Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Cunto-Yaraanta

XOOLALAYDA GALGADUUD OO SHEEGAY IN CUDURO HAYAAN XOOLAHOODA

admin by admin
November 28, 2014
in Cunto-Yaraanta
0
XOOLALAYDA GALGADUUD OO SHEEGAY IN CUDURO HAYAAN XOOLAHOODA
0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

Xoolada dhaqatada ku nool tuulooyinka dhinaca woqooyi ee gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in xilligan ay xooluhu la ildaranyihiin cuduro ku dhacay, kuwaas oo hoos u dhigay nacfigoodii, xilli ay jrto roob yari iyana saamaysay nololsha reer guuraaga.

Sacdiyo Macalin oo ka mid ah xoolo dhaqatada ku nool deegaanka Dhuumoodle oo dhinaca Galbeed Cadaado ka xiga 25-Km ayaa Ergo u sheegtay calaamadaha ay ku arkeen Xoolaha.

Waxayna tiri “Neefka afka ayaa nabaro ka soo baxayaan ma daaqayo, meel ayuu iska fariisanayaa sidaas ayuu ku dhimanayaa ama waa dareerayaa, mana haysano cid xoolaha noo dawaysa”.

Jirada xoolaha ka sokow reer miyiga gobolka Galgaduud qaar kood ayaa xilligan ku jira hayaan ay xoolohooda doog ugu raadinayaan, iyadoo roobkii xilliga dayrtu ku yar yahay dhinaca waqooyi ee gobolka, iyagoo u hayaamaya galbeedka.

C/llahi Xasan Cali waxa uu ka mid yahay dadka guuraya, qoyskiisa oo daganaa deegaanka Wad oo 30-KM dhinaca woqooyi ka xiga Cadaado ayuu ka soo guuray, isagoo ku jihaysan degmada Xeraale ee isla gobolka oo roob wanaagsani helay. Waxa uu ilmihii iyo aragiisii ku soo qaatay gaari looga kireeyay $400, waxan ku waraystay dusha gaariga isagoo goor barqo ah ka sii gudbaya magaalada Cadaado.

Waxa uu yiri “Meesha aan u socono xoolo lug laguma gaarsiin karo sidaas ayaan gaariga ugu soo guuray, xooluhu waa caato weyna jiranyihiin oo hadda cad mooyee caano malahan, waxaa kaloo aan ku aragnay xoolaha cuduradda sambabka iyo furuq, wuxuuna ku dhacayaa adhiga iyo geela.

Nuur Xuseen Ducaale oo ah takhtar xanaanada xoolaha ayaa isna Ergo u sheegay in gobolka galbeedkiisa ay xoolo dhaqatadii isugu tageen, dadkiina waa ka bateen, shilintii ayaa kacday, xoolo shubmaya ayaa jira, cudurka afgarfowga ayaa isna haysta, dadku cabeeb ayey u malaynayaan mase ahan, sidoo kale cudurka sababka ayaa isna meelaha qaar ka jiraan, Nuur ayaa sheega in afka neefku uu qaadayo caabuq badan oo u uusan neefku daaqi karin.

Takhtar Nuur ayaa kula taliyey dadka xoolo dhaqatadda in cudurkaani daawo leeyahay, oo ay raadiyaan takhaatiir caafimaad, sidoo kale xoolo dhaqatadda ayuu kula taliyey inay dadku talaashaan xoolaha, Reer Miyiga oo hadba u wada guura meelaha roobabka sanadkan ka da’een oo keentay in ay noqdaan dhulkaasi ciriiri ayaa ka mid ah waxyaabaha loo sababaynayo cudurada ay xooluhu isqaadsiiyeen.

Maxamuud Cabdi

Previous Post

Degaanka gerijir oo laga hirgeliyey xarrun caafimaad

Next Post

WAREYSI KU SAABSAN XAALADDA DADKA LA NOOL FAYRASKA HIV EE SOOMAALIYA

Related Posts

Dalag biyo la’aan awgeed u qalalay oo hubanti la’aan cunno biday beeraleyda Afgooye
Beeraha Iyo Xoolaha

Dalag biyo la’aan awgeed u qalalay oo hubanti la’aan cunno biday beeraleyda Afgooye

September 7, 2026
Qoysas laga raray xeryo ku yaalla Kismaayo oo ka cabanaya shaqo la’aan iyo nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga raray xeryo ku yaalla Kismaayo oo ka cabanaya shaqo la’aan iyo nolol xumo

September 3, 2026
Qiimo kororka shidaalka iyo canshuur dheeri ah oo nolol xumo galiyay danyarta Hargeysa
Cunto-Yaraanta

Qiimo kororka shidaalka iyo canshuur dheeri ah oo nolol xumo galiyay danyarta Hargeysa

September 1, 2026
Qoysas nugul oo ku xoolo beelay roob la’aanta oo ku biiray xero ku taalla Gaalkacyo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas nugul oo ku xoolo beelay roob la’aanta oo ku biiray xero ku taalla Gaalkacyo

August 28, 2026
Xoogsato laga hor istaagay shaqadooda oo Baydhabo ku wajahaya nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Xoogsato laga hor istaagay shaqadooda oo Baydhabo ku wajahaya nolol xumo

August 27, 2026
Hargaysa: Nolol xumo ka dhalatay shaqo joojin lagu sameeyay dad ku tiirsanaa sarifka lacagaha
Cunto-Yaraanta

Hargaysa: Nolol xumo ka dhalatay shaqo joojin lagu sameeyay dad ku tiirsanaa sarifka lacagaha

August 25, 2026
Next Post
WAREYSI KU SAABSAN XAALADDA DADKA LA NOOL FAYRASKA HIV EE SOOMAALIYA

WAREYSI KU SAABSAN XAALADDA DADKA LA NOOL FAYRASKA HIV EE SOOMAALIYA

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 07-SEP-2026

IDAACADDA 07-SEP-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 07-SEP-2026
Episode play icon
IDAACADDA 07-SEP-2026
September 7, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 06-SEP-2026
September 6, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 05-SEP-2026
September 5, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 04-SEP-2026
September 4, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 03-SEP-2026
September 3, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo