
Cabdullaahi Maxmauud,oo ka tirsan dadka deegaanka ayaa sheegay in cudurka dabeysha oo laga helay Towfiiq uu sababay dhimashada dhawr qof iyo curyaaminta kuwa kale oo loo qaaday cisbitaallada maagalada Gaalkacyo.
Waxaan u baahannahay wacyi gelin ku saabsan cudurka dabeysha in laga sameeyo deegaanka si dadku ugu baraarugaan halistiisa loogan tallaalo carruurta tuulada iyo kuwa jooga miyiga loogana hortago waxyeelladiisa iyo faafiddiisaba.
Miyiga deegaanka waxaa hadda ka jira cudurka jadeecada oo dad badani la jiifaan, ma haystaan dadkaasi adeeg caafimaad oo lagu dabiibo,waxaana ka cabsi qabnaa in uu ka dillaaco deegaanka shuban biyood oo xilliyadan oo kale badanaa lagu arko deegaanka sidaasi waxaa sheegay Cabdullaahi Maxamuud.
Towfiiq waxay ku taallaa dhanka koonfur bari ee gobolka Mudug,waxaa dhowaan laga helay kiisas la xiriira cudurka dilaaga ah ee dabeysha guud ahaanna malaha xarun caafimaad.
Burhaan/FO









