Wasaaradda arrimaha bulshada ee maamulka Ximan iyo Xeeb oo waxaada caafimaadka ay hoostagto ayaa sheegtay inay bilowday qorshe ay ku doonayso inay ku tayeyso adeegga caafimaadka ee ka jira deegaannada uu ka arrimiyo maamulkaas, gaar ahaan kuwa gaarka loo leeyahay.
Wasiirka arrimaha Bulshada ee maamulka Ximan iyo Xeeb Cumar Maxamed Diiriye ayaa sheegay in bulshadu dhibaato ku qabto hawl wadeeno caafimaad oo aan lahayn aqoon kuwasoo daaweyn ay sameeyeen ay dad dhibaato u geysatay, talaabadan ayaa ku aadan la socoshada adeegyada caafimaadka ee deegaanka ka jira oo ay ugu horayso sidi loola socon lahaa aqoonta saxda ah ee ay sheeganayaan dhaqaatiirta caafimaadka ee ka hawlagala goobaha gaarka loo leeyahay iyo dawooyinka ay u qoraan bukaanada.
Wuxuu intaa ku daray in dhammaan goobaha caafimaad iyo dadka ka hawla loo samnaynayo waraaqo aqoonsi marka la hubiyo warqadaha tacliinta ah ee ay wataan si looga hortago waxyeelada dawaaooyinka dhacay iyo kuwa sida khaldan u siin karaan bukaanadda, goobaha hadda la beegsanayo ayaa waxaa ka mid ah farmashiyaasha iyo bukaan socod eegtada.
Cabdullaahi Cali Waate oo ah qof dhibaato ka soo gaartay daawo si khaldan loo siiyey ayaa Raadiyaha Ergo u sheegay “waxaa igu dhacay kor cun cun dhaqtar baan u tagay wuxuuna ii sheegay inuu i hayo xanuunka alarjiga loo yaqaan wuxuuna isiiyey kiniin, markii aan iticmaalay waxaan ka qaaday xanuun kale oo ah in aan bararo, muddo dheer ayeyna qaadatay in la iga daweeyo xanuunka ay sababtay daawada aan isticmaalay.”
Sheekh Maxamed Guuleed Kaynaan oo ka mid ah culimada deegaanka ayaa Ergo u sheegay in dhaqaatiirta qaarkood ay bukaanka ku sheegeen xanuun uusan qabin, sida walaashay oo kale buro ayaa ka soo baxday ilmo galeenka xanuun badan bay ku haysay, dhaqtar jooga magaalada Cadaado baan u geeyey daawo ayuu siiyey waxba uma tarin, mar 2-aad ayaan dhaqatar u geynay waxaana sheegay ilmo dhintay uu ku jiro calosheeda, mar 3-aad dhaqatar xamar ah ayaa la geeyey wuxuu ku sheegay buro inay ku taalo wuuna qalay wayna fiicnaatay, marka maamulku waa in u wax ka qabtaa dadkan sheeganaya aqoonta caafimaad hadana aan wax garanayn ee shacabka dhibaatayna ayuu yiri.
Mahan gabadhan oo kaliy awaxaa jira dad badan oo dhibaato kala kulma dawooyinka iyo aqoonta liidatada ee dhaqaatiirta qaar ayuu ku daray hadalkiisa.
Maxamuud Cabdi Diirshe/FO








