Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Caafimaadka

OLOLAHA TALLAALKA DABEYSHA IYO JADEECADA OO KA BILOWDAY GOBOLKA BARI

admin by admin
October 29, 2014
in Caafimaadka
0
PUNTLAND OO KA DIGTAY HALISTA CUDURKA DABAYSHA
0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

Ololaha cirribtirka cudurka dabeysha iyo kan ka hortagga jadeecada oo wada socda ayaa ka bilowday deegaannada gobolka Bari, wuxuuna socon doonaa muddo 5 maalmood ah, iyadoo lagu beegsan doono carruurta ay da`doodu ka yar tahay 5ta sano.

Saciid Maxamed Waraabe oo ah isu-duwaha wasaaradda caafimaadka ee gobolka Bari ayaa Ergo uga warramay sababta la isugu daray labada tallaal, “sababta la isugu daray labada tallaal waxay tahay in dillaacitaan badan oo xanuunka dabeysha ah uu kusoo laalaabtay guud ahaan Soomaaliya, marka waxaa dardar gelin lagu waday cirribtirkiisa, jadeecadana waa xanuun weli ka jira dalka, sidaas baa la isugu daray in looga hortago inay carruurta ku dhacaan.” Ayuu yiri Saciid.

Ilaa 306 koox isugu jirta tallaalayaal iyo wacyigeliyeyaal ayay wasaaradda caafimaadka u dirtay deegaannada Bari, kooxahaa ayaa guri-ka-guri u fulinaya tallaalka oo carruurta iyo hooyooyinka ugu tegaya xaafadaha, iyagoo isla markaana ku dhiirri gelinaya waaliddiinta inay mar walba tallaalaan carruurtooda.

Joharo Muuse oo ka mid ahayd hooyooyinka carruurtooda loo tallaalay ayaa sheegtay inay weligeedba carruurteeda tallaali jirtay ayna aaminsan tahay. “Tallaalku weligeyba waan jeclaa, waxaan ogahay inuu faa`iido badan leeyahay waanan la socdaa inuu ka hortago cudurro badan, hadda carruurteydu way ii caafimaad qabaan.”

Caa`isha Cali Maxamed oo afar ka mid ah carruurteeda loo tallaalay ayaa sheegtay inay bilowday oggolaatay tallaalka kadib markii 6 sano kahor ay gabadh ka mid ah carruurteeda u naafowday dabeysha, “Markii hore laba ka mid ah carruurteyda ayaan tallaalay, mid ka mid ah labada aan tallaalin oo gabar ah aya naafowday, markaas baan go`aansaday inaan mar walboo ololuhu uu socdo tallaalo dhammaantood,”

“Gabadheyda hadda waxba lagama qaban karo oo waa naafowday, laakiin waaliddiinta waxaan ku waanin lahaa inay carruurtooda ka difaacaan inay naafoobaan, waa laba dhibcood keliya oo aan dhib lahayn.”  Ayay mar kale tiri Caa`isha.

Khadra Maxamed Xasan/FM

Previous Post

Ololaha tallaalka dabeysha iyo jadeecada oo ka bilowday gobolka Bari

Next Post

Sheekada Cabdilaahi Maxamed Ducaale oo ah naafo labada gacmood go’an kan qalinjabiyey jaamacadda

Related Posts

Boqollaal qof oo la ildaran shuban-biyood iyo daawo yari ka jirta Jubbada hoose
Caafimaadka

Boqollaal qof oo la ildaran shuban-biyood iyo daawo yari ka jirta Jubbada hoose

July 21, 2026
blank
Caafimaadka

Cudurka Sonkorowga oo saamayn nolol xumo ku haya qoysas danyar ah oo ku nool Gabiley

June 3, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Umulisooyin daryeel iyo talooyin caafimaad u sameeya haweenka ku nool Dhadhaab

January 13, 2026
blank
Caafimaadka

Nolol xumo iyo daryeel la’aan isku biirsaday qoys ku nool Shabeellaha dhexe

December 1, 2025
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dayac iyo nolol xumo haysata dadka qaba xaaladda dhimirka ee ku nool Dhadhaab

November 3, 2025
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dhibaato ka dhalatay xarumo caafimaad oo ka xirmay dad barakac ku ah Baydhabo

September 8, 2025
Next Post
Sheekada Cabdilaahi Maxamed Ducaale oo ah naafo labada gacmood go’an kan qalinjabiyey jaamacadda

Sheekada Cabdilaahi Maxamed Ducaale oo ah naafo labada gacmood go'an kan qalinjabiyey jaamacadda

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 09-SEP-202

IDAACADDA 09-SEP-202 by Radio Ergo

IDAACADDA 09-SEP-202
Episode play icon
IDAACADDA 09-SEP-202
September 9, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 08-SEP-202
September 8, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 07-SEP-2026
September 7, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 06-SEP-2026
September 6, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 05-SEP-2026
September 5, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo