Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Cunto-Yaraanta

MAXAMED XASAN CABDIRAXMAAN, OO KA MID AH DADKA DEEGAANKA XUDUR

admin by admin
June 26, 2014
in Cunto-Yaraanta
0
MAXAMED XASAN CABDIRAXMAAN, OO KA MID AH DADKA DEEGAANKA XUDUR
0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter
Dadka ku nool degmooyinka go’doonsan ee  gobolka Bakool ayaa Radio Ergo uga waramay xaaladahay qabaan, iyadoona waraysigii sidaan soo socota u dhacay.
Maxamed: Xaaladda magaalada aad ayay u liidataa, ma jiraan wax gaadiid ah oo soo gala magaalada muddo ka badan afar bilood, taasna waxay sababtay in cuntadii magaalada taallay ay idlaato, mid si dhuumasho ah lagu soo geliyana ay cirka isku shareerto. Dadka danyarta ah ayay aad saameyn ugu yeelatay arrintan, mana jiraan gargaar lala soo gaaray.
Ergo: Xaggee raahsiinkaas yar uu uga yimaadaa magaalada, yaase keena?
Maxamed: Haween reer miyi ah ayaa tuulooyin fogfog ka keena raashiinka, si qarsoodi ah ayay usoo geliyaan, maaddaama aan loo oggoleyn haddii lagu arko iyagoo soo gelinaya raashiin magaalada.
Ergo: Waxaad nooga warrantaa farqiga u dhaxeeya qiimaha raashiinka markii hore, iyo hadda oo xaaladda cunto la`aantu ay jirto.
Maxamed: Tusaale ahaan, kiiladii sokorta afar bilood kahor waxay ahayd 16,000 shso. Maantana waa 60,000 shso oo aan xitaa la heleynin, raahsiin yar oo magaalada la keeno ayaa qofkii lacag haysta uu kala boobayaa, dadka danta yarna maba iibsan karaan.
Ergo: Waa xaalad adag, intaad ogtahay ma jiraan dad magaalada gaajo ugu geeriyooday?
Maxamed: Ilaa 6 qof ayaa jirta oo magaalada gaajo ugu dhintay, dad cagaha ka bararay iyo kuwo nafaqo darraysan.
Cismaan Cali oo ku sugan deegaanka Rabdhuurre.
Cismaan: Xaaladda magaalada aad bay u fiican tahay, balse gaajo unbaa ka jirta, muddo laga joogo afar bilood oo waddooyinku xiran yihiin cunto la`aan iyo gaajo yaraan baa ka jirta iyo biyo yaraan, markii horaba xoolo dhaqato baan ahayn oo beero kuma tiirsaneyn, sanadkii hore roob fiican nooma di`in marka xaaladdu waa adag tahay.
Haddey waddooyinku xiran yihiin, xaggeed raashiinka aad cuntaan ka heshaan?
Cismaan: Ganacsato ayaa gaari dameerro si qarsoodi ah ugu soo geliya oo qiimo qaali ah naga siiya. Laakiin dukaamo furan iyo ganacsiyo ayaa ka jira deegaanka ma oran karo bilooyinkan dambe.
Ergo:  Waa maxay farqiga qiimo ee u dhaxeeya raashiinka, markii hore iyo hadda?
Cismaan: Kiilo sokor hadda waa 40,000, kilo bariis 40,000, kilo baastana 40,000. Markii horena Kiilada sokorta waxay ahayd 15,000, kiilo baasto 20,000, kiilada bariiskana 15,000. Waad dareemi kartaa farqiga u dhaxeeya, waxa keenayna waa waddooyinka ay colaaduhu xireen.
Ergo: Waxaad inooga warrantaa saameynta ay cunto yaraantaas ku yeelatay dadka deegaanka, ma jiraan dad gaajo u geeriyooday?
Cismaan: Wax gaajo u geeriyooday ma maqlin, laakiin dadku aad bay u liitaan oo u nafaqo darreysan yihiin, sida carruurta iyo waayeelka. Haddeyse xaaladdu sidan kusii socotana waa laga yaabaa in la arko dad gaajada u geeriyooday.
Mishey Malow, waa hooyo haysata lix carruur ah, oo ka mid ah hooyooyinka degmada Xudur.
Mishey: Magaaladan dhibaato badan baa ka taagan, markii hore bay magaalo ahayd haddase tuulo way ka liidataa, raahsiin malaha, raahsiin yaroo dhabarka lagu keenay oo lakala boobo maahee, wax kaloo yaalla malaha, dowladda iyo hay`adaha gargaarkana nagama war qabaan.
Ergo: Waxaad nooga warrantaa saameynta ay cunto yaraantu ku yeelatay qoyskaaga?
Mishey: Maalintii saddex jeer baan wax karsan jirnay, laakiin hadda waa hal mar waaba haddii la helo`e haddii kalena maalin baanba qadnaa. Go`doon baan ku jirnaa magaalo qallalan baan iska joognaa, dhibaatadu lagama sheekeyn karo.
Sahra Cali oo ah hooyo haysata 8 carruur ah.
Sahra: Raashiin yaraanta saameynta ay nagu yeelatay waad dareemi kartaa, carruurteyda anigaa u shaqeysan jiray oo aabbahood Al-shabaab buu ku biiray mana naga warqabo, anigana shaqadii yareyd hadda ma hayo oo dadku waa baahan yahay wax loo shaqeeyo malaha, wixii la helo ayaa ilmaha loo kariyaa.
Ergo: Xaggeed carruurta uga keentaa wax ay cunaan?
Sahra: Waxaan dadka iga roon kasoo baryo un baan u kariyaa haddaan u helo.
Madiino Keerow, oo ka mid ah haweenka raahsiinka shabarka ugu keena magaalada.
Madiina: Raashiinka dhabarka ayaan kusoo qaadaa, waxaana ka raadsadaa faa`iido, laakiin dhib baan ku qabnaa oo waddada haddii nalagu arko khatar baan galnaa.
Ergo: Xaggeed ka keentaa raashiinka, meeqo saac bayse kugu qaadataa inaad Xudur soo gaarto?
Madiina: Waxaan ka keenaa tuulo fog oo 35km u jirta Xudur, waxaan gurigeyga kasoo baxaa maqribka waxaan Xudur soo gaaraa subixii salaadda. Waxaan soo maraa meelo jiq oo duur ah, si dhuumasho ah.
Ergo: Faa`iido intee la ek baad ka heshaa raashiinkaas?
Madiina: Waxaan kusoo qaadaa 30,000 shso, waxaana ku iibiyaa 60,000 shso.
Ergo: Maxaa ka mid ah arashiinka aad keento?
Madiina: Waxaan keenaa bariis, saliid, sokor iyo bur.
Ergo:Waddada dhib sidee ah baad kala kulantaan?
Madiina: Waddada haddii nalagu qabto annagoo raahsiin sidna waa nalaga daadiyaa, waa nala garaacaa lacagtana waa nalaga qaataa.
Previous Post

250 beeraley ah oo ka faa’iidaystay tababar dhinaca beeraha wanaagsan ah

Next Post

Waaliddiinta oo door bidaya inay carruurta jadeecadu ku dhacdo geeyaan goobaha isbitaallada

Related Posts

blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 17, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Danyar xamili waayay kirada guryaha oo xero ku taalla Hargaysa ku wajahaya nolo xumo

April 10, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dad ka barakacay colaadda Baydhabo oo dhibaato cunno xumo iyo hoy la’aan wajahaya

April 8, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nolol xumo ka dhalatay biyo yari ku haysa Muqdisho in ka badan 12,000 oo qoys

April 6, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas ku xarooday xeryaha Baardheere oo la il-daran nolol xumo ka dhalatay dhaqaale la’aan

March 27, 2026
Next Post
Dadka ku nool degmada Wadajir oo codsaday in dib loo hawl geliyo xarumo caafimaad

Waaliddiinta oo door bidaya inay carruurta jadeecadu ku dhacdo geeyaan goobaha isbitaallada

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 18-APR-2026

IDAACADDA 18-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 18-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 18-APR-2026
April 18, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-APR-2026
April 17, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-APR-2026
April 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo