Maanta oo ah 1da December maalinta AIDS-ka adduunka ayaa raadiyaha Ergo wuxuu xaaladda dadka qaba cudurka ee ku nool dalka ka wareystay Axmed Xasan jimcaale oo ah guddoomiyaha guddiga la dagaallanka HIV /AIDS ee Soomaaliya. Waxaana Muqdisho ku wareystay Cabdulqaadir Maxamed Cabdulle.
Axmed: Sanadkan 2014ka halkudhiggeenna waa buuxi meesha bannaan, micnaha buuxi kahortagga, daaweynta, aqoonta cudurka, takoorka iyo buuxinta wax walboo ka dhiman hoos u dhigista cudurka.
Ergo:Dadkan la nool xanuunka tiradoodu waa imisa, intaad haysaan?
Axmed: Tirada dadka is muujiyay waa 650 qof, laakiin waxaa jira dad badan oo aan is shaacin. Sababtoo ah waxay ka baqayaan in la takooro.
Ergo: Deegaan ahaan gobollada xaggey u badan yihiin?
Axmed: dhammaan gobollada dalka way joogaan, laakiin Muqdisho ayaa u badan.
Ergo: Kuwa is muujiyay rag iyo dumar dhankey u badan yihiin?
Axmed:Weli nooma kala cadda taas.
Ergo: Daawada helitaankeedu waa sidee?
Axmed: Goobaha laga qaato ma badna, Muqdisho oo laba meel ah, deegaanka Ceeldheer ee gobolka Galgaduud iyo magaalada Marka ee gobolka Shabeellaha hoose.
Ergo: Dadka helidda daawada maku dhibban yihiin mise way heli karaan?
Axmed: Maya daawadu waa bilaash, wayna heli karaan.
Ergo: Maxaad kula talineysaa dadka qaba iyo kuwaan qabinba?
Axmed: Waxaan kula talin lahaa in qofka xaaladdiisa uu ogaado, markaas daawo ayuu helayaa, qofka fiicanna inuu xaaladdiisa ilaashado ayaan kula talinayaa. Bulshadana waxaa looga baahan yahay inaysan walaalahooda takoorin oo aysan faquuqin.
Cabdulqaadir Maxamed Cabdulle/FM









