
Cabdullaahi Mahadalle Axmed waa madaxa samafalka iyo ha` adaha gargaarka ee maamulka degmada Matabaan, wuxuuna ka warbixiyay xalaadda guud e isbitaalka degmada waxana uu sheegay in dadka hadda dhibato ka soo garto rasaasta, miinoyinka iyo cudurro haleelay iyo dhallaankaba la geeyo degmoyin kale sida Guriceel oo ka tirsan gobolka Galgaduud, si ay u helaan gaargar caafimaad.
Isbitaalkii ay dhistay dawladdii hore waa mid isagu burbursan, dadkuna waxba kamaysan qaban sidii ay dib ugu hawl gelin lahaayeen. Hay’ad gudaha ka hawl gasha oo la yiraahdo HIRDO ayaa xoogaa daawo ah xilliyo keentay, wahayanna waxba kama imaan ayuu sheegay Cabdulaahi Mahadalle
Ayadoo jirto dhibaatada isbital la`aanta Matabaan ayaa waxay si gaar ah u saameyneysaa hooyada iyo dhallaanka, waxaana mar walba hooyada uurka leh iyo dhallaanka loo qadaa meelo ka baxsan, intay safarka adeeg caafmaad ku raadinayaanna waxaa soo wajaha dhiigbax iyo ibida oo ku go’da marka ay dhalmadu timaddo.
Cadar Warsame Caadle oo ah umuliso dhaqameed ka hwal gasha Matabaan “umulisa dhaqameednimada dhib ayaan ku qabnaa, isbitaal ma laha, daawo iyo qalab ma haysanno, gabadhii ibidoo ku go’do ama ilmuhu dhalan waayo, waa inaan ku amarno qofkaas in loo qaado Beledweyne, waxayna badi ku sii dhintaan intay jidka ku sii jiraan”
Maxamed Cosman/MH








