Maamulka Puntland ayaa sharci u sameeyey tayeynta caafimaadka, iyadoo laga hortagayo dawooyinka dhacay iyo takhaatiirta aan aqoonta wanaagsan lahayn ee haddana dadka daaweeyo, kuwaas oo qaarkood dhibaato u geysta dadka.
DR Cabdi Cartan oo ah madaxa guddiga takhaatiirta Puntland ayaa Ergo u sheegay inay sameeyeen diiwaan galin ku saabsan dhaqaatiirta aqoonta leh iyo kuwa aan lahayn aqoonta caafimaad ee dadka dhibaateynaya, baaritaan ay sameeyeenna ku ogaadeen inay jiraan dad sheeganaya aqoon caafimaad oo bukaannada u qora daawooyin khalad ah, iyo farmashiyayaal iyaguna iibinaya daawooyin wakhtigoodii dhacay ama aan tayo lahayn.
Laba tobankii bishii Maarso ee sanadkaan ayaa maamulku xiray xaruntii Nairobi Medical oo ku tiilay Garoowe uuna fariisan jiray Stephen Wagombe oo u dhashay wadanka Kenya, maamulkuna ogaaday in warqadaha aqoonsi ee caafimaad ay ahaayeen been abuur, waxaa kaloo baxsaday takhaatiir Soomaali iyo ajinebi isugu jira oo la ogaaday in ay wataan aqoonsiyo been abuur ah, wasaaradda caafimadka iyo ururka dhakhaatiirta Puntland ayaa dadweynaha uga digay isticmaalka daawada aan tayada lahayn oo la ogaaday in ay keento xanuuno halis ah oo sababa geeri.
Wasiirka Caafimaadka Puntland Dr, Saadiq Eenow ayaa sheegay in sharcigaan hadda loo sameeyey sidii loo hagi lahaa wanaajinta faya qabka dadka, waana ciqaab ku salaysan qofkii khalad caafimaad ka gala dadka in la soo taago maxkamad, uuna wax ka bedeli doonto hanaanki caafimaad ee ka jiray Puntland.
Dr Cabdi Cartan ayaa sheegaya iyagoo kaashanaya wasaaradda caafimaadka, booliska iyo dadweynaha ay iska kaashanayaan ololaha lagu dabar-goyanayo dhibaataddaan, waxaa jira dad fara badan oo la xanuunsan dawooyin ay isticmaaleen o oay ka qaadeen xanuunno.
Wasiirka Eenow ayaa sheegay inuu la kulmay dad badan oo dhibaato ka soo gaartay dad aan ahayn takhaatiir, sida nin sheegtay takhtar indhood oo qofkii bukaanka ahaa ka riday labadii indhoodba, ninkaas Kenyanka ahi cudurkastuu daaweynayey, ma jiro wadan sidaas isaga furan oo qofkastaa sheeganayo takhtar dadkana lagu dhibaateeyo.
Cabdiraxman Maxamed/FO








