Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Arrimaha Bulshada

Xoolo dhaqato dib ugu laabanaya qaybo kamid ah gobolka Bakool

admin by admin
October 19, 2017
in Arrimaha Bulshada, Wararkii u Danbeeyay
0
GAALKACYO: HOOSE U DHAC KU YIMID QIIMAHA XOOLAHA
0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

Boqolaal xoolo dhaqato ah oo sadexdii sano ee lasoo dhaafay xoolohoodii ula hayaamay deegaanno ka tirsan gobolada Bay iyo Shabeellada Hoose ayaa labadii todobaad ee ugu danbaysay dib ugula laabtay qaybo kamid ah gobolka Bakool ee Koonfurta Soomaaliya oo roobab ka da’een.

Maxamed Aadan Macallin wuxuu kamid yahay xoolaleyda dib ugu laabtay deegaanka Moora gaabey oo 30km Koonfur kaga beegan magaalada Xudur. Muddo sanad iyo laba bilood ah ayaa 300 xoolo isugu jira Ari, Geel iyo Lo’ waxaa uga soo haray 75 neef oo ari ah oo uu ula guuray gobolka Shabeelaha Hoose si uu baad iyo biyo ugu raadiyo. Maxamed ayaa deegaankiisa kusoo laabtay muddo 20 maalmood laga joogo isaga oo ay weheliyaan qoyskiisa oo ka kooban toban ruux.

“Dhul dheer ayaan jirney si xoolaha hadba inta noo hartey meeshii daaq laga heli karo ula cararno, inta aan sii soconey xoolaha qaar ayaa naga dhintey alxamdulilaah wixii iiga soo harey waxaan la imid dhulkii oo roob ka da’ay oo warihii deegaanka biyo buuxaan, dhulkuna cagaar wada noqdey deyrtana bilow tahay,marka aad ayaa loogu soo noqonayaa deegaanka”

Ilaa tiro ka badan 8 Boqol oo qoys ayaa ku laabtey tuulooyinka Moora gaabey,Teet, Ma-dhaayto, Gooroyey, Waney, Farak, Abal iyo Banjiney oo dhammaantood dhaca Koonfurta iyo Waqooyiga magaalada Xudur kadib markii roobabka deyrta ay ka curteen deegaannadaas oo masaafo ahaan Xudur u jira inta u dhexaysa 10km ilaa 90km.

Tuulooyinka dhaca Koonfurta iyo Bariga Xudur, waxaa la sheegayaa in qiyaastii maalinkasta ay soo gaaraan qoysas gaaraya 30 kuwaas oo kasoo laabtay deegaannadii ay markii hore daaqa iyo biyaha u doonteen, sida ay Radio Ergo u sheegeen dadka deegaanku.

Dib usoo laabashada xoolo-dhaqatada qaar ee gobalka Bakool ayaa dhanka kale waxaa ka dhashay dhaqdhaqaaq ganacsiga xoolaha ah gaar ahaan suuqa xoolaha ee magaalada Xudur oo mudo sannad ah wax xoolaha ah aan lagu kala iibsan.

Cabduqaadir Xasan Maxamuud waxaa uu kamid yahay ganacsatada xoolaha ee degmada Xudur,waxaa uu Radio Ergo u sheegey in suuqa ganacsi fiican oo dhanka xoolaha uu ka jiro, sidoo kalena xoolaha ariga, lo’ada iyo geela la keenayo suuqa uu muuqalkooda fiicanyahay qiimaha lagu kala iibsanayona uu sarreeyo.

“Hadda dadkii waa soo laabteen , xoolo ay ganacsi u rabaan ayay halkan keenayaan, maalintii toban neef waan u kala iibiyaa xoolaleyda iyo ganacsatada kale”.

Cabdiqaadir, ayaa xusay in qiime ahaan xoolaha la keenayo seyladda degmada Xudur ay kala duwan yihiin xilligii abaartu jirtay iyo hadda oo deegaanku roobsaday.

“Marki hore dadka waxay keeni jireen xoolo la kicinayo, laakiin hadda waxaa la keenayaa xoolo qiime fiican leh, neefka qurbaca ah waxaa lagu iibsanayaa 18 ilaa 20 milyan oo Shilin”

intaanay xirmin seyladda xoolaha ee Xudur Abaarta ka hor, xoolaha la keenayo suuqa oo abaarta nugleysay darteed, neefka geela ah waxaa lagu iibsan jiray 9 ilaa 10 milyan oo shilin Soomaali ah.

Gobalka Bakool ayaa ka mid ahaa meelaha ay abaartu aadka u saameysey, inta badan bulshada degta oo xool0-dhaqato u badan ayaa kumannaan qoys ku xoolo beeleen, halka qaar kalena kala bar xoolihii ka dhammaadeen hadana dhulkoodii kusoo laabanaya oo kasoo kabanaya dhibaatadii abaarta.

Muxiyadiin Xusni
Baydhabo

Previous Post

Safiirka Soomaaliya ee Kenya oo sheegay inay rajaynayaan 122 dhalinyaro soomaaliyeed oo ku xiran Mombassa in dib loogu celiyo wadankoodii

Next Post

Barnaamijka Madadaalada Ergo

Related Posts

Burbur ganacsi iyo nolol xumo ka dhashay hakad ku yimid isticmaalka lacagta dalka
Wararkii u Danbeeyay

Burbur ganacsi iyo nolol xumo ka dhashay hakad ku yimid isticmaalka lacagta dalka

May 13, 2026
blank
Wararkii u Danbeeyay

Adeegsiga AI oo beeraley Baydhabo ka caawiyay inay soo saaraan dakhli beddelay noloshooda

May 11, 2026
Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay

May 9, 2026
blank
Cunto-Yaraanta

Daad burburiyay gododka cusbada laga qodo oo saameeyay xoogsatada gobolka Afdheer

May 8, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Haween shaqooyin adag ka qabta Muqdisho oo maareeyay nolosha qoysaskooda

May 6, 2026
Beeraleyda Jubbaland oo ka baxay nolol xumo markii laga caawiyay waraabinta beerahooda
Wararkii u Danbeeyay

Beeraleyda Jubbaland oo ka baxay nolol xumo markii laga caawiyay waraabinta beerahooda

May 5, 2026
Next Post
blank

Barnaamijka Madadaalada Ergo

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 11-MAY-2026

IDAACADDA 11-MAY-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 11-MAY-2026
Episode play icon
IDAACADDA 11-MAY-2026
May 11, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 10-MAY-2026
May 10, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 09-May-2026
May 9, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 08-MAY-2026
May 8, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 07-MAY-2026
May 7, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo