Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Caafimaadka

Caruur cudurka shuban biyoodka ugu dhimatay deegaanno hoostaga Gobolka Mudug

admin by admin
October 31, 2017
in Caafimaadka, Wararkii u Danbeeyay
0
Cudurada shubanka iyo duumada oo ka jira Baay

Sawir kayd

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

7 caruur ah ayaa cudurka shuban biyoodka ugu dhimatay deegaanka Bud-bud ee gobolka Mudug oo Gaalkacayo bariga uga beegan qiyaastii 165km. bilowgii todobaadkan waxaa deegaankaas cudurka ugu dhintay wiil 3 sano jir ah, iyadoo lixda kalena ay dhinteen intii u dhexaysay 19kii ilaa 26dii bishan October, sida ay Radio Ergo u xaqiijisay Safiyo Maxamed oo ah madaxa caafimaadka MCH-ka keliya ee ku yaalla deegaanka.

“Muddo labaatan beri ah ayuu deegaanka Bud-bud kajiraa cudurka shuban biyoodka, xarunteena caafimaad maleh meel bukaanka la jiifiyo sidaa darteed dadka adeegyada caafimaad ee aan awoodno ayaan u qabanaa qofka liita gawaarida gurmadka deg-dega ah ayaan saarnaa oo Gaalkacayo geysa,  dadka cudurku hayo waxa ay isugu jiraan dad waawayn iyo caruur inkastoo caruurtu ay  badanyihiin”. Ayay tiri Safiyo Maxamed.

60 qof oo kale oo caruur u badan ayaa sidoo kale cudurka shuban biyoodka u jiifa, kuwaas oo lagu hayo guryaha, maadaama MCH-ku aanu lahayn awood lagu jiifiyo dadka xanuunku soo ritay, waxaana xarrunta caafimaad ay siisaa dadka daawooyin kaalmaati ah iyo talooyin caafimaad.

Ceel gacmeeydada ay dadka Bud-bud biyaha ka helaan ayaa ku dhow in ay guraan, halka qaar kalena midabkii biyuhu isbedeleen, arrintaas oo loo sababaynayo in uu ka dhashay cudurka shuban biyoodku.

Malabo Cabdi Xasan, waa hooyada qoys ka kooban 7 qof, qaar kamid ah caruurteeda oo kan ugu yar uu jiro shan bilood ayuu ka helay cudurka shuban biyoodku. Waxayna ku haysaa geed hoostiis oo baco la dul saaray maadaama aanay guri ku lahayn deegaanka. Muddo laga joogo laba bilood ayay timid Bud-bud, iyadoo kasoo barakcday deegaan miyi ah oo Bud-bud u jira 24km. Waxaana abaartu ay ka dhammaysay xoolihii ay dhaqanayeen. Radio Ergo ayay uga warrantay xaaladda ay ilmeheedu ku suganyihiin.

“3 ilmood ayaa hadda cudurku iga hayaa, midka ugu yar ayaa la ildaran shubanka, laakiinse labada kale inkastoo ay shubmayaan way ka roonyihiin, wiilka ugu yar ayaa aad u shubmaya, matagna wuu u weheliyaa, xarrunta caafimaad markaan geeyey faleenbo ayaa lagu xiray wali waa sidiisii. Waxaan u malaynayaa in caloosha nabar kahayo, wuu rafanayaa, inkastoo horey dhiig badan u lahayn hadana wuu iska roonaa, balse markuu shubanku ku dhacay wuu muuq beelay”.

Malabo, ayaa sheegtay in dhowr jeer ay iskudayday in ay hesho gaadiid ay gaalkacyo ku gayso caruurteeda, balse lacagta ku baxaysa gaariga oo dhan $400 ay ku kaliftay caruurta ka xanuunsanaysa in ay ku hayso deegaanka, waxa ay sheegtay Malabo in aysan fursad u helin gaariga gurmadka degdega ah ee qaada dadka la xanuunsanaya maadaama tirada dadka cudurku uu hayo ay badanyihiin

Xarrunta MCH-ka ee Bud-bud waxaa ka howlgala hal gaari oo nooca Ambulance loo yaqaan ee gurmadka degdega ah. Todobaadkii hal mar ayuu tagaa Gaalkacayo maadaama masaafo ahaan ay ka fogtahay Bud-bud isla markaana wadadu ay raf tahay. Waxaana loo kala socdaa maalin iyo ka badan oo gaarigu jidka kusii jiro. Gaariga ayaa halkii marqaadi kara  3 qof, waxaana MCH-ka  Bud-bud gacanta ku haysa hay’adda Mercy USA.

Safiya Maxamed madaxa caafimaadka ee MCHKA deegaanka Bud-bud ee gobolka Mudug ayaa Radio Ergo u sheegtay in maalinkii ay qaabilaan in kudhow 10 qof oo cudurku uu soo rito, tiraduna ay sii badanayso halka xarrunta caafimaadna ay gabaabsi kusii yihiin adeegyada ay bixiso.

“Caruurta hada naloo keenayo waa kuwa aad u liita, maxaa yeelay abaarta jirta waxaa ka dhashay in ilmaha ay tabar daran yihiin, kadib biyo aan wanaagsanayn ayaa la siinayaa maadama qoysaskoodu biyo kale aysan helikarin. Marka ilmihii oo aad u liita ayaa xarrunta naloogu keena, ilmaha fuuq celin ayaan u sameynaa waxaan siina ORS sidoo kale qaarka liita ee aadka u fuuq baxay faleenbo ayaan siinaa”. Ayay tiri Safiyo.

Jibriil Cismaan Cilmi/Gaalkacayo

Previous Post

Dhegeyso barnaamijka dhaqtarka raadiyaha

Next Post

DALAN-DOOL

Related Posts

blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nolol xumo ka dhalatay qaxootiga Dhadhaab oo laga jartay gunno gargaar oo la siin jiray

April 28, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas nolol xumo ku wajahaya Baydhabo markii laga gubay beero iyo kayd raashin

April 24, 2026
Cadaado: Haween nolosha qoysaskooda ka maarayn jiray iibinta Khudaarta oo shaqo la’an noqday markii ay saameysay fatahaadda webiga shabeelle
Cunto-Yaraanta

Haweenka khudaarta ku iibiya Kismaayo oo wajahaya suuq xumo cuno yari biday

April 23, 2026
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Roob la’aan sababtay dhaqaale xumo iyo dayn la’aan nolol xumo biday reer miyiga Galgaduud

April 22, 2026
blank
Wararkii u Danbeeyay

Qoysas ku nool Shabeellooyinka oo helay il-dhaqaale markii la siiyay xoolo iyo beero

April 20, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 17, 2026
Next Post
Barnaamijka codka dhegeystaha

DALAN-DOOL

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 29-APR-2026

IDAACADDA 29-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 29-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 29-APR-2026
April 29, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 28-APR-2026
April 28, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 27-APR-2026
April 27, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 26-APR-2026
April 26, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 25-APR-2026
April 25, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo