Ayax tiro badan ayaa ku habsaday deegaannada hoos yimaada gobollada Salal, Awdal iyo Saaxil, sida ay sheegeen maamulka iyo qaar ka tirsan bulshada deegaannadaas.
Ayaxan ayaa saamayn ku yeeshay dooggii xooluhu ay cuni lahaayeen iyo dhirtii ku taallay deegaannadaasi, waxaanu ku baahay tuulooyin badan isagoo isku ballaadhiyay qiyaas dhan 300 oo km .
Rooble Aadan oo ka tirsan dadka deegaanka soona maray dhowr tuulo oo Ayaxu uu ku degay, ayaa Ergo u sheegay inuu ka soo bilaabmay dhinaca xeebta Bullaxaar, uuna ku teedsan yahay Saylac, Lughaya ilaa Ceel-gaal iyo tuulooyinka hoos yimaado.
“Laba tuulo ayaan soo maray, Ilaah baan ku dhaartaye Ayaxa meel laga maro malaha, dooggii wuu bi`iyay oo xoolihiina way ka didayaan. Dhibaato badan buu ku hayaa deegaanka.” Ayuu yiri Rooble.
Duqa degmada Saylac, Xuseen Iidle Barkhadle ayaa Ergo u sheegay in magaalooyinka qaar uu soo galay ilaa guryaha saamayntiisuna ay ballaadhan tahay “Magaalada wuu soo galay, in diyaarad buufisa naloo soo diro mooyaane, ma garanayo wax kaloo wax ka qabanaya.” Ayuu yiri duqa.
Cabdiraxmaan Xuseen Ismaaciil oo ah madaxa hay’dda wax ka qabashada Ayaxa ee Somaliland ayaa sheegay inay kormeer ku tageen qaar ka tirsan deegaannadaasi muddo haatan laga joogo saddex toddobaad, waxaanu qiray inuu Ayaxu ka jiro deegaannadaasi, balse saamayntiisu aanay badnayn.
“Waxaa inoo qorsheysan inaan qiimeyn kusoo sameyno, kaddibna aan ka tashanno sidii wax looga qabna lahaa.” Ayuu yiri Cabidraxmaan.
Ayaxan ayaa sida uu sheegay Cabdiraxmaan wuxuu daba socday duufaannadii ku dhuftay deegaannada Puntland, uuna Somaliland kazoo galay dhanka xeebaha bari.
Nimco-ayaan Mxaamuud Ciise/FM