Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Caafimaadka

CARRUUR CUDURKA DABEYSHA UGU GEERIYOODAY MUQDISHO

Radio Ergo by Radio Ergo
June 19, 2017
in Caafimaadka
0
Xarun lagu xannaaneeyo gabdhaha agoonta ah oo laga furay Boondheere

Keydka sawirrada Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

blankIyadoo ololaha tallaalka cudurka dabeysha uu ka socdo magaalada Muqdisho, ayaa wuxuu cudurkan soo ritay carruur badan. Isbitaalka hooyada iyo dhallaanka ee Banaadir oo ka mid kuwo ugu mashquulka badan xarumaha caafimaad ee magaalada Muqdisho toddobaadkii lasoo dhaafay waxay uga mid aheyd maalmaha ugu shaqada badnaa, oo waxaa la jiifiyay bukaannadii ugu badnaa ee uu soo ritay cudurka dabeysha lixdii sano ee lasoo dhaafay.

“Maalin walba 2 carruur ah oo cudurka dabeysha uu so ritay ayaa la keenaa isbitaalka, kuwaasoo isugu jira kuwo aan tallaalneyn iyo kuwo aan qaadan tallaalkii la rabay.” Sidaa waxaa tiri Dr. Luul Maxamuud Maxamed oo ah madaxa isbitaalkaas Banaadir.

Kiiskii ugu horreeyay ee cudurka dabeysha ayaa laga helay degmada Xamar Bile ee magaalada Muqdisho bishii May ee sanadkan, balse jeermiska dhaliya cudurka dabeysha oo ah mid deg deg ku faafa ayaa laga cabsi qabaa in dalka uu ku faafo, iyadoo gobollo ka fog fog Banaadir laga helay kiisas la xariira dabeysha.

Dr Luul Maxamed ayaa sheegtay in carruur ka badan 20 oo uu ku dhacay cudurka dabeysha la keenay isbitaalka toddobaadkii hore. Waxayse ku dadaalayaan inuusan cudurku sii fiidn.

“Isbitaalka dhexdiisa ayaan ka wadnaa ololaha cirribtirka cudurka dabeysha, qol gaar ah baan seexinnaa carruurta uu ku dhaco, si uusan usii faafin.” Ayay tiri Luul.

Cudurka dabeysha oo dalka laga cirrib-tiray 2007dii waxaa halis ugu jira malaayiin carruur Soomaaliyeed oo aan helin tallaalka cudurka dabeysha. Wasaaradda caafimaadka ee dowladda federaalka Soomaaliya waxay xaqiijisay in cudurku ka jiro Banaadir, Bay, Shabeellaha Hoose, Gedo iyo gobollo kale.

Jeermisku wuxuu u muuqdaa inuu soo ridanayo xitaa dadka waaweyn. Degmada Huriwaa ee Banaadir waxaa cudurka laga helay wiil 20 sano jira, taas waxay ka dhigan tahay in qof weliba oo Soomaali ah halis ugu jiro cudurka.

Fidista deg degga ah ee cudurka waxay walaac ku abuurtay howl-wadeennada caafimaad ee dalka oo isweydiinaya waxtar yarida tallaalka. Dhakhtar Cabdikariim Caseyr Cali oo ku takhasusay cudurka dabeysha wuxuu raadiyaha Ergo u sheegay in in tallaalka uusan gaarin dadka iyo dalka oo dhan taasna ay sabab u tahay fidistiisa.

“Howlaha caafimaadka waxay ka mid yihiin adeegyadii ku burburay dagaalladii dalka, koofurta Soomaaliya tallaalku ma wada gaari karo ammaanka dartiis, laakiin Puntland iyo Somaliland si habsami leh ayaa looga fuliyaa tallaalka sanad kasta,” Ayuu yiri Dr Cabdikariim.

Dr Caseyr ayaa sheegay in cudurka dabeysha aan si fudud looga cirrib tiri Karin Soomaaliya, wuxuuna ka digay in cudurka aad usii fido toddobaadyadiisa hore, isagoo ku talinaya in laga wada shaqeeyo sida qof weliba oo Soomaali ah si gaar ah carruurta u heli lahaayeen tallaalka.

“Aniga khibraddeyda cudurka dabeysha muddo dheer wuu sii joogayaa Soomaaliya, waxaana sabab u ah meelo badan oo Soomaaliya ka mid ah tallaalku ma gaarin, inta uu jiro qof aan tallaalneyn, cudurku wuu sii jirayaa.” Ayuu mar kale yiri takhtarka.

Laakiin wasaarada adeegga bulshada ee dowladda Soomaaliya ayaa sheegeysa inay waddo dadaallo dheeraad ah oo tallaalka lagu gaarsiinayo dalka oo dhan. Agaasimaha wakaaladda caafimaadka ee wasaaradda Dr. Cabdirisaaq Yusuf Axmed ayaa raadiyaha Ergo u sheegay in dowladda ay qorsheysay in cudurka dabeysha dalka laga cirrib-tiro inta lagu guda jiro sanadkan.

“Waxaan qorsheyneynaa in sanadkan dhammaadkiisa aan soo afjarno cirribtirka dabeysha, meel walboo Soomaaliya ahna waa la gaarsiinayaa, xitaa meelaha aysan dowladda maamulin dariiqo walba ayaan u mareynaa inaan tallaalka gaarsiinno.” Ayuu yiri Dr. Cabdirisaaq.

Sanadkii 2008dii markii lagu dhawaaqay in Soomaaliya laga cirrib-tiray cudurka dabeysha waxaa la tallaalay carruur ku dhow labo milyan oo ka yar shanta sano. Oloolahaas lagu cirrib-tiray cudurka dabeysha waxaa ka qeyb qaatay 10,000 oo qof oo isugu jiray shaqaalo caafimaad iyo mutaddawiciin ah.

Yuusf Keynaan/MR/FM

Previous Post

Qiimaha xoolaha ee sayladaha Soomaaliya

Next Post

Abwaan da’yar oo suugaan ka sameeyay qiso jacey oo isaga soo martay

Related Posts

blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Umulisooyin daryeel iyo talooyin caafimaad u sameeya haweenka ku nool Dhadhaab

January 13, 2026
blank
Caafimaadka

Nolol xumo iyo daryeel la’aan isku biirsaday qoys ku nool Shabeellaha dhexe

December 1, 2025
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dayac iyo nolol xumo haysata dadka qaba xaaladda dhimirka ee ku nool Dhadhaab

November 3, 2025
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dhibaato ka dhalatay xarumo caafimaad oo ka xirmay dad barakac ku ah Baydhabo

September 8, 2025
Adeeg la’aan caafimaad oo ka dhalatay 20 isbitaal oo ku xirmay colaadda Hiiraan
Caafimaadka

Adeeg la’aan caafimaad oo ka dhalatay 20 isbitaal oo ku xirmay colaadda Hiiraan

September 4, 2025
Shabeellaha Hoose: Haweenka ku jira xilliga foosha oo wajahaya gargaar la’aan caafimaad
Caafimaadka

Shabeellaha Hoose: Haweenka ku jira xilliga foosha oo wajahaya gargaar la’aan caafimaad

July 21, 2025
Next Post
Abwaan da’yar oo suugaan ka sameeyay qiso jacey oo isaga soo martay

Abwaan da’yar oo suugaan ka sameeyay qiso jacey oo isaga soo martay

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 21-APR-2026

IDAACADDA 21-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 21-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 21-APR-2026
April 21, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 20-APR-2026
April 20, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 19-APR-2026
April 19, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 18-APR-2026
April 18, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-APR-2026
April 17, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo