Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Cunto-Yaraanta

Qoysas ku go’doonsan Diinsoor oo raashin loo qeybiyay

Radio Ergo by Radio Ergo
March 7, 2016
in Cunto-Yaraanta
0
Qoysas ku go’doonsan Diinsoor oo raashin loo qeybiyay
0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Gargaar cunto qeybin ah ayaa maanta oo Isniin ah lagu soo gabagabeeyay degmada Diinsoor ee gobolka Baay. Waxaa ka faa’ideystay 2,200 oo qoys oo ay haysatay nafaqo-darro iyo cunto-yari ka dhalatay go’doon degmadaas saarnaa tan iyo bishii July ee sanadkii hore.  21 carruur ah ayaa nafaqo-darrida ka jirta degmadaas oo Baydhabo u jirta 120 km u geeriyooday bishii Jannaayo ee sanadkan.

Qoys kasta waxaa la siiyay 75 kg oo masaggo ah, 10 kg oo digir ah, 5 liitar oo saliid ah, 7 kiilo iyo bar boorash ah iyo malmalaato 30 xabbo ah, sida uu sheegay Mukhtaar Jeelle Ibraahim oo ka tirsan mas’uuliyiinta hay’adda maxalliga ah ee Garas. “Bil kasta raashin intaas la eg ayaan qoysaska siin doonnaa saddexda bil ee soo socota,” ayuu yiri Mukhtaar.

Xabiibo Nuur Cali oo haysata 7 carruur ah waxay ka mid tahay dadka ka faa’ideystay deeqda. Waxay Raadiyo Ergo u sheegtay in ay cuntadaas maalmo quudan karaan carruurteeda oo ay gaajada tabar-darreysay, maaddaama ay maalmaha qaar qatooyo ku joogi jireen. “Biyo un baan siin jiray, marka aan wax kale u waayo,” ayay tiri Xabiibo oo leh uur lix bilood ah. Iyada iyo qoysaska kale ee la mid ah waxay codsanayaan in loo joogteeyo gargaarka, maaddaama aysan jirin hab kale oo ay raashin ku heli karaan.

Mukhtaar wuxuu tilmaamay in carruurta shanta sano ka yar, haweenka uurka leh iyo kuwa nuujinaya ay ugu badnaayeen dadka ka faa’idaystay cunto qeybinta oo socotay afar maalin. Wuxuu xusay inay hay’addooda cuntada ka heshay Hay’adda Cuntada Adduunka ee WFP. Diyaarad ayaa gargaarka lagu gaarsiiyay Diinsoor, waxayna cuntada ka soo qaadaysay Muqdisho.

“Hooyooyinka iyo carruurta waxay qarka u saarnaayeen inay macaluul u dhintaan, sidaas daraaddeed kuwa ugu sii daran ayaan soo xulnay, waxaana u qeybinnay cuntada, si gaar ah kuwo nafaqada laga helo,” ayuu yiri Mukhtaar.

Shamso Cabdi Cali oo haysata 8 carruur ah waxay Raadiyo Ergo u sheegtay inay aad ugu faraxday cuntada gargaar ah ee la siiyay. Waxay tilmaantay inay ku soo beegantay xilli ay aad ugu baahnaayeen. “Carruurteyda shan ka tirsan gaajada ayay la caatoobeen,” ayay tiri.

Dadka Diinsoor oo u badan beeraley, sanadihii la soo dhaafay ma helin roob ku filan. Keydkii cuntada ee bakhaarrada ganacsiga oo sii yaraanaya ayaa sababay sicir-barar. Kiilada sokorta ah oo Baydhabo ka joogta 16,000 oo shilin Soomaali ah waxaa Diinsoor lagu kala iibsanayaa 65,000 oo shilin.

(Muxyadiin Xusni/AT)

Content retrieved from: https://radioergo.org/old/blog?1933.

Previous Post

Qiimaha Xoolaha ee Suuqyada Soomaaliya

Next Post

QIIMAHA XOOLAHA EE SUUQYADA SOOMAALIYA

Related Posts

Dalag biyo la’aan awgeed u qalalay oo hubanti la’aan cunno biday beeraleyda Afgooye
Beeraha Iyo Xoolaha

Dalag biyo la’aan awgeed u qalalay oo hubanti la’aan cunno biday beeraleyda Afgooye

September 7, 2026
Qoysas laga raray xeryo ku yaalla Kismaayo oo ka cabanaya shaqo la’aan iyo nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga raray xeryo ku yaalla Kismaayo oo ka cabanaya shaqo la’aan iyo nolol xumo

September 3, 2026
Qiimo kororka shidaalka iyo canshuur dheeri ah oo nolol xumo galiyay danyarta Hargeysa
Cunto-Yaraanta

Qiimo kororka shidaalka iyo canshuur dheeri ah oo nolol xumo galiyay danyarta Hargeysa

September 1, 2026
Qoysas nugul oo ku xoolo beelay roob la’aanta oo ku biiray xero ku taalla Gaalkacyo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas nugul oo ku xoolo beelay roob la’aanta oo ku biiray xero ku taalla Gaalkacyo

August 28, 2026
Xoogsato laga hor istaagay shaqadooda oo Baydhabo ku wajahaya nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Xoogsato laga hor istaagay shaqadooda oo Baydhabo ku wajahaya nolol xumo

August 27, 2026
Hargaysa: Nolol xumo ka dhalatay shaqo joojin lagu sameeyay dad ku tiirsanaa sarifka lacagaha
Cunto-Yaraanta

Hargaysa: Nolol xumo ka dhalatay shaqo joojin lagu sameeyay dad ku tiirsanaa sarifka lacagaha

August 25, 2026
Next Post
QIIMAHA XOOLAHA EE SUUQYADA SOOMAALIYA

QIIMAHA XOOLAHA EE SUUQYADA SOOMAALIYA

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 08-SEP-202

IDAACADDA 08-SEP-202 by Radio Ergo

IDAACADDA 08-SEP-202
Episode play icon
IDAACADDA 08-SEP-202
September 8, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 07-SEP-2026
September 7, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 06-SEP-2026
September 6, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 05-SEP-2026
September 5, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 04-SEP-2026
September 4, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo