Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Cunto-Yaraanta

QOYSAS QASAB LOOGA SAARAY DHUL BEEREED LAGU MURANSANYAHAY

admin by admin
November 4, 2014
in Cunto-Yaraanta
0
QOYSAS QASAB LOOGA SAARAY DHUL BEEREED LAGU MURANSANYAHAY
0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

Ciidamada booliska ee degmada Afgooye ayaa 70 qoys si qasab ah uga saaray dhul beereed ku yaal inta u dhaxeysa tulooyinka Raqeyle iyo Mooro-diinle ee gobolka Shabeelaha hoose bartamihii bishii hore.

Maxkamada gobolka ayaa dhulkan oo dhan 128 hiktar lahaanshiyahiisa u xukuntay  Cismaan Jaamac Yuusuf oo qurbaha kasoo noqday sanooyin kadib.

Laakiin Abuukar Nuur Maxamed oo ah askari howlgab ah oo 90 sanno jir ayaa raadiyoow Ergo u sheegay in dhul beereedku yahay dhaxal awoowe oo fac ka fac ay milkiyadeeda lahaayeen.

“Aniga oo beerteyda fadhiya ayey ciidamadu si kedis ah nagu dulyimaadeen, waxeyna bilaabeen inay xoog nooga saaraan. Wax digniin ah iyo wax dacwad oo aan horey uga qeybgalnayna ma jirin,” ayuu yiri Abuukar oo in ka badan 35 sanno ka tirsanaa ciidamada miltiriga.

Baashi Mukhtaar Axmed oo ah 60 sanno jir ka mid ah qoysaska dhul beereedka laga saaray ayaa sheegay in ciidamada dowladda ay burburiyeen dalagyadii beerta ka baxayay oo isugu jira khudaar iyo tacab kale. Baashi wuxuu intaa ku daray in ciidamadu ay sidoo kale rarteen matooro beerta lagu waraabin jiray.

Qoysaska laga raray dhul beereedkan waxay sheegayaan in aysan jirin cid horey dacwad uga soo gudbisay ama kiis maxkamad yaalay oo ay ka qeyb-qaateen. Laakiin gudoomiyaha maxkamada gobolka Shabeelada Hoose Barre Cusmaan Xuseen wuxuu Raadiyoow Ergo u sheegay in dadka dhulka ku heysta Cismaan Jaamac Yuusuf oo afar qof ah ay diidayeen inay maxkamada hor yimaadaan si kiiska loo dhageysto muddo ka badan labo bilood.  Barre wuxuu sheegay intaa kadib markii maxkamadu aragtay warqada uu soo bandhigay Cusmaan ay go’aansatay in lahaanshiyaha dhulka u xukmiso.

Cismaan Jaamac Yuusuf oo la hadlay weriyaha Ergo wuxuu sheegay in dhulka uu iibsaday 1979 oo uuna degannaa ilaa dowlad burburkii oo ku beegan 1991.  Wuxuu xusay in markii uu qurbaha kasoo noqday dhowr sanno kahor uu arkay dhulbeereedkiisii oo ay dad kale tabcanayaan, kadibna  uu qaarkood la xaajooday oo ay aqbaleen inay dhulka baneeyaan, halka kuwo kale ay diideen. “Go’aanka maxkamada waa mid xaq ah oo dhulkeyga dib leygu soo celinayo,” ayuu yiri Cismaan.

Doodaha la xariira lahaanshiyaha dhul aad bey kordhayeen dhowrkii sanno ee ugu dambeeyay. Waxeyna adag tahay in si sahlan loo aqoonsado cidda sida dhabta ah u leh dhulalka la isku heysto maadaama waaxda dhul bixinta aysan shaqeyneynin muddo ka badan 20 sanno.

Xabdi Cabdullaahi/FO
Previous Post

Roobab ka da’ay xudur oo sababay barakac

Next Post

FAMILIES THROWN OFF AFGOYE FARM AS COURT RULES ON LAND DISPUTE

Related Posts

Dalag biyo la’aan awgeed u qalalay oo hubanti la’aan cunno biday beeraleyda Afgooye
Beeraha Iyo Xoolaha

Dalag biyo la’aan awgeed u qalalay oo hubanti la’aan cunno biday beeraleyda Afgooye

September 7, 2026
Qoysas laga raray xeryo ku yaalla Kismaayo oo ka cabanaya shaqo la’aan iyo nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga raray xeryo ku yaalla Kismaayo oo ka cabanaya shaqo la’aan iyo nolol xumo

September 3, 2026
Qiimo kororka shidaalka iyo canshuur dheeri ah oo nolol xumo galiyay danyarta Hargeysa
Cunto-Yaraanta

Qiimo kororka shidaalka iyo canshuur dheeri ah oo nolol xumo galiyay danyarta Hargeysa

September 1, 2026
Qoysas nugul oo ku xoolo beelay roob la’aanta oo ku biiray xero ku taalla Gaalkacyo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas nugul oo ku xoolo beelay roob la’aanta oo ku biiray xero ku taalla Gaalkacyo

August 28, 2026
Xoogsato laga hor istaagay shaqadooda oo Baydhabo ku wajahaya nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Xoogsato laga hor istaagay shaqadooda oo Baydhabo ku wajahaya nolol xumo

August 27, 2026
Hargaysa: Nolol xumo ka dhalatay shaqo joojin lagu sameeyay dad ku tiirsanaa sarifka lacagaha
Cunto-Yaraanta

Hargaysa: Nolol xumo ka dhalatay shaqo joojin lagu sameeyay dad ku tiirsanaa sarifka lacagaha

August 25, 2026
Next Post
QOYSAS QASAB LOOGA SAARAY DHUL BEEREED LAGU MURANSANYAHAY

FAMILIES THROWN OFF AFGOYE FARM AS COURT RULES ON LAND DISPUTE

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 07-SEP-2026

IDAACADDA 07-SEP-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 07-SEP-2026
Episode play icon
IDAACADDA 07-SEP-2026
September 7, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 06-SEP-2026
September 6, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 05-SEP-2026
September 5, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 04-SEP-2026
September 4, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 03-SEP-2026
September 3, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo