Howl-wadeennada caafimaadka ee degmada Cadaado ee gobolka Galgaduud ayaa sheegay in labadii toddobaad ee la soo dhaafay isbitaalka la soo gaarsiyey 40 carruur ah oo ay ka muuqato nafaqo darro kuwaasoo badankooda laga keenay miyiga iyo tuulooyinka oo ka soo jeeda qoysaska xoolo dhaqatada ah.
Khadro Xasan Warsame oo ah dhaqtarad ka hawlgasha isbitaalka guud ee Cadaado ayaa Radi Ergo u sheegtay in carruurta ay la liitaan nafaqa darro ay sababeen cudurro kale sida shubanka iyo malaariyada, “ Carruurta badan kooda waxaa laga keenay tuulooyin fog fog oo aan lahayn adeeg caafimaad, waalidiintuna waxay keenaan carruurta goorta xaaladisii xumaato oo aan wax laga qaban karin”
Laylo Salaad Geesey oo ah hooyo wiil ay dhashay oo 10 bilood jira kula jirta cisbitaalka ayaa Ergo u sheegay in wiilkeeda uu xanuunsanaa 7 bilood,” Waxaan ka imaaday tuulada Cadde-kibir wiilkayga markii hore waxaan ka gubnay xanuunka cagaarshwoga mana gayn wax dhaqtar ah kadibna shuban baa ku dhacay sidaa ayaan cisbitaalka u keenay waxaan la ii sheegay in nafaqo darro ay hayso hadana wuu roonyahay oo daawo iyo nafaqayn kale ayuu qaatay.”
Cabdiqaadir Cumar Maxamed wuuxuu ibitaalka ku hayaa wiil uu dhalay dhawr maalmood wuxuuna ka keenay tuulo lagu magacaabo Laawayn oo cadaado u jirta 55 KM wuxuuna Ergo u sheegay in wilkiisa uu ku arkay markii hore shuban, qufac iyo matag 7 cisho kadibna uu keenay cisbitaalka balse waxaa lagu sheegay nafaqo darro.
Dhaqtarad Khadro ayaa sheegay inay u sameeyana waalidiinta carruurta wacyi galin ah in marka ugu horreysa ee xanuunka lagu arko ilamaha la keeno magaalada ugu dhaw ee xarun caafimaad leh si looga hor tago in xanuuno kale yimaadaan.
Xoolo dhaqatad ayaa xilligan wajaha jilaal kulul ayadoo dayrtii ka da’day deegankaasna ay ku yarayd, taasoo keentay in nacfiga wakhtigaan laga helo xoolaha uu noqdo mid aad u yar.
Maxamuud Cabdi Diirshe










