Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Tirada dadkii ku dhintay qaraxii 4ta oktoobar oo kor u dhaaftay 90

admin by admin
August 30, 2017
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga
0
Tirada dadkii ku dhintay qaraxii 4ta oktoobar oo kor u dhaaftay 90

Sawir hore/Dad ku dhintay qaraxa/ Yusuf Keynaan/MH

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter
blank
Dad ku dhintay qaraxa/ Yusuf Keynaan/MH

Tirrada guud ee dadkii ku dhaawacmay ama ku dhintay qaraxii gilgilay magaalada Muqdisho ayaa sii korartay kadib markii la helay meydad hor leh cisbitaalada Muqdisha-na ay kasoo baxeen Tirakoob sax ah kadib saacado isbarbaryaac ah oo warar is burinaya kasoo baxayeen xarumaha caafimaadka

Cisbitaalka eeyn ee Madiina oo ahaa halka ugu badan oo la dhigay dadkii ku dhaawacmay ama ku geeriyootay  qaraxii ka dhacay Muqdisho ayaan kula kulmay madaxii caafimaadka ee cusbitaalkaasi Duniyo Cali Maxamed waxa ay ii sheegtay in 137 qof oo dhaawacyo qaba la dhigay, cisbitaalkaasi iyo 8 ruux oo qaraxa ku geeriyooday, waxayna intaa ku dartay in dadaal aan kala harlaheyn ay ku jiraan maamulka iyo shaqaalaha cisbitaalka si ay ugu guulaystaan badbaadinta dadka kale ee xaaladaha qatarta ah ku jira.

“Waxaan saacadihii lasoo dhaafay ku mashquulsanayn tiro aad u farabadan oo ku dhaawacmay qaraxa oo la keenay cisbitaalka waxaana 137 qofood lasoo gaarsiiyay cisbitaalka, todobaataneeyo waa la jiifiyey, halka kuwa kale adeegooda caafimaad loo fuliyay” waxaana sidaa yiri madaxa caafimaadka ee cisbitaalka Madiina Duniyo Cali Maxamed.

Dr: Bashiir Daahir Maxamed oo isna kamid ah dhaqaatiirta qaliinka ee cisbitaalka Banaadir oo aan gudaha cisbitaalkaasi kula kulmay ayaa waxa uu tilmaamay tirada guud ee dhaawacyada ee cisbitaalkaasi la keenay ay gaarayaan 71 Ruux oo qaba dhaawacyo culus iyo kuwa fudud iyo 25 Ruux oo qaraxaasi ku geeriyootay iyo kuwa kale oo cisbitaalka ku geeriyooday:

“ Runtii dadkii ku dhaawacmay qaraxaasi xaaladooda aad ayay u xumayd 71 ayaa naloo keenay 25 qofood dhimasho ayay ahaayeen inta kalana dhaawacyo fudud iyo kuwa culus ayay isugu Jiraan”.

Dhinaca kale waxaa jira dad la ii sheegay inay gaarayaan Kontomeeyo oo ku jira cisbitaalka Xalene oo ay maamulaan ciidamada AMISOM marka la isku geeyo qaraxii  Muqdisho ka dhacay qasaarihii uu geystay ayaa waxa celcelis ahaan qasaaraha Dhimashada hada lagu tilmaamayaa in 90 Ruux ay kor u dhaafayaan dhaawacyadana ay yihiin in ka badan 200.

Madaxweynaha DKMG ah Ee Soomaaliya Shiikh Shariif Shiik Axmed oo kormeer ku tagay cisbitaalada Banaadir iyo Madiina ayaa wuxuu shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho, wuxuuna sheegay in ay jiraan dad badan oo aan wax looga qaban karin xaaladahooda guddaha Soomaaliya, wuxuuna intaas ku daray inay la kaashanayaan dalal kale si dadkaasi ay u helaan gargaar caafimaad oo dibada ah, wuxuuna ku dhawaaqay yabooh dhaqaale o loogu talagalay dadka dhibaatadu soo gaartey.

“Labada cisbitaal ee Madina iyo Banadir waxa ay si weyn ugu dadaalayeen inay qabtaan wixii karaankooda ah, waxayna noo sheegeen in dadka ay kamid yihiin dad aan halkaan wax loogu qaban karin, waxayna dawladda go’aamisey dadkaan halkaan wax looga qaban karin innaan la kaashano dawladaha Caalamka waxaana furaynaa sanduuq dowladda ayaana bilaabayso waxa ayna bixinaysaa boqol kun oo Dollar laguna sii bilaabo shaqooyinka. Dadka Soomaaliyeedna waxaan ugu baaqeynaa in ay garab istaagaan oo ay kaalmeeyaan dadka dhibaatada soo gaartay” ayuu yiri madaxweyne Shariif”

Qaraxii ruxay magaalada Muqdisho ayaa kasokow khasaaraha dhimashada iyo dhaawaca ee ka dhashay wuxuu geystay khasaare kale oo hantiyadeed iyadoo maskax ahaana ay jiraan dad badan oo argagax ka qaaday iyo qaar kale oo waliba arintaasi ku reebtay ma hadho aan weligood qalbigooda ka baxayn.
Dhamaad.
Yusuf Keynaan/MH

Previous Post

Dhegeyso Barnaamijka Maanta

Next Post

Qarax waxyeelo weyn u geystay dad rayid ah oo gilgilay muqdisho

Related Posts

blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dhadhaab: Dhallinyaro qaxooti ah oo hirgaliyay ganacsiyo beddelay noloshooda

May 20, 2026
Shabeellaha dhexe: Qoysas ka baxay nolosha barakaca markii la siiyay dhaqaale iyo tababar
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Shabeellaha dhexe: Qoysas ka baxay nolosha barakaca markii la siiyay dhaqaale iyo tababar

May 18, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Mudug: Dad roob yari ku cayroobay oo xeryo ku yaalla deegaan Xarfo ku wajahaya nolol xumo

May 15, 2026
Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay

May 9, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Haween shaqooyin adag ka qabta Muqdisho oo maareeyay nolosha qoysaskooda

May 6, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nolol xumo ka dhalatay qaxootiga Dhadhaab oo laga jartay gunno gargaar oo la siin jiray

April 28, 2026
Next Post
Qarax waxyeelo weyn u geystay dad rayid ah oo gilgilay muqdisho

Qarax waxyeelo weyn u geystay dad rayid ah oo gilgilay muqdisho

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 25-MAY-2026

IDAACADDA 25-MAY-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 25-MAY-2026
Episode play icon
IDAACADDA 25-MAY-2026
May 25, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 24-MAY-2026
May 24, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 23-MAY-2026
May 23, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 22-MAY-2026
May 22, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 21-MAY-2026
May 21, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo