Ugu yaraan saddex qof ayaa cudur aan la aqoonsan oo lala xariirinayo in ay ka dhasheen saxada deegaanka oo aan hagaagsaneyn iyo isticmaalka biyaha aan nadiifka aheyn ugu dhintay tuulo la yiraahdo Daabley oo ka tirsan gobolka Gedo. Labo ka mid ah dadka dhintay waa gabdho ka yar shanta sanno, sida uu sheegay Sheekh Maxamed Deeroow oo ah Gudoomiyaha tuulada.
Dad kale oo dhowr ah oo uu cudurku helay ayaa guryahooda ku xanuunsanaya maadaama aysan dhakhtar heli karin. Weriyaha Ergo ee gobolka wuxuu leeyahay tuulada Daabley ma leh xarun caafimaad, bukaanaduna waa in ay u socdaalaan degmada Garbaharey oo 15km u jirta oo ay ka heli karaan dhakhtar iyo xarunta caafimaad ee ugu dhow.
Dadka tuuladaas ku nool ma helaan biyo nadiif ah ama kuwo daweysan oo ay cabaan. Dadku badidoodna waxa ay isticmaalaan biyo nadiif ah, taas oo la rumeysan yahay in cudurku ka dhashay.
Sarkaalka ugu sarreeya xafiiska Caafimaadka ee maamulka gobolka Gedo Shire Cabdi Xasan ayaa sheegay in lagu soo wargeliyay cudurro ka dilaacay tuulooyin dhowr ah oo ay ku jirto Daabley. Shire wuxuu sheegay in ay qorsheynayaan in ay tuulooyinkaas u diraan howl-wadeenno caafimaad oo soo qiimeeya iyo dawooyin.
Axmed Cumar Saalixi








