Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Caafimaadka

SAAMEYNTA KA BIXITAANKII MSF AY KU YEELATAY BUKAANNADA ISBITAALKA GUUD EE GAALKACYO

admin by admin
August 21, 2013
in Caafimaadka
0
Xarun lagu xannaaneeyo gabdhaha agoonta ah oo laga furay Boondheere

Keydka sawirrada Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

blankBukaannadii ay gacanta ku haysay hay’adda takhaatiirta aan xuduudda lahayn ee MSF ee isbitaalka  Gaalkacyo ayaa walaac ka muujiyay  mustaqbalkooda caafimaad, kadib markii ay dhowaan hay`addu sheegtay inay joojisay dhammaan adeegyadii kaalmada  caafimaad ee ay ka wadday Soomaaliya.

Goobaha ay MSF gacanta ku haysay ayaa waxaa ka mid ahaa isbitaalka guud ee magaalada Gaalkacyo gaar ahaanna qeybaha daaweynta cudurka qaaxada, nafaqada carruurta iyo qeybta dhalmada haweenka ama qeybta umulisooyinka. Iyadoo dadka laga daaweeyo cudurka TBda iyo carruurtaba ay daaweynt ka soo doonan jireen  gobollada Puntland, gobollada dhexe, deegaanka Soomaalida Itoobiya meelo ka mid ah iyo dadka barakacayaasha ah, ilaa hadda ma jirto cid ballan qaadday inay buuxinayaan booskii macaawineed ee ay bannaysay ha’adda MSF.

Caydiid Cabdullaahi oo ka mid ah bukaannada qeybta qaaxada ee isbitaalka Gaalkacyo ay daaweyntu uga socotay ayaa  Ergo uga warramay walaaca uu qabo, “Waxaan qaataa daawada qaaxada waxaana ka imid degmada Caluula ee gobolka Bari ,maalintii aan imid iyo maantana waxaan kala ahay labo qof oo maantaan fiicanahay, daawadu waxay ii socotay 5bilood iyo 20 casho, aad baana uga xumahay inay MSF shaqadii joojiso, aad baana uga murugeysanahay.” Ayuu yiri Caydiid.

Sidoo kale  Xaawo Geelle Xasan Cali oo bukaannadaas ka mid ah ayaa Ergo u sheegtay in markii daawada ay bilaabaysay  ay ahayd qof lagu siday bareelaha lagu qaado dadka aan socon karin ee tabarta daran, hase yeeshee hadda u muuqata qof aad u ladan, waxayna daaweyntu u socotay muddo sanad ah.

“Wax kastaa nagu dhici kara in daawadii naga kala go`do, iyadoo aan wali naloo sheegin in daaweyntii noo dhammaatay iyo inkale, inkastoo wali noo socoto daaweyntii haddana waa cabsanaynaa.” Ayay tiri Xaawo.

Bukaannadaas waxaa ka mid ah sidoo kale dad ka yimid meelo fogfog kuna tiirsanaa daawooyinkaas. Axmed Mahad oo ka yimd deegaanka Sarhaye ee deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa sheegay inuu aad uga walaacsan yahay mustaqbalkiisa caafimaad sida uu noqon karo haddii uusan helin cid damaanad qaadda daaweyntiisa, “Waxaa na soo food saari kara dhibaato caafimaad oo aad u badan aad baana uga xumaannay inay MSF shaqadii joojisay waxaana codsanaynaa inaysan daawayntu naga kala go’in.” Ayuu yiri Axmed.

Faaduma Cali Jibriil waa hooyo da’ ah waxayna sheegtay inay aad uga xuntahay in adeeggii caafimaad ee ay heli jireen lagu wargelsho inay hay`addii bixin jirtay joojisay, “Waxaan ka imid Bacaadweyn oo ka mid ah gobolka Mudug daaweyntu waxay ii socotaa 2 bilood , waana lacag la`aan waxaana nala yiri hay`addii waa tagtay, laakiin wali daaweyntii waa noo socotaa waase baqeynaa in daawadii naga joogsato.” Ayay tiri Faaduma.

Waxaa sidoo kale raadiyo Ergo uu booqday qeybta carruurta  ee isbitaalka guud ee Gaalkacyo oo ay gacanta ku haysay ha’adda MSF oo sheegtay inay ka baxaso Soomaaliya oo dhan. Fardowsa Maxamed Xasan waa hooyo ka timid degmada Goldogob waxayna  ilmo yar oo xanuunsan ku haysataa qeybta carruurta ee isbitaalka Gaalkacyo  waxayna ka warrameysaa adeeggii ay ka heli jireen oo laga yaabo inuu joogsanayo. “Waxaan halkaan ka helaa adeeg lacag la`aan ah, daawo lacag la`aan ah iyo jiif lacag la`aan ah waxaana codsanaynaa in hay’addii naloo daayo ama hay’ad kale naloo keeno, waayo ma awoodno inaan gadanno daawo iyo adeeggii aan heli jiray oo kale.” Ayay tiri.

Farxaan Yuusuf Bulxan waa Aabbe ilmo xanuunsan afar bilood ku haysta qeybta carruurta ee ay gacanta ku haysay MSF, wuxuuna Ergo u sheegay inuu ka yimid degmada Wardheer oo ka tirsan Itoobiya, wuxuuna walaac ka muujiyay xaaladaha caafimaad ee ay la kulmi karaan, “ilmuhu afar bilood buu xanuunsan yahay, waxaa laga helay maanajaajis xanuunka loo yaqaan, waanu garan weynay markii hore xanuunkiisa halkaanaan keennay, waxaan helnay daaweyn iyo baaritaan, MSF baa joogtay haddana wey baxda, waxaana maamulka Puntland ka codsanynaa in dadka la samata bixiyo oo aan cidla lagu sii dayn.” Ayuu yiri Farxaan.

Cali Cabdullaahi Warsame oo ah wasiirka caafimadka ee Puntland ayaa sheegay in Puntland ay aad uga xuntahay in la waayo adeeggii caafimaad ee ay bixin jirtay MSF, hase yeeshee ay ku dadaalayaan inay buuxiyaan baahida adeeg ee jirta, “Waxaan ku dadaali doonnaa in howshii ay sii socoto oo aysan joogsan shaqadii, waxaa ku jira qeybta TBda bukaanno gaaraya 215 qof oo 15 ka mid ah ay yihiin bukaanno aad xaaladdoodu u adagtahay oo kujira marxaladda jeermisku uu daawada la qabsado,qeybta umulaha waxaa bishii ku dhalan jiray 300 oo ilmood,waxayna bixin jireen howl wanaagsan.” Ayuu yiri wasiirka.

Hay`adda takhaatiirta aan xuduudda lahayn ee MSF ayaa ku dhawaaqday inay joojisay  caawinaaddii dawo ee gudaha Soomaaliya ay ka wadday 14kii bishan Agoosto, waxayna sanado badan xaalado adag kusoo caawineysay dadka Soomaaliyeed .

Burhaan Maxamed Cabdi/FM/AM

Previous Post

PHILLIPE LAZZARINI: SOOMAALIYA WAQTIGAN WAY KA SOO RAYNEYSAA MACLUUSHII DHACDAY 2011KII

Next Post

DEGMADA MATABAAN OO AAN LAHAYN ADEEG CAAFIMAAD

Related Posts

blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Umulisooyin daryeel iyo talooyin caafimaad u sameeya haweenka ku nool Dhadhaab

January 13, 2026
blank
Caafimaadka

Nolol xumo iyo daryeel la’aan isku biirsaday qoys ku nool Shabeellaha dhexe

December 1, 2025
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dayac iyo nolol xumo haysata dadka qaba xaaladda dhimirka ee ku nool Dhadhaab

November 3, 2025
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dhibaato ka dhalatay xarumo caafimaad oo ka xirmay dad barakac ku ah Baydhabo

September 8, 2025
Adeeg la’aan caafimaad oo ka dhalatay 20 isbitaal oo ku xirmay colaadda Hiiraan
Caafimaadka

Adeeg la’aan caafimaad oo ka dhalatay 20 isbitaal oo ku xirmay colaadda Hiiraan

September 4, 2025
Shabeellaha Hoose: Haweenka ku jira xilliga foosha oo wajahaya gargaar la’aan caafimaad
Caafimaadka

Shabeellaha Hoose: Haweenka ku jira xilliga foosha oo wajahaya gargaar la’aan caafimaad

July 21, 2025
Next Post
Xarun lagu xannaaneeyo gabdhaha agoonta ah oo laga furay Boondheere

DEGMADA MATABAAN OO AAN LAHAYN ADEEG CAAFIMAAD

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 18-APR-2026

IDAACADDA 18-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 18-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 18-APR-2026
April 18, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-APR-2026
April 17, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-APR-2026
April 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo