
Dadka indhoolayaasha ah ee ku nool magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud ayaa ka cabanaya hoy iyo waxbarasho la’aan haysta. Dadka Indhoolayaasha ah ee ku nool gobollada Dhexe ma leh xarumo wax lagu barto, mana helaan xanaano gaar ah.
Cabdi Cabdille Geeddi oo ah 54 sano jir indhoole ah ayaa raadiyaha Ergo u sheegay in uusan laheyn xaas iyo carruur daryeela iyo ehel kale oo caawiya.
Laakiin indhoolayaasha xaasaska iyo carruurta leh ayaa dhib ka haystaa soo dhicinta nolol maalmeedka qoysaskooda siduu sheegay Axmed Cumar Maxamed oo ka mid ah indhoolayaasha ku nool degmada Cadaado.
Guddoomiyaha ururka dadka indhoolayaasha ah ee Cadaado ku nool Mahad Xasan Maxamed ayaa raadiyaha Ergo u sheegay inay diiwaan-geliyeen dad gaaraya 40 qof indhoolayaal ah oo ku nool degmada Cadaado laakiin tirada rasmiga ah intaas way ka badan tahay.
Mahad Xasan Maxamed ayaa ugu baaqay dadka Soomaaliyeed iyo hay’adaha samafalka inay taageero iyo gargaar u fidiyaan dadka indhoolayaasha ah ee ku dayacan gobollada dhexe.
Inkastoo dagaallada iyo colaadaha dalka ka socda dhowr iyo labaatankii sano ee lasoo dhaafay ay lixaad tireen dadka badan oo Soomaali ah, dadka indhaha la’ waa kuwo ugu nugul inta lixaadka ku biishay dagaallada.
Maxamuud Diirshe/MR/FM









