Baarintaan caafimaad oo bilaasha ah oo ku saabsan heerka aragga indhaha carruurta dhigata dusiyada hoose/dhexe ee gobollada Mudug,Nugaal iyo karkaar ayaa waxaa Garoowe ka billaabay gabdhaha dhigta kulliyadda caafimaadka ee Jaamacdda Bariga Africa.
Waxaa jira carruur fara badan oo fasallada iska fadhiya oo loo maleeynayo in aqoontoodu liidato,balse sababtu waa araggooda oo aad u hooseeya oo mararka qaar ku qasaba in waxbarashada ka haraan ama ku dhacaan imtixaanaddka, sidaasi waxaa tiri Deeqo Cabdisalaan oo ka tirsan gabdhaha fulinaya barnaamijkan.
Waxaa oo sidoo kale ka faa’idaysan doona carruurta ku jira xeraha barakacayaasha,waxaana lagu baarayaa araggooda caafimaad carruurta da,adoodu u dhaxeyso 5-ta ilaa 15-ka sano oo ku kala sugan goboollada Mudug,Nugaal iyo Karkaar.baaritaanku waa mid aan wax lacag ah laga qaadayn carruurta.
Baaritaannada kadib ayaa carruurta araggooda indhaha uu liito loo qori doonaa muraayadaha aragga si ay u caawiyaan,Barnaamijkan oo ay gacan ka gaysanayso xarunta baarista iyo caafimaadka indhaha ee DR Cabdicasiis, ayaa waxaa horey looga sameeyey magaalada Boosaaso,waxaana la ogaaday in carruur aad u badan ay ka liitaan dhanka aragga.arrintan ayaa carruur badan u sahli doonta inay dhamaystaan aqoonta.
Cabdiraxman Maxamed/FO








