Xanuunnada Jadeecada, Shuban biyoodka iyo Duumada ayaa soo ritay dad carruur u badan oo ku nool howdka koofureed ee deegaanka Boocame ee gobolka Sool.
Dhakhtar Maxamed Yaasiin Warsame oo madax ka ah xarun yar oo caafimaadka oo ku taal deegaanka Boocame ayaa raadiyaha Ergo u sheegay in 18 carruur ah oo ku nool tuulooyinka Karingorfod, Fardhidin iyo Boocame uu soo ritay cudurka shuban biyoodka.
Maxamed Yaasiin Warsame wuxuu kaloo sheegay in jadeecada ay sidoo kale ka dillaacday deegaanka oo ay ku nool yihiin carruur aan helin tallaalka cudurrada dilaaga ah ee lixda ah.
Maxamed wuxuu intaa ku daray in cudurka duumada ay aad usoo ridanaysa dadka ku nool tuulooyinkaas oo aan laheyn adeegyo caafimaad oo dhamaystiran.
Warbixinnada gobolka waxay sheegeen in 20 kale oo carruur ah oo 13 ka mid ah ay gabdho yihiin laga helay jadeecada.
Dhammaan carruurta shubanka iyo jadeecada la il daran waxay ka yar yihiin shanta sano. Deegaanku ma leh xarumo caafimaad oo qalabaysan, marka laga reebo xarumo yar yar oo farmishiyayaal ah.
Jaaliyadda Soomaaliyeed ayaa deegaanka Boocame ka dhisay guri la qorsheeyay inuu noqdo xarun caafimaad laakiin weli lama qalabayn. Carruurta xanuunsan badidood waxaa loo qaaday goobaha caafimaad oo ku yaal magaalada Garoowe.
Toddobaadkii hore, agaasimaha wasaaradda caafimaadka Puntland Cabdirisaaq Xirsi Xasan ayaa raadiyaha Ergo u sheegay in deegaanno ka tirsan gobolka Mudug lagu arkay kiisas la xariira cudurka jadeecada oo la tuhmayo inay keenaan dad kasoo gudbay dhulka Soomaaliya iyo Itoobiya oo gobolkaas yimid.
Cabdiraxmaan Maxamed Xaaji/MR/FM