday qoysas barakac ku ah Doollow

February 5, 2026
Next Post

Swift Methods In Dating Studio Clarified

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 13-FEB-2026

IDAACADDA 13-FEB-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 13-FEB-2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-FEB-2026
February 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 12-FEB-2026
February 12, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 11-FEB-2026
February 11, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 10-FEB-2026
February 10, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 09 -FEB-2026
February 9, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo