Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Masiibooyinka

DAB KHASAARE BA’AN U GEYSTAY SUUQII UGU CAMIRNAA MUQDISHO

Hemed Abdiaziz by Hemed Abdiaziz
January 26, 2017
in Masiibooyinka
0
DAB KHASAARE BA’AN U GEYSTAY SUUQII UGU CAMIRNAA MUQDISHO
0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

blankDabka ayaa kacay goor maqrib ah waxaana uu qabsaday qeybta lagu iibiyo khudaarta ee suuqa degmada Xamarweyne oo hadda lagu tilmaamo suuqa ugu camiran magaalada Muqdisho, kadib markii suuqyo badan ay saameeyeen dagaalladii sanadihii lasoo dhaafay.

Si dhab ah looma xaqiijin sababta dabka dhalisay, laakiin daqiiqado kadib oo aan goobta gaaray ayaa xaalka wuxuu ahaa mid isku dhax-yaac uu ka muuqday oo aad l isugu jahwareersanaa.

“Cid ku jirta malahan aniga iyo Aabbaheey haddaan ka soo tagnay way gubaneysaa, war dab damis malahan miyaa meesheenna waaaye, shan dukaan ayaa noogu taallo, war biyo halasoo qabsado war dabka hala damiyo”

Ambalaasyo  gaadiidka deb-demiska,  gaadiid ay ganacsato wateen, dad weyne badan oo lugeynaya iyo askar rasaas cirka u rideysa ayaa goobta buux dhaafiyay mana ahayn mid uu xilligaasi fududyahay in si deg deg ah dabka loo baqtiiyo.

Dhowr ruux oo ka mid ahaa ganacsatadii ay hantidooda gubatay ama qaar ay wax xoogaa u badbaadeen, ayaan makarafoonka ladhaxqaaday.

“Xoogaa ayaan soo badbaasannay inta kale dab baa helay ma garatay walaalo, dadka tuugadaa ka daran dad badan bay hantidoda ku gubatay annagoo badan waxaan soo badbaadinnay labo tukaan.”

“Dabka gudaha suuqa ayuu ka kacay cid wax ay u fakatayna majirto wax alla waxii suuqa yaallay baaba` waaye,  dabka koronto miyaa lama yaqaanno waxa uu ka kacay.”

“ Markaa aan salaad maqrib ka baxay leenka aan degganahay ma ahee leenkiisa saddexaad ayuu ka billowday dabka, koronto ayuu ka dhashay wax rajo ah malahan bis waaye.”

Guddoomiyaha degmada Xamarweyne Cabdullaahi Ibraahim Sahal Gardhuub, oo xilligaasi aan la kulmay ayaa aad uga walaacsanaa deb-demisyada soo daahay iyo xowliga dabka oo sii kordhayay “Si uusan dabkaas u fidin Waxaan codsaneynaa in cid waliba oo dab damis haysa ay nala soo gaarto, waa jiingado iyo meel cariiri ah waxa uu ku socdaa dhinaca afar irdood waxaana badbaadin u baahan misaajidka Marwaas iyo dhulka kasoo horjeeda, cid waliba oo gurmad sameyneysaa waxaa la rabaa in la dedejiyo waxaan waa jiingad, shidaal,raashiin iyo saliid, dab damiska gobolka waxaa la waayay dawaralLadoodii, AMISOM ayaana sidoo kale loo gudbiyay.”

Waxa aad moodday in xaalka uu ka soo darayay oo dabkuna uu cagta sii marinayay xarumo ganacsi oo hor leh, laakiin waxaa ku dhawaad saacad kadib goobta soo gaaray gawaari deb-demis ah oo ay askarta Midowga Afrika ee AMISON ay wateen, waxana ay markiiba sameeyeen dadaal ay ku soo koobeen xowliga dabka.

Warsame Maxamed Xasan Joodax, oo ah guddoomiye xigeenka dhinaca ammaanka ee gobalka Banaadir ayaa ayaa deminta dabka ka dib oo aan goobta kula kulmay ii sheegay inay jireen caqabado badan oo haystay deminta dabka, nasiib darrose ay dad badan ku hanti beeleen.

“Suuqa Xamar Weyne wuu gubtay, hase ahaatee wax baan ceyminnay booyadihi baa cariiri inagu noqday, dadka ay wax ka gudteen allaha samir siiyo laakiin waan dadaalnay mugdigaan goor dambe ayay booyaduhu noo yimaadeen, Waxaan ku billownay booyaddii dekadda ay lahayd dadaal badan baan qabannay AMISOM ayaana noo timid, dabna waa cadow dhib badan buu geysanayay darawallada boyadaheennana waxay rabaan in loo tababaro.”

Dabka ka kaca suuqyada Mqdisho waa kuwo isdaba jog ah oo ka hortag ama taxadar badan aan hortii la sameynin, sidoo kalana waxaa adkaata ka daba tagga ama xakameynta marka uu dabka koco taasina waxay badisaa marwaliba khasaaraha ganacsatada Soomaaliyeed kasoo gaara gubashada suuqyada walow dabkii xalay Muqdisho ka kacay uu helay gurmad ka wanaagsanaa dadbkii hore u kici jiray.

Yusuf/MH/FM

Previous Post

Barnaamijka Codka Dhegeystaha

Next Post

Waraysi aan la yeelanay madaxa hawl galka hay’adda laanqayrta cas ee ICRC ee Puntland

Related Posts

Jalalaqsi: Xoolo dhaqato-beeralay abaartu saamaysay oo nolol adag ku wahajaya xeryo ku yaalla magaalada
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Cunno xumo, biyo yari iyo hoy la’aan isku biirsaday qoysas soo maciin bidday xeryo ku yaalla Jowhar

January 8, 2026
Soomaaliland: Xoolo-dhaqato kireeya geel irmaan si ay cunno ugu helaan carruurtooda
Cunto-Yaraanta

Hargeysa: Nolol xumo soo wajahday qoysaska ka ganacsada caanaha geela saamaynta abaarta darteed

January 7, 2026
Cunno xumo iyo go’doon ka dhashay fatahaad uu gaystay webiga Shabeelle
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Cunno xumo iyo go’doon ka dhashay fatahaad uu gaystay webiga Shabeelle

November 5, 2025
Awdal: Daymo ay qaateen beeraleyda tuulada Ruqi oo sababay in ay xirmaan goobo ganacsi
Beeraha Iyo Xoolaha

Awdal: Daymo ay qaateen beeraleyda tuulada Ruqi oo sababay in ay xirmaan goobo ganacsi

April 25, 2025
Galgaduud: Nolol-xumo ka dhalatay daad barakiciyay qoysaskii ku noolaa tuulada Docolley
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Galgaduud: Nolol-xumo ka dhalatay daad barakiciyay qoysaskii ku noolaa tuulada Docolley

May 26, 2024
Dab kale oo burburiyay qayb ka mid ah suuqa Bakaaraha kaas oo sababay burbur dhaqaale
Arrimaha Bulshada

Dab kale oo burburiyay qayb ka mid ah suuqa Bakaaraha kaas oo sababay burbur dhaqaale

May 21, 2024
Next Post
Waraysi aan la yeelanay madaxa hawl galka hay’adda laanqayrta cas ee ICRC ee Puntland

Waraysi aan la yeelanay madaxa hawl galka hay'adda laanqayrta cas ee ICRC ee Puntland

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 20-JAN-2026

IDAACADDA 20-JAN-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 20-JAN-2026
Episode play icon
IDAACADDA 20-JAN-2026
January 20, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 19-JAN-2026
January 19, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-JAN-2026
January 17, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-JAN-2026
January 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-JAN-2026
January 15, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo