Daryeel waa urur dhalinyaro jaamiciyiin ah oo ka dhisan koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya kana shaqeeya la talinta ardayda soo dhamaysatay dugsiyada sare iyo inay u raadiyaan wax barasho jaamacadeed, sidoo kale waxay siiyaan tababaro ku aadan dhisidda xirfadda qofka.
Ururkan ayaa la aasaasay bishii May 2012, gudoomiye ku xigeenka ururkan Ismaaciil Isxaaq Xasan ayaa Ergo u sheegay in dhalinyaro badan oo soo dhamaystay wax barashada dugsiga sare oo aan awoodin in ay ku biiraan jaamacadaha dhaqaale xumo darteed qaarkoodna ay ku guul daraysteen sii wadidda jaamacadda, ay siiyaan talooyin iyo sidoo kale fursado ay ku helaan jamacad, haddana ay ku guulaysteen in 800 oo arday ay geeyeen jamacado kala duwan oo ku yaal Muqdisho muddo laba sano ah.
Mahad Nuur Xaaji Cismaan wuxuu ka baxay dugsiga sare ee Abuu xaniifa waana mid ka mid ah ardayda fursadahaan ka faa’iidaystay, muddo sanad ah wuxuu ahaa mid aan jaaamcad ku biirin arin la xariirta dhaqaalaha reerkiisa oo aan awoodin in ay ka bixyaan, wuxuuna Ergo u sheegay in sanad ka dib uu ku biiray jaamacadda Jobkeey ka dib markii ay waxbarsho bilaash ah ay ka caawiyeen dhalinyaradan jaamiciyiinta ee Daryeel, isagoona sheegay in nin ay saxiibo yihiin u sheegay hawlaha ururkaan, sidaas ayaana ii soo baxday, annigoo hadda barta arrimaha maamulka iyo maaraynta sanadkii labaad.
Maryam Maxamed Xuseen iyana waa gabadh ka mid ah kuwa ka faa’iidaystan fursadahaan, waxay hadda ka barataa jaamacadda Horseed maamulka iyo ganacsiga waxayse soo martay duruufo adag oo ka reebay inay aado waxbarasho sare, waxayna Ergo u sheegay inaysan marna ku fekereyn inay hesho jaamacad lacag la’aan ah, waanse helay, haddana waxaan bartaa arrimaha ganacsiga annigoo dhigta Jaamacadda Horseed, runtiina waa fursad aad u wanaagsan, waxayna intaas ku dartay in reerkooda oo ka kooban 14 carruur ah aysan awoodin in ay waxbarsho ka bixiyaan, mana aadan badi wax iskuulo carruurteenu.
Ismaaciil Isxaaq ayaa Ergo u sheegay inaysan jirin cid ay taageero dhaqaale ka helaan, ayse la xiriiraan jamacaddaha oo ka raadinaa fursado si aan uga faa’iidayno ardayda aan iska bixin karin, sidoo kale UNICEF ayaa iyana naga taageerta dhinacyada agabka hay’adda ku baxa ee buugtu ka mid tahay, waxaan leenahay xarun lagu shiro todobaad kasta waxaan isu keenaa ilaa 4 boqol oo arday oo u baahan jaamacaddo, 9 jamacadood oo Muqdisho ku yaal ayaanan xiriir la leenahay oo runtii iyaga aan uga raadino waxbarasho lacag la’aan ah kuwa ka soo jeeda qoysaska danta yare e aan iska bixin karin siino.
Abdulkaadir Mohamed Abdulle









