Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Cunto-Yaraanta

CILMI BAADHE DHINACA BEERAHA AH OO TALOOYIN SIINAYA BEERALAYDA SOOMAALIDA

admin by admin
January 9, 2014
in Cunto-Yaraanta
0
CILMI BAADHE DHINACA BEERAHA AH OO TALOOYIN SIINAYA BEERALAYDA SOOMAALIDA
0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter
blankBeeraleeyda Beledweyne ee beerta dalagyada khudaarta iyo geedmiroodka kale ayaa cabasho xooggani kasoo baxaysey tan iyo biloowgii bishii December, cabashadaas oo ku saabsaneeyd cayaayano weerar ku ah dalagyadii ay beerteen xilli roobeedkii Deyrta.
Isaaq Cilmi Cabdulle oo ka mid ah beeraleeyda deegaanka Weheliye Lugoole oo isna ah meelaha beeraleeydu ka cabanayaan cayayaanka iyo bushiga  ayaa mar Ergo su’aashay dhibaatooyinka hadda haya ka jawaabayayay yiri ” Malabiso, diirato, injir, kabajaa iyo cayayaan kale oo yar yar ayaa fara ba’an nagu haya, waxaana ugu daran malabisada,  geedkii yaanyada iyo borbarooniga waxaad arkee geedkii qurxanaa  oo caleentii madoobaad noqotay ood u maleeynaysid in lagu daadiyay saliidda gubatay ee gawaaradida laga beddelo, markaad gacanta ku taabato geedka iyo mirihiisa waa kugu dhagdhagayaan, sidaas ayaana malabiso loogu magacdaray”.
Haddaba arrintaan ayaan wax ka waydinay Dr. Maxamed Xasan Maxamuud oo ah cilmi baadhe ka tirsan hay’adda calamiga ah ee dhinaca cayayaanka iyo cudurada ku dhaca beeraha ee ICIPE fadhigisuuna yahay magalada Mpita ee ku taala harada Victoria ee galbeedka Kenya.
“markaan arkay cabashadaa, cudurka ku dhacaya midhahan ganacsiga loo beerta sida yaanyadda,cudurada ku dhaca geedka yaanyadda geedku markuu yar yahay kuma dhaco, ee wuxuu asiiba markuu geedku weynaado, saddex meelood ayuuna ka haleelaa, jirida, mirta iyo caleenta, geedkuna wuu madoobanayaan, waxaana keena ili ma aragtay, ilaa weynayso lagu fiiriyo mooyaane aan la arki karin sida fayraska, bakteeriyada iyo fangaska, wayna ku dhacaan yaanyada, barbarooniga iyo khudaarta kaleba.
Cuduradaas iyaga ah waa isu dhow dhow yihiin si ayaana la isugu khaldaa, geedkii inuu qalalo, ama dhaco, baro madmadow, ama geedka cadcadaan ka fuulo caleenta, cudurada badanaa dabaysha ayaa qaada,
Waxaa looga hor tegi karaa, in falka la badiyo, si qoraxdu ugu dhacdo, in la fogeeyo geedkii xumaaday ama mirtii xumaatay,beertana in kormeer joogto ah lagu sameeyo, oo geedkii xumaaday si uusan ugu fidin kuwa fiyow, badanaana cuduradu waxay ku dhuutaan qaybta geedka aan qoraxada arkayn, markastoo geed jiran aad taabato maydh farahaaga ama nadiifi birtii aad ku goysay, sidoo kale joogtaynta nadaafadda beerta ayaa qayb muhiim u ah fayo qabka dalaga, geedaha ha isku cufin, si geeduhu hawo iyo ilayska cadceeda u helaan aysanna cudurada isugu gudbin.
Cudurkaan aadka looga qayliyey ee Malabisada (aphid) cayayaanka ayuu soo jiitaa, wuxuuna geedka ka dhigaa mid xaydh oo kale leh, markuu bilowga yahay wuxuu yaanyada kaga dhacaa dhinaca jirida, laba midab ayuuna yeeshaa oo kala ah cagaar ama casaan, wax lala dagaalami karo ma aha, waxaase looga hortegi karaa si fudud oo aan u baahnayn kharash iyo kiimiko toona, hanta buufinta ayaad biyo ku shubaysaa, xoogaa saabuun ah ayaad ku daraysaa biyihii, hana ka badin saabuunta, marka geedkii aad ku aragtay ku shub, waxayna saabuuntii xadidaysaa koristii malabisada, sidaas ayuuna ku baaba’ayaa.
AS/MH
Previous Post

Waraysi kusaabsan helitaanka maadada birta (Iron) ee dhiiga dhista

Next Post

WARARKII QIIMAHA XOOLAHA SAYLADAHA QAARKOOD

Related Posts

Qoysas colaad ay saamaysay noloshooda oo cunno xumo ku wajahaya Ari-cadeeye
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas colaad ay saamaysay noloshooda oo cunno xumo ku wajahaya Ari-cadeeye

July 7, 2026
Qoysas go’doon iyo nolol xumo ku wajahaya Mudug markii ay guuri kari waayeen
Beeraha Iyo Xoolaha

Qoysas go’doon iyo nolol xumo ku wajahaya Mudug markii ay guuri kari waayeen

July 3, 2026
Colaad nolol xumo galisay kumanaan qoys oo ku barakacay Shabeellaha hoose
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Colaad nolol xumo galisay kumanaan qoys oo ku barakacay Shabeellaha hoose

July 2, 2026
Sicir-barar ku qasbay ganacsatada khudaarta Hargaysa in ay xiraan ganacsiyadooda
Cunto-Yaraanta

Sicir-barar ku qasbay ganacsatada khudaarta Hargaysa in ay xiraan ganacsiyadooda

June 29, 2026
Ganacsiyo u xirmay xoolo yari iyo dhaqaale xumo haysa reer guuraga gobolka Doollo
Cunto-Yaraanta

Ganacsiyo u xirmay xoolo yari iyo dhaqaale xumo haysa reer guuraga gobolka Doollo

June 25, 2026
Qoysas markii labaad barakacay sanadkan oo Jubbada hoose ku wajaha xaalad nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas markii labaad barakacay sanadkan oo Jubbada hoose ku wajaha xaalad nolol xumo

June 24, 2026
Next Post
WARARKII QIIMAHA XOOLAHA SAYLADAHA QAARKOOD

WARARKII QIIMAHA XOOLAHA SAYLADAHA QAARKOOD

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 09-JUL-2026

IDAACADDA 09-JUL-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 09-JUL-2026
Episode play icon
IDAACADDA 09-JUL-2026
July 9, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 08-JUL-2026
July 8, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 07-JUL-2026
July 7, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 06-JUL-2026
July 6, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 05-JUL-2026
July 5, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo