
Wasaaradda caafimaadka Soomaaliya oo gacan ka heleysa qaar ka mid ah hay`adaha QM ayaa wada olole dadka looga wacyi gelinayo nadaafad xumada, iyadoo maanta 19ka Nofembar ay tahay maalinta ka wacyi gelinta nadaafad-xumada.
Wareysi uu raadiyo Ergo la yeeshay Dr. Yaasiin Cabdi Jaamac oo ah sarkaal wasaaradda caafimaadka ee Soomaaliya u qaabilsan nadaafadda iyo biyaha ayaa sheegay in cudurrada uur-ku jirta sida shuban-biyoodka iyo koleeraha iyo dabeysha %60 lagu xaddidi karo in nadaafadda la hagaajiyo.
“Sanad walba waxaa dalkeenna ka dillaaca cudurrada shuban-biyoodka, kaasoo carruur badan laaya, sidaa daraaddeeda waxaan go`aansannay si loo yareeyo c udurradaas inaan diiradda saarno wacyi-gelinta nadaafadda. Waa nasiib darro bulsho ay nadaafad-darro laynayso,” ayuu yiri.
Dr. Yaasiin ayaa sheegay in meelaha wacyi-gelinta xoogga lagu saarayo ay ka mid yihiin xeryaha barakacayaasha, iskuullada iyo bulshooyinka deggan meelaha webiyada, meelahaasoo uu ku tilmaamay meelaha inta badan ay nadaafad-darrada ay ka dhacdo.
Wuxuu sheegay in sidoo kale sanadkii lasoo dhaafay ku dhowaad 200 oo qof Soomaaliya gudaheeda uu ku dhacay cudurka dabeysha, cudurka dabeyshana inta badan uu ku gudbo saxarada, taasoo nadaafad-darro salka ku haysa.
“Sanadkii lasoo dhaafay ee 2013-kii aad bay u badneyd tirada dadka uu soo ritay dabeysha, waxaana ugu darnaa gobollada bartamaha-koofureed, waxaana sababay barakaca badan, barakacana waxaa ka dhasha nadaafad darro, sida musqulaha oo ku yar barakacayaasha, balse sanadkan way yartahay tirada, waxaana rajeyneynaa in sanadaha soo socda aan ku guuleysanno yareynta halista dabeysha,” ayuu hadalkiisa ku daran dhaqtar Yaasiin.
Wuxuu sheegay in habka xakameynta khashinka iyo nadaafad-darrada dalka uu lito, meelaha biyaha roobka ay ku jiraan ee xaafadaha ku dhex yaalla ay u baahan yihiin in laga bixiyo, ama mar walba laga buufiyo cayayaannada fayraska gudbiya, balse taas ay xallinteedu qaadaneyso waqti dheer, maaddaama dalka uu ku jiray burbur. Wuxuuse ugu baaqay bulshada inay fahmaan dhibaatada uga imaan karta biyaha wasakhda ah ee ku hareereysan isla markaana ay iska kaashadaan sidii ay wax uga qaban lahaayeen.
Dr. Yaasiin ayaa ugu baaqaya bulshada in qof walba uu iska xil-saaro hagaajinta nadaafadda qoyskiisa, markaasna ay imaaneyso in bulshadoo dhan ay ku noolaato caafimaad.
Khubarrada caafimaadka ayaa sheegaya in nadaafad-xumada ay xiriir la leedahay xanuunnada ku dhaca uur-ku jirta iyo cudurka dabeysha, kuwaasoo meelaha ugu badan ee ay ka jiraanna lagu sheegay xerooyinka barakacayaasha.
Cabdulqaadir Maxamed Cabdulle/FM








