Xarun caafimaad oo bixineysa adeegyo lacag la’aan ah ayaa laga furay tuulada Ceelhuur ee gobolka Mudug toddobaad kahor. Maamulka tuulada iyo bulshada deegaanka ayaa sheegay iney xaruntu tahay tii ugu horreysay ee adeeg caafimaad u fidisa dadka deegaanka oo tiro ahaan ku dhow 2000 oo qoys.
Dhismaha iyo qalabeynta xaruntan oo ay ku baxday lacag dhan $62,000 oo doolar ayaa ka kooban toddobo qol oo isugu jira qol haweenka lagu dhaliyo, mid sheybaar ah, kuwo bukaannada kale lagu eego iyo qolal lagu nasto. Waxaa xarunta ka howlgalaya shan howl-wadeen oo isugu jira dhakhaatiir iyo kalkaaliyayaal.
Agaasimaha hey’adda gargaarka ee Deh Maxamed Cabdi Yuusuf ayaa sheegay in dhaqaalaha ku baxay isbitaalka laga ururiyay madaxda iyo howl-wadeennada hey’adda. Mid ka mid ah dadka deegaanka oo la yiraahdo Cabdulaahi Maxamuud Jimcaale ayaa raadiyaha Ergo u sheegay in isbitaalka la furay xilli ku haboon oo aad loogu baahnaa. Hooyadiis oo 70 sano jir ah ayaa ka mid ah bukaannadii ugu horeeyay ee isbitaalka lagu daweeyo.
Bulshada ku nool tuulada Ceelhuur ayaa adeegyo caafimaad u aadi jiray magaalooyinka Xarardheere iyo Cadaado ee gobolka Galgaduud oo tuulada ka kala fog 75 iyo 300 oo km.
“Haweenku qaar baa dhiig bax jidka ugu dhiman jiray,” ayuu yiri Maxamed Cabdi. Agaasimaha hey’adda Deh ayaa intaa ku daray in haweenka deegaanku hadda ka maarmi doonaan in ay magaalooyinkaa ugu safraan howlo caafimaad. Haween lix ka badan ayaa toddobaadkii ugu horreeyayba ku dhalay isbitaalka sida uu soo sheegay weriyaha Ergo ee gobolka Galgaduud.
Haweenka uurka leh iyo carruurta oo keli ah kama heli doonaan adeegyo caafimaad oo lacag la’aan ah xarunta. Laakiin dhaqaale xoogan ayaa u baaqan doona bulshada deegaanka oo marka qof ka xanuunsada ay safaf iyo daweyn uga bixi jirtay lacag dhan $500 to $1,000 doolar.









