Xarunta lagu xanaaneeyo dadka dhimirka la ee ku taala magaalada Baydhabo,waxaa haatan jiifta 45-ruux oo rag ah iyo 48-kale dumara, guriyaha lagu hayo oo isla xarunta Baydhabo ay ku xanaaneyso guriyahooda, hase ahaatee waxaa xiliyan danbe soo food saartey xaalad daawo la,aan ah.
Aadan Cabdiraxmaan Jantalman waa madaxa xarunta dhimirka ee Baydhabo, ayaa weriyaha Ergo ee Baydhabo u sheegay.
“Runtii xaruntan waa mid u taagan iney u adeegto dadka dhimirka looga jiro, tan iyo 2010-kii ayaa howshan soo wadney, laakin hadda daawa la,aan ayaa jirta waana dhibaato, hay,ad gaar ah oo dawo nasin jirtey ma jirto, bulshada ayaa lacag ka aruurin jirney mudo ayay nala wadeen lakin culeys ayay ku noqotey.”
Dr, Aadan ayaa intaas ku daray, in dadku aysan joogtayn karin hawl ay bilaabeen taasina ay ugu wacan tahay xasilooni daridda dhaqaalaha ee bulshada haysata, tan kale bukaanadana tiradooda aad ayay u korortey marka taas ayaa keentey in dawada go,do, isagoona sheegay in dadka ku jira goobta ay u badan yihiin dhalinyaro ka xanuunsaday dhimirka taasoo ay badi u keentay dagaaladii wadanka ka dhacay oo ay ku waayeen eheladooda.
Bakar Cali Gurey oo ka mid ah waalidiinta dhalintooda lagu xananeeyo xarunta ayaa Ergo u sheegay, “Halkaan waxaa mudo hada laga jogo 5-bilood aan keeney wiil walaalkey ah, aad ayaan uga wal walney dawada xarunta ka go,adey, waxaan ka codsaneynaa hay,adaha iney soo badbadiyen dhalintan dawo lasoo gaaran.”
Cabdiraxmaan Maxamed Kheyr oo takhtar dhinaca cuduradda dhimirka ah ayaa isaguna sheegay, “Dhibaatadii horey u jirta ayaa imaaneyso haddii halkan dawo loo helin oo magaalada lagu fasaxo dadkaan xanuusan, waayo waa dad bad baado u baahan, bulshada iyo iyaga dhib ayaa dhaxmarayo, waayo inta la qabto ayaa la iska garaaca ama sil silado ayey ku xiraan waxna ma siiyaan marka waxan leeyahay dadkan haloo raadiyo cisbitaal caalami ah.”
Inkastoo tiro badan lagu hayo xarunta dhimirka ee magaalada Baydhabo daawadii bukaanadas la siin jireyna ay gabaabsi yihiin ayaa waxaa dhanka kale magaalada ku soo kordhaya dad hor leh oo dhimirka looga jiro kuwaas oo wadooyinka magaalada lagu arkayo.
Muxidiin Xusni











