Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Xaaladaha Soomaalida laga soo tirxiilayo Sucuudiga

Radio Ergo by Radio Ergo
March 6, 2014
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga
0
Xarun lagu xannaaneeyo gabdhaha agoonta ah oo laga furay Boondheere

Keydka sawirrada Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter
blankDhowr mar oo aan goob joog ku ahaa garoonka diyaaradaha Muqdisho,  iyadoo xilligaasi dad lasoo tarxiilay ay soo degayaan ayaa dad aan kamid ahaa waxaan si weyn ula yaabnay sida dadka soo degaya aanay  sinaba ugu ekayn dad safar u soo diyaargaroobay, waxaa ku jira carruur  yaryar oo waalidkood aan wali la soo masaafurin, dad aan dhar  sidan amaba arradan oo iyagoo shaqooyin isaga jira ama ka toosay hurdo gacanta lagu soo dhigay.
Qaarkood ma garanayaan halka ay aadan, waayo markii horaba Muqdisho kama bixin oo ma deganeyn, inta badanna dadka ayaa kuu sheegayaa in ay meelo cidla ah uga soo tageen wixii hanti mood ay lahaayeen, waqtiguna uma saamixin in ay si uun yeelaan, kaba sii darane qof walba oo aad wareysato waxuu kuu sheegayaa in waqti dhowr bil ama dhowr todobaad uu xabsi ku jiray inta aan la soo tarxiilin
Faarax Cusmaan Maxamed waa aabe dhalay 5 carruur ah, isagoo iyo qoyskiisana waxay ku kala dhumeen soo qabashadiisa, balse bil iyo bar kadib ayaa qoykiisana loo soo masaafuriyay, oo ay dib u midoobeen waxaanna uu iiga sheekeeyay sidii dhibka laheyd ee Sucuudiga ugu tahriibay iyo sida sharafdarada ee loosoo tarxiilay,
“Lix sano ka hor ayaan Muqdisho ka tegey anniga iyo wiil yar oo 9 jir ah oo aan dhalay, Boosaaso ayaan tagnay kadibna Yemen, Yemenna si sharci darro ah oo dhuumasho ah ayaan ugu talownay Sucuudiga oo aan ka xoogsi bilaabay, kuna guursaday xaas ii dhashay afar carruur ah, anniga iyo qoyskaygiina mid kasta isagoo hawl maalmeedkiisii ku jira ayaa nala qabtay oo xabsi nala geeyey, sidaas ayaana la igu soo tarxiilay”
 Xukuumadda Soomaaliya iyo hey’adda socdaalka dunida ee IOM ayaa waxay ka hirgeliyeen meel ku dhow garoonka diyaaradaha Muqdisho teendhoyin si kumeel gaar ah ay ugu nasanayaan dadka la soo tarxiilay caafimaadkoodana lagu tijaabinayo.
 Wasiirka gadiidka iyo duulista hawada Soomaaliya Siciid Jaamac Qoorsheel ayaa waxa uu sheegay in dadkan sida indha la.aanta ah loogu soo daabulayo garoonka Muqdisho loo baahan yahay in la hubiyo  tiradooda saxda ah, caafimaadkooda , amaankooda iyo kuwa aan Muqdisho deganeyn sidii iyagana loogu gurman lahaa.
Cabdullaahi Nuur Sheekh Qaasim oo ah sargaal sare oo ka tirsan  xafiiska koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya ee hay’adda IOM ayaa waxa uu sheegay in ay dhankooda bilaabeen in dadka aan deganeyn Muqdisho ee la soo tarxiilo ay u kala daabulaan gobalLada ay degan yihiin iyagoo adeegsanayo safarro isugu jira dulimaad iyo socdaal dhulka ah.
Hay’adda xuquuqda aadanaha ee Human Rights Watch ayaa sheegay bishii Febaraayo 18 2014 warbixin ay soo saartay in 12 kun oo qof oo Soomaali ah ay sanadkaan soo tarxiishay dawladda boqortooyadda Sucuudigu, dadkaan ayaa budan qoysas dhan oo ka kooban waalidiin iyo carruur badankood ku dhashay dalkaasi iyo dhalinyaro ugu tahriibtay Sucuudiga in ay  xoogsadaan oo ay qoysaskooda ku sugan Soomaaliyana noloshooda ka kabana.
Dadka laga soo tarxiilo mararka qaar waxa ku jira dad ajaanib ah oo Soomaali ahaa loo keenay waxana ka mid ahaa dad u dhashay itoobiya iyo muwaadin ay dhalashadiisu tahay Sacuudiga dowladda Soomaaliya ayaana sheegtay in wasaaraddeeda arrimaha dibadda ay uga fadhido in Sucuudiga ay kala xaajooto arrimaha noocaan ah sida uu mar kale ku warramayo wasiirka  gadiidka iyo duulista hawada ee Soomaaliya Siciid Jaamac Qoorsheel.
Inkastoo Soomaalida laga soo celiyay Sacuudiga badankood la dhihi karo hab sharci ah uguma socdaalin dalkaasi, kumana joogin, haddana Sucuudiga  ayeyba dadku sheegayaan inaanuba laheyn waxa sharci ah si rasmi ah ama  si leysugu haleyn karo ay dalkaasi ku joogi karaan maadaama dadka ay Soomaaliya uga cararayaan dagaallada,  shaqo la`aanta iyo raadinta nolol.
Yusuf/MRS
Previous Post

Biyo-la’aan baahsan oo ka jirta miyiga ku dhow Cadaado

Next Post

Isbitaalka guud ee Gaalkacayo oo adeeg la`aani hayso

Related Posts

Qoysas laga raray xeryo ku yaalla Kismaayo oo ka cabanaya shaqo la’aan iyo nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga raray xeryo ku yaalla Kismaayo oo ka cabanaya shaqo la’aan iyo nolol xumo

September 3, 2026
Xoogsato laga hor istaagay shaqadooda oo Baydhabo ku wajahaya nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Xoogsato laga hor istaagay shaqadooda oo Baydhabo ku wajahaya nolol xumo

August 29, 2026
Qoysas nugul oo ku xoolo beelay roob la’aanta oo ku biiray xero ku taalla Gaalkacyo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas nugul oo ku xoolo beelay roob la’aanta oo ku biiray xero ku taalla Gaalkacyo

August 28, 2026
Kalluumeysto barakac ku ah Muqdisho oo ka cabanaya xirfad la’aan ka dhan ah shaqadooda
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Kalluumeysto barakac ku ah Muqdisho oo ka cabanaya xirfad la’aan ka dhan ah shaqadooda

August 24, 2026
Beeraley colaad uga cararay dalagyo u soo go’ay oo nolol xumo ku wajahaya Baydhabo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Beeraley colaad uga cararay dalagyo u soo go’ay oo nolol xumo ku wajahaya Baydhabo

August 10, 2026
Mandheera: Qoysas ka soo kaban waayay fatahaad baabi’isay beerahooda
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Kalluunka laga jillaabto webiga oo badbaado kumeel-gaar ah u ah beeralayda Baarsanguuni

August 6, 2026
Next Post
Isbitaalka guud ee Gaalkacayo oo adeeg la`aani hayso

Isbitaalka guud ee Gaalkacayo oo adeeg la`aani hayso

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 10-SEP-2026

IDAACADDA 10-SEP-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 10-SEP-2026
Episode play icon
IDAACADDA 10-SEP-2026
September 10, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 09-SEP-202
September 9, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 08-SEP-202
September 8, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 07-SEP-2026
September 7, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 06-SEP-2026
September 6, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo