Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Cunto-Yaraanta

BEEROLLEYDA LAASCAANOOD OO KA CABANAYA XANUUNNO CURYAAMIYAY DALAGYADOODA

admin by admin
November 5, 2014
in Cunto-Yaraanta
0
BEEROLLEYDA LAASCAANOOD OO KA CABANAYA XANUUNNO CURYAAMIYAY DALAGYADOODA
0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

Beeralleyda magaalada Laascaanood ee gobolka Sool ayaa ka cabanaya xanuunno ku dhacaya dalagayadey beertaan, taasoo aysan aqoon waxa sababay iyo qaab loola tacaalo toona.

Beeralleyda deegaanka Waqdari oo Laascaanood dhanka koofureed kaga beegan 4km ayaa  Ergo u sheegay in muddo sanado ah ay dhibaato ku qabaan xanuunno ay ka mid tahay malabisada, oo qallajisa geedaha, iyo cayayaanno ku dhalanaya.

Farxiya Ibraahim Cali oo ah hooyo haysata 6 carruur ah, kana mid ah beeralleydaas ayaa sheegtay in muddo 7 sano ah ay dhibkan qabtay, iyadoo sheegtay inay haatan iska deysay inay beerteeda ku beerto khudaarta iyo dalagyo kaleba, “Beertan ayuu dhaqaalaheenna ku tiirsanaa, oo aan nolsheenna ka soo saaran jirnay, balse in muddo ah hadda waxba lagama helo, wixii aad beertaba xanuun baa ku dhacaya, annagana beeralley aan aqoon lahayn baan iska nahay, wax fakrad ah kama heysanno sida loola tacaalo,” ayay tiri Farxiyo.

“Waan heysannaa matoorro, biyo iyo dhul beereed wanaagsan, balse xanuunnadan baan si aan yeelno garan la` nahay, waxaa jira beeralley intay dhul badan dalag ku beerteen uu ka khasaaray oo qarash badanna uu ka galay, oo haatan faraha isaga qaaday.” Ayay hadalkeeda sii raacisay.

Khadiijo Maxamuud Xasan oo muddo ka badan 20sano ahayd beeralley, ayaa haatan qorsheyneysa inay beerteeda iska iibiso, maaddaama aysan ka heleynin wax faa`iido ah, balse keliya ay uga baxdo xoog iyo shidaal.

Maxamed Cabdillaahi Ow-Xasan oo ka mid ah beeralleydaas ayaa isagana sheegay inay u baahnaan lahaayeen in khubarrada beeraha ay kala taliyaan una sheegaan halkay cilladdu ka taagan tahay, “Liin dhanaanta iyo yaanyada oo dakhli badan uu naga soo geli jiray ayaan hadda joojinnay inaan beeranno, sababtoo ah, geeduhu way qallalayaan oo miro maba dhalayaan, haddii ay cilladdu tahay dhulka lagu beeray iyo haddey miraha abuurka yihiin ma kala naqaanno” Ayuu yiri.

Cabdikariin Olol/FM

Previous Post

DAD UU SOO RITAY SHUBAN BIYOODKA OO LA JIIFIYAY ISBITAALKA KISMAAYO

Next Post

Dad uu soo ritay shuban biyoodka oo la jiifiyay isbitaalka Kismaayo

Related Posts

Dalag biyo la’aan awgeed u qalalay oo hubanti la’aan cunno biday beeraleyda Afgooye
Beeraha Iyo Xoolaha

Dalag biyo la’aan awgeed u qalalay oo hubanti la’aan cunno biday beeraleyda Afgooye

September 7, 2026
Qoysas laga raray xeryo ku yaalla Kismaayo oo ka cabanaya shaqo la’aan iyo nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga raray xeryo ku yaalla Kismaayo oo ka cabanaya shaqo la’aan iyo nolol xumo

September 3, 2026
Qiimo kororka shidaalka iyo canshuur dheeri ah oo nolol xumo galiyay danyarta Hargeysa
Cunto-Yaraanta

Qiimo kororka shidaalka iyo canshuur dheeri ah oo nolol xumo galiyay danyarta Hargeysa

September 1, 2026
Qoysas nugul oo ku xoolo beelay roob la’aanta oo ku biiray xero ku taalla Gaalkacyo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas nugul oo ku xoolo beelay roob la’aanta oo ku biiray xero ku taalla Gaalkacyo

August 28, 2026
Xoogsato laga hor istaagay shaqadooda oo Baydhabo ku wajahaya nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Xoogsato laga hor istaagay shaqadooda oo Baydhabo ku wajahaya nolol xumo

August 27, 2026
Hargaysa: Nolol xumo ka dhalatay shaqo joojin lagu sameeyay dad ku tiirsanaa sarifka lacagaha
Cunto-Yaraanta

Hargaysa: Nolol xumo ka dhalatay shaqo joojin lagu sameeyay dad ku tiirsanaa sarifka lacagaha

August 25, 2026
Next Post
Xarun lagu xannaaneeyo gabdhaha agoonta ah oo laga furay Boondheere

Dad uu soo ritay shuban biyoodka oo la jiifiyay isbitaalka Kismaayo

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 08-SEP-202

IDAACADDA 08-SEP-202 by Radio Ergo

IDAACADDA 08-SEP-202
Episode play icon
IDAACADDA 08-SEP-202
September 8, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 07-SEP-2026
September 7, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 06-SEP-2026
September 6, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 05-SEP-2026
September 5, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 04-SEP-2026
September 4, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo