
Waxbarshadu waa mid bilaasha ah oo bukaanno isugu jira rag iyo dumar lagu barayo wax qorista,aqrinta, harqaanka,korontada ,xisaabta iyo sida uu qofku ula dhaqmi lahaa bulshada iyo soo celinta noloshiisa caadiga ah.
Maryam Xasan waa madaxa daryeelka dhimirka ee cisbitaalka waxay sheegtay in la ogaaday in qofka qaba xanuunnada dhimirka aysan ku filneyn oo kaliya daawo, balse loo baahan yahay in dhica aqoonta aasaasiga ah laga caawiyo si uu u noqodo mid bulshada la jaan qaada.
Amino, waxay horay uga mid ahayd bukaanka dhimirka ee cisbitaalka haddana waxay baratay qaabka loo tolo dharka dumarka,waxayna Ergo u sheegtay in aysan horay u aqoon farsamada gacanta,guud ahaan waa bilaash adeegga qaybta dhimirka iyo waxbarashada waxaana maalgalisa wasaaradda caafimaadka ee maamulka Somaaliland oo kaashanayso hay’ado caalami ah iyo kuwo maxalli ah
Cumar Sabriye/FO








